Gudoomiyaha Urursiyaasadeedka WADANI Mudane Ciro Oo Kala Qaybgalay Xaflad Lagu Soo Bandhigaayay Laba Musharax Oo U Tartami Doona Doorashooyinka Degaanka Ee Hargeysa.
Sep 8,2012 Hargeysa(Cadceed) - Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka WADANI Mudan C/raxmaan Ciro ayaa ka qaybgalay munaasibad ay ku soo bandhigayeen laba musharax oo kala ah Cabdiqani Yuusuf Macalin Gahayr iyo Hinda Cabdi Jaamac oo ururkaas uga tartami doona caasimada Hargeysa doorashada golaha deegaanka ee fooda inagu haya.
Xafladii lagu soo dhawaynayey musharaxiintan oo ka qabsoontay Hotel Maroodi Jeex ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland isla markaana ah gudoomiyaha urur siyaasadeedka Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro),oday dhaqameedyo,martisharaf, haween iyo salaadiin.
Waxaana ugu horayn munaasibadan ka hadashay Marwo Caasha Xuseen Maraykan oo ka mida musharaxiinta urur siyaasadeedka Waddani uga sharaxan gobolka Saaxil waxaanay sheegtay inay soo dhawaynayaan musharaxiinta cusub ee urur siyaasadeedka Waddani uga tartami doona gobolka Maroodi Jeex.
Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan oo isaguna madashaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inay sharaf u tahay inuu ka soo qayb galo munaasibadan uu urur siyaasadeedka Waddani ku soo sharaxay musharaxiinta uga qayb galaya doorashada golaha deegaanka ee Hargeysa ?Gudoomiye labadan musharax maaha kuwo waraabe u taag ah waanan ku kalsoonahay inay noqon doonaan labada musharax ee ugu codka badan doona Gobalkan Maroodijeex? ayuu yidhi Suldaan Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan.
Suldaan Yuusuf Maxamuud Xiiray oo isaguna munaasibadan ka hadlay ayaa sheegay inay mudan tahay runta oo laysu sheegaa ?waxaan sheegayaa maanta qodobka 1aad oo ah labadan xildhibaan ee aan maanta soo sharaxnay iyo labadii kale ee ka horeeyey waxay ka soo jeedaan Gobalka Maroodijeex waxaanan u baahanahay inay taageero iyo awoodbay ku soo baxeene aan dhexda u xidhano una hiilino, runtana waa inaynu u sheegnaa oo waa inaynu soo saarnaa? ayuu yidhi Suldaan Xiiray.
Sidoo kale xildhibaan Xaashi Xuseen Caabi oo madashan isaguna ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inuu waxbadan la soo shaqeeyey Cabdiraxmaan Cirro isla markaana uu goob joog ka ahaa marar badan oo laysku dayey in jagada laga tuuro balse uu xagga ilaahay kaga baxsaday ?barigii Daahir Riyaale dagaal adagg baa lala galay Cabdiraxmaan Cirro sidii meesha looga tuuri lahaa balse markaliya xumaan iyo cadho toona noomuu muujin? ayuu yidhi Mr Caabi.
Maayar ku xigeeenka caasimada Hargeysa isla markaana ah xoghaya guud ee urur siyaasadeedka Waddani ku xigeenka Hargeysa Maxamed Cabdillaahi [uurcade] oo isaguna madashaasi ka hadlay waxa uu sheegay inay soo dhawaynayaan musharixiintani maanta la caleemo saaray ?waanu soo dhaweynaynaa musharixiinta qiimaha badan ee aad u soo xulateen inay u tartamaan doorashada golaha deegaanka ee caasimada u matalaan tartanka Golayaasha deegaanka.?
Waxaa iyaduna madashaasi ka hadlay Musharaxadda Hinda Cabadi Jaamac waxaanay sheegtay inay Gudoomiyaha ururrka Waddani ku kalsoon tahay inuu yahay Madaxweynihii 5aad ee Somaliland yeelan lahayd,dhanka kalana waxay sheegtay isla markaana ay si gaara ugu nuux nuuxsatay inay dumarka u dagaallami doonto sidii ay boodhka uga kici lahaayeen dumarka reer Somaliland ?anigu dumarow waxaan idin leeyahay haddii aad codkiina I siisaan oo aad maanta I doorataan inaan ku soo baxo tartankaasi ogaada waxaad doorateen qof wax idiin qabandoona,e?
Waxaa isaguna madashaasi ka hadlay Musharaxa Cabdi Yuusuf waxaanu sheegay inuu kalsooni buuxda ku qabo in uu Uurr-siyaasadeedka Waddani ku guuleysan doono tartanka Doorashooyinka Dawladaha Hoose waxaanu dhanka kale xusay inuu damac badani kaga jjiro inuu Maayar ka noqon doono magaalada Hargeysa.
Ugu dambeyntii waxaa madashaasi ka hadlay Gudoomiyaha ururrka Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxaanu sheegay inay musharaxiintani mudan yihiin in taageero loo muujiyo si ay uga mid noqdaan xildhibaanada golaha deegaanka ee caasimada Hargeysa.
Gudoomiyaha oo arintaasi ka hadlaayana waxaa uu yidhi “maanta waxaynu la tartamaynaa ururo kale iyo xisbiyadii hore u sii jiray, waxaad inoo ilaalisaan nabad galyada qaranka, anshaxa iyo nidaamka tartankana waa in la ilaaliyo, waxa lagama maarmaan ah inaynu soo saarno musharaxiintan u taagan doorashada golaha deegaanka ee caasimada”.
Sikastaba ha ahaatee urur siyaasadeedka wadani ayaa waxaa ay dadku intabada ku tilmaamaan in uu yahay Ururka kaliyahaata ee noqon doona in uu talada dalka gacanta ku dhig, iyada oo ay C/raxmaan Cirona ay sheegaan in uu yahay siyaasi ku haboon hogaamin.



