|

Bill Clinton Oo Buug Ku Saabsan Xiidhiidhkii Qarsoon Ee Gabadha Monica Lewinsky Oo la Daabacaayo​

Monica Lewinsky oo ah gabadh xidhiidh qarsoodi ah uu dhexmaray ayada iyo madaxweynihi hore ee Maraykanka Bill clinton 90-meedki ayaa hadana markale soo rogaal celisay ayadoo hadana rabta inay soo daabacado buug ku saabsan gogol dhaafkii uu la sameyey clinton, marki talada wadanka maraykanka uu hayey. Sida ay sheegtay buugan waxa weeyi aargoosi waxana ku jiri doona waraaqo jaceyl ah oo ayada iyo Bill Clinton ayay isku direen barigaasi kuwaasi oo ay sheegtay inay ahaayen kuwii gu nuxur iyo kalgacal badanaa ee ay abid nin u dirto. Gabadhan oo haadan ah 39 jir ayaa ka shaqayn jirtay Aqalka Cad sida la sheegaayana rabta hadan inay ka aargoosato Clinton waayo waxay aaminsan tahay inuu isagu ka badbaday fadeexadii halka ayado ilaa intii arinkan dhacay kolba shaqo laga caydhinayey kana soo kaban wayday bahdilaadi iyo waji gabaxii kala so gudboonaday fadeexadaasi.Haddi uu arinkan dhab noqodo oo ay daabacdo buugan waxay ka heli doontaa lacag dhan 12 milyan oo doolar , se waxa laga rabaa inay buugan inta la daabacin u hesho heshii. Iskudaygan ay ku doonayso gabadhan inay lacag ku hesho gogol dhaafkii ma burburin doono reerga Clinton kaliye balse waxa khatar adag galin karaa caafimadkisa waayo waxay ahayd dhawaan marku qalitaan dhanka wadnaha lagu sameeyey., waxa kale oo halis galaaya dadaalka ay ugu jirto islaantisu inay so dhigato Madaxweynimada Mareykanka sanadka 2016.

Wariye Xasan Karaani

Oslo, Norway

Comments are closed