|

Beesha Direed Oo Madaxweye Xasan Sheekh U Gudbisay Codsi Ay Ku Doonayaan In Jagada Ra’ysal Wasaaraha Loo Magacaabo Prof Axmed I Samatar, Kuna Baaqay In Magacaabista Ra’iisal Wasaaraha Lagu Saleeyo Dastuurkii 1960-kii

Sep 22, 2012 Muqsisho(Cadceed) – Kullan balaadhan oo shalay ay magaalada Muqdisho ku yeesheen Siyaasiyiin, Aqoonyahano, Culimaa’udiin, Odayaal, Haween, Dhalinyaro iyo qeybaha kala duwan ee beesha Direed ayaa waxay uga hadleen isbedelka ka dhacay dalka Soomaaliya, ka bixitaanka xilligii KMG ahaa, magacaabista Ra’isul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, cidda ku haboon ee ay u arkaan in loo magacaabo Ra’isul wasaaraha dalka iyo sidoo kale taageero ay u jeediyeen Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Warsaxaafadeed kulanka laga soo saaray oo uu warbaahinta u akhriyey xoghayaha guud ee beesha Direed Bile Axmed Aadan ayaa waxaa lagu sheegay in ugu horeyn ay u hambalyeynayaan, isla markaasna taageero buuxda ay u fidinayaan beesha Direed Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, sidoo kalena ay ugu baaqayaan Madaxweyne Xasan Sheekh in magacaabista Ra’isul wasaaraha cusub uu ku saleeyo dastuurkii 1960-kii oo dhigayey in wax loo qeybsado Koonfurta iyo Waqooyiga Soomaaliya, sidaasi darteed uu Ra’isul wasaaraha cusub u magacaabo nin ka soo jeeda gobolada Waqooyi, gaar ahaan bay yidhaahdeen Prof. Axmed Ismaaciil Samatar.

“Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya waxaan ugu baaqeynaa in magacaabista Ra’isul wasaaraha cusub ee Soomaaliya uu ku saleeyo dastuurkii 1960-kii oo dhigayey in Soomaali ay wax ku qaybsato Koonfur iyo Waqooyi, isla markaasna uu ka fiirsado cadaalad daridii ay ku kacayeen Madaxweynayaashii KMG ahaa oo aan marnaba Ra’isul wasaare ka dhigin nin ka soo jeeda gobolada Waqooyi, horay beesha Direed cadaalad darro ayaa lagu sameyn jiray, laakiin waxaasi oo dhan wax dhib ah uma arkeyn oo waxaa kala weynaa dhibka heysta ummadda Soomaaliyeed iyo sidii dhibkaasi looga bixi lahaa, hadda oo laga baxay KMG-nimada waxaan dalbaneynaa in Ra’isul wasaare laga dhigo nin ka soo jeeda gobolada Waqooyi gaar ahaan Prof. Axmed Ismaaciil Samatar” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka uu warbaahinta u akhriyey xoghayaha guud ee beesha Direed Bile Axmed Aadan.

“Dastuurkii 1960-kii waxa uu dhigayaa in haddii Koonfur Madaxweyne qaadato Ra’isul wasaarana la siiyo gobolada Waqooyi, haddii Waqooyi Madaxweyne qaataanna Ra’isul wasaare la siiyo Koonfur, laakiin wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya ma dhicin in wax loo qaysado sidii sharciga ahayd, waxaa xaqiraad lagu sameeyay beelaha Waqooyi, lana soo dhaweeyay beelo kale oo aan mansab iyo dhul toona ka dheerayn, mar labaad Madaxweyne Xasan Sheekh waa inuu sharcigii soo celiyaa, waxa la raadinayana waa sidii Soomaaliya meel la isugu keeni lahaa ee yuusan ka shaqeynin kala tagga Soomaaliya, gobolada Waqooyi xaqooda waa inuu siiyaa oo uu Ra’isul wasaare u magacaabaa nin ka soo jeeda” ayaa ugu dambeyntii lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay beesha Direed.

Bile Yusuf Maxamed
Cadceednews, Muqdisho

Comments are closed