Ciidamada Liyuu Booliska Ismaamulka Soomaalida Ee Ethiopia Oo Xabsiga U Taxaabay Suldaanka Guud Ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi
Sep 22, 2012 Hargeysa(Cadceed) – Ciidamada Liyuu Booliska Ismaamulka Soomaalida ee Ethiopia ayaa galabta fiidkii xabsiga u taxaabay Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Xasan Suldaan Cabdilaahi.
Suldaan Xasan Cabdilaahi iyo Wefti uu hogaaminayay oo deegaanka Xarshin ka waday dadaalo nabadeed kadib dagaal Deegaankaasi dhawaan ku dhexmaray dad shacab ah iyo ciidamada Liyuu Booliska.
Illo Xogogaal ah oo aanu ka helnay dad goobjoogayaal ah ayaa noo sheegay in caawa ciidamada Liyuu Booliska ee Maamulka Kililka Shanaad ka qabteen magaalada Xarshin kadibna ay xabsiga u taxaabeen Suldaanka. Lama oga sababta dhabta ee Suldaanka nabada ka waday jiidaas loo xidhay, balse wararka qaar ayaa sheegaya in loo xidhay sabab la xidhiidha sharci darro ay sheegeen inuu ku soo galay magaalada.
Wixii warar ah ee ka soo kordha isha ku hay shabakada Cadceednews