Komishanka Doorahsooyinka Oo Kuraastii Deegaanka Saylac Dhamaantood Ka Iibiyay Beesha Ciise Intaan Doorashaba La Gaadhin. By Abdi Jama
Komishanka Doorahsooyinka oo Kuraastii Deegaanka Seylac dhamaantood ka iibiyay Beesha Ciise intaan Doorashaba la gaadhin Taasi waxay keentay Xaalad Deganaansho laaan ah oo ka abuurantay Deegaanka Seylac. Beelaha Gadabuursiga ee Deegaanka Koonfurta Selel/Seylac ayaa Nidar ku maray inayna Doorasho ka dhicin Gobolka Selel taasoo keentay Khilaaf Beeleed oo keeni kara Gacan ka hadal.
Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa Jagada Xoghayaha Komishanka Degmada Seyalc oo Beesha Gadabuursi hore u haysay ku qoray Nin Beesha Ciise ah si ay ugu shubtaan Doorashada Deegaanka soo socota.
Waxa la ogyahay Labada Sarkaal ee saxeeexa Goobaha Doorqashooyinka lihi in ay yihiin Guddoomiya iyo Xoghayaha oo kaliaya taasoo Komishanka Doorashooyinku Beesha Ciise iskugu Dareen Labadaas Xil ee Check and Balance ka ah si Beesha Ciise awood buuxa ugu hesho inay ku shbtaan Doorashada.
Komishanka Qaranka ayaa sidan u falay ka dib markii Koox Reer Djibouti ahi ay Hargeysa u yimaadeen sidii Beesha Ciise loo siin lahaa Jagadan ay hore u hayeen Besha Gadabuursi taasoo ujeeddada ka dambaysa tahay in Beesha Ciise fursad u hesho inay ku shubtaan Doorahsada Deegaanka 25 ka sanduuq ee Seylaca dhamaantood
Kooxdan Djibouti ka timiday ayaa arrinkan ku siisay Laaluush mug leh Saraakiil ka tirsan Komishanka Qaranka ee uu Gudoomiyaha u yahay Eng. Ciise Yuusuf X. Maxamed (Ciise-xamari). Eng Ciise Xamari ayaa ah Nin ku caanbaxay Fogaynta iyo Faquuga Beesha Gadabuursi isgaoo u gaystay Hagardaamooyin isdaba jooga.
Qaab dhismeedka Komishanka Doorashooyinka ee Degamada Seyalac ayaa Tobankii sano ee u dambeeeyay ahaa sidan Hoos ku qoran:
.1. Gudoomiye: Beesha Ciise
2. Guddoomiye Xigeen: Beesha Gadabuursi
3. Xoghaye: Beesha Gadabuursi
4. 3 Hubiye oo Beesha Ciise ah iyo 2 Hubiye oo Beesha Gadabuursi ah
Haddaba markii Mudo hal wiig laga Joogo ay Komishanka Qaranku qaabdhismeedkaas si Cadaalad Darro ah wax uga badaleen ayay Beesha Gadabuursigu shirar ka galeen. Ka dib markii ay Komishanlka Qaranaka ee Laaluushka qaatay talaabadan qaadeen ayay Beelaha Deegaanka Gobolka Selel ta Koonfureed e Gadabuursigu ka biyo diideen iyago shir ay galeen ku goaansaday in ayna sinaba u aqbalin Gefkaas Komishanku kula kacay.
Wararka laga helayo Deegaankaas ayaa sheegaya in Maleesiyo Beeleedyo ka soo jeeda Beelaha Ladulamy ee Gadabuursigu ay haatan isku diyaarinayaan inay Gacankahadal iskaga difaacaan Dulmigaas iyagoo Nidar ku maray in ayna Doorasho ka dhicin Deegaankaas haddaan arrinkaas Waba laga qaban
Beelaha Gadabuursiga ee Deegaanka Koonfurta Selel/Seylac ayaa Nidar ku maray inayna Doorasho ka dhicin Gobolka Selel taasoo keentay Khilaaf Beeleed oo keeni kara Gacan ka hadal
By Abdi Jamac , Freelance Journalist
saylici12@hotmail.com