Faizal Wuxuu Kireeyey Xisbiga UCID Isaga Oon Xisbigiisa Kala Tashan!!!By Luula Abdi
Waa salaamantiin bahweynta war baahinta Cadceed. Gudida doorashooyanka waxaan xasuusinayaa in aan Gudoomiye Faizal sifa sharci ah taratanka musharax nimo ee xisbiga UCID aannu uugu wareejin Jamaal Cali Hussien. Waxay ahayd in uu shir weyne isugu yeedhe oo halkaa la isku raaco in Jamaal loo doorto musharax UCID laakiin may dhicin ee Faizal uun baa gooni lacag uuga qaatey Jamaal oo ku wareejiyey. Taageera yaasha tirade yare e UCID wey ka hadleen weyna soo qoreen in aanay sifa sharci ah ahayn talaabada Faizal qaadey ee Gudida doorashooyinku hadaba arinkaa hoos ha u eegto.
Faizal laba jeer oo uu Gudoomiyaha WADANI uuga jawaabay hadal heynta Faizal uu ku wareersanyahay WADANI wuxuu ku yidhi laba hadal oo wax ku ool ah.
1.Abdirahman Ciro mar wuxuu Faizal ku sheegey Giinbaarkii la bedelay oo macnaheedu yahay UCID waa laga guurey oo Wadani baa lagu biirey…Midh kaas oo aad u dhiba Gudoomiye Faizal.
2.Ciro maantana wuxuu taagan yey waar Faizalow hadaad tartanka doorashada ka hadheyso ha igu xoqan oo mar marsiinyo ha iga dhigan
Waa laba hadal oo miisaan badan le. Abdirahman Ciro asal kaba nin cid caaya maaha ee marka uu cid u jawaabo Misile buu tuuraa qofkaa wadnaha ku dhufta. Faizal UCID taratan baa looga fadhiyaa!!!!
LuulaAbdi@yahoo.ca