Aragtida Golaha Wakiiladda Somaliland Ee Wadahadaladii Somalia Iyo Doorashada Madaxweynaha Cusub
Sept 13, 2012 (Cadceed) – Tan iyo intii ka dambaysay bishii June 28, 2012, markii ay Madaxweynihii hore ee Somalia, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) magaalada Dubai ee dalka Isku tagga Imaaraadka Carabta ku kala saxeexdeen heshiiska waxa isa soo tarayay shaki fara badan oo ay bulshada reer Somaliland ka qabto halka ay biyo dhigan doonaan wada hadalada bilawga ah ee labada dhinac.
Sidoo kalena waxay su’aalo badan iska weydiinayeen xukuumadda ay talada u dhiibeen ee uu hogaamiyo Axmed Siilaanyo, iyada oo qaar badan oo mucaarad ahi ay walaac ka qabeen in wada hadaladani saamayn ku yeeshaan dalabka ay Somaliland ku doonayso inay noqoto dal madax banaan.
Marka intaasi laga yimaado, waxa doraad magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Somalia lagu doortay madaxweyne cusub oo hogaamin doona dawlad uu dalkaasi yeesho afarta sannadood ee soo socda. Arrintani waxay keentay inay dadweynuhu su’aalo kale iska sii weydiiyaan halka ay salka dhigi doonaan wada hadaladii ay Somaliland kula jirtay Somalia haddii uu madaxweyne Sheekh Shariif xilkii dhigay.
Haddaba si aanu dadweynaha ugu iftiimino natiijadda wada hadalada Somaliland iyo Somalia iyo waxa Somaliland uga soo baxay wada hadaladaasi waxa aanu xog-waraysi kala yeelanay Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, waxaanu waraysigaasi isaga oo dhamaystiran u dhacay.
S: Haddii aad wada hadalada Somalia lala galay uga waranto si ka duwan sidii looga waramay oo qoto dheer (ilaa xad ah) maxaad isleedahay way ka soo baxeen?
J: Horta wada hadaladani wax imika la isweydiin karaba maaha, dunida oo dhana way gashay. Balse waxa u weyn ee ay reer Somalia iska indha tiri jireen waxa weeye. Inaynu ahayn laba state (dal oo isku darsaday). Isla markaana state-keenu (qarankeenu) ka horeeyay kooda. Oo la wada baxay Somali Republic amaba Jamhuuriyadda Soomaaliyeed. Ta u weynina waxa weeye in aanu tuurnay oo aanu halkaa ku tuurnay in aanaan ka mid ahayn (aanay Somaliland ku jirin qayb-na ka ahayn) 4.5 ee Djibouti lagu soo wal-walaaqay. (sidoo kale) 18-kii gobol ee uu Siyaad Barre sameeyay ee uu annaga (Somaliland) iyo beelo kaleba uu ku victimize (bah-dilayay) garaynayay in aanaan ka mid ahayn, balse aanu ahayn state (qaran), isla markaana aanu ku soo celinay halkii ay ahayd 1960-kii ka July 1-deedii. Taasi ayayna wada hadaladu ku soconayaan.
S: heshiiskii ugu dambeeyay ee Dubai waxa cinwaan looga dhigay Dubai charter, marka la macneeyo ereyga Chart waxa uu noqonayaa in cid gaar ah xuquuq gaar ah la siiyo, waa maxay xuquuqda gaarka ah ee la idin siiyay?
J: Ma jirto horta wax Dubai charter la yidhaahdaa balse waxa jira Cheving house Declaration heshiis la yidhaahdo ayaa soo baxay. Oo sheegaya sideed qodob oo lagu heshiiyay. Sideedaa qodob ayay labadii madaxweynena Dubai kala saxeexdeen.
S: Sideeda qodob waxa ka mid ah mid sheegaya isu socodka dadka, markaa taa macnaheedu ma waxa weeye in Passport-ka Somaliland lagu tegi karo Xamar?
J: Qodobkaasi kuma jiro. Waxaana qodobkaa lagu bedelay in wixii undermine (burinaya) cheving house declaration in meel looga soo wada jeesto.
S: Somalia hadda waxay dooratay Madaxweyne Cusub, maxay saamayn ku yeelanaysaa wada hadaladii aad la lahaydeen Somalia?
J: Waxay ku yeelanaysaa waxa weeye, dawladii ku meel gaadhka ahayd ee aanu wada hadalka la galnay waxa yimid bedelkeedii, mana dhicin wax vacuum (xilli bilaa maamul dawli ah) muu iman. Markaa waxa weeye waxa noo socon doona wada hadaladii aanu bilawnay ee London, isla markaana aanu ku dhaqan gelinay Dubai.
S: Marka laga yimaado wada hadalada idinka iyo Somalia, beesha caalamku siday u aragtaa?
J: Horta beesha caalamku waxay inoo macaamilaysaa waxa aynu ku heshiino. Wada hadalada u dambeeyaana sidaasi ayay noqonayaan. Haddaynu sidaa ku kala tagnana sidaasi ayay inoo aqbalayaan. Hadaynu wax kale wada yeelanana sidaasi ayay noqonaysaa. Imikana waxa aanu ku darsanay inay lix actor (dhinac) nagala qayb galaan wada hadalada. Waxa weeye UK, Norway, Switzerland, South Africa, Midawga Yurub iyo wadan carbeed oo aanaan weli isku raacin oo aanu sugaynaa.
S: Qodobada heshiiska waxa kale oo ka mid ah in la idiin kireeyo sharci yaqaano, waa maxay shaqada ay idiin qabanayaan sharci yaqaanada dunidu?
J: Waxa weeye, haddii uu muran jiro waa in loo eego international law-ga (xeerarka caalamiga ah) iyada oo la eegayo isku darkayagii sidii uu ahaa, kala tagayagii siduu u ansaxayo ayaa la eegayaa.
S: Markaa wadooyin badan oo aqoonsiga loo maro ayaa jira, sidaasi darteed idinku ma waxaad doonaysaa in madax banaanida Somaliland hab maxkamadeed loo maro?
J: Horta annagu aqoonsigayaga struggle- (halgan) dagaal ah ayaanu ku helnay. Markaa run ahaan dalkani Somalia waa ka xor, laakiin Somalia ayaan jirin, marka run ahaan loo eegana Somalia waxa ka jira magac ay beesha caalamku macmashay, sidaasi darteedna wax Italian Somalia oo ah oo jiraa ma jiro. Markaa annagu wadankayagii waanu haysanaa. Somalia-na leverage (ciidamo shisheeye iyo saamayn toona marka aanay cidi kugu lahayn.) uguma jirno. Keliya waxa weeye beesha caalamka oo weliba wadamo gaar ah weeyaan oo dan gaar ah lihi ay dabada ka riixayaan ayuun baa nagu xidhay inaanu bal mar hore is-horfadhiisano oo laga yaabo inay isleeyihiin waa Soomaali oo way isku soo noqon. Laakiin wax kale oo sharci ah oo aanu ku wada hadalno ma jiraan. Somaliland-na marka xagga sharciga laga eego waa dal madax banaan. Laakiin waa xagga siyaasi ahaan ayuun baan la noo ictiraafin oo la iska indha tirayaa. Markaa waxaanu jecelnahay walaalahayga Somali (u sheegno) weyn waxay ahayd shanta Soomaaliyeed ee may ahayn isku darka Somaliand iyo Somalia oo keli ah. Waxaanay ahayd isku day wanaagsan inaanu bilawno oo horta labadan la isku daro. Tii u horeysay ee 1977-kii Djibouti ayaa gooni isku taagtay, labadiina way isku khasaareen. Markaa anagu waxaanu u aragnaa inay genuine (sax tahay) Somaliland separate state (qaran madax banaan) ahaato. Danta Soomaaliyeed-na ku jirto, nabada iyo deganaashaha geeska Afrikana ku jirto. Madax banaanida Somaliland.
S: Ugu dambayn allaha u naxariistee Marxuum Cigaal ayaa hore u yidhi, “anigu weligay muwaadin uma noqon wadan la yidhaahdo Somalia” adiga iyo dad kalena arrintaasi waad la qabtaan’e bal siday u tahay u sheeg?
J: Marka aad maqasho magaca Somalia waxa uu cadaynayaa oo uu sheegayaa inay tahay Italian Somalia (Soomaalida Talyaaniga) balse labadan dal waxay ku heshiiyeen waxay ahayd Somali Republic, ee maaha Somalia (macnaha xarafka a amaba Ya ee ugu dambeeyaa kuma jirin) markaa iyagu marhoreba waxay qaateen magacoodii hore, inaguna waxay ku noqonay magaceenii Somaliland. Markaa marka imika la yidhaahdo Somalia, maaha kii (magacii) xilligii dimuqraadiyadda iyo xilligii kacaanka toona. Balse waa kii (magacii) markii ay gumaysiga ku jireen. Halka inaguna ay Somaliland qaadanay oo ah magacii aynu lahayn afartii maalmood ee aynu xorta ahayn ee aynu noqonay wadankii ugu cimriga yaraa. Khaladka kale ee ay sameeyaan waxa weeye, waxay odhanayaan tusaale ahaan Gudoomiyaha ururka Haweenka Soomaaliyeed. Marka sidaa la yidhaahdo qofkaasi wuxuu madax u yahay bay noqonaysaa dadka Soomaalida ah oo dhan, sida kuwa Djibouti jooga, kuwa NFD (gobolka Waqooyiga bari ee Kenya) jooga uu madax u yahay. Markaa nimankan reer Somalia waxa ku dhacay Entity crises (qasaawasalan qaranimo). Wuxuu ugu dhacay citizenship (Muwaadinimo) ma leh. Xuduudna ma leh, markaa waxa weeye in qof kasta oo af-Soomaali ku hadlaa uu muwaadin yahay. Waanu iska sharaxayaa, laakiin inagu (Somaliland) waxaynu leenahay citizenship (muwaadinka ku nool wadan xuduudihiisu cayiman yihiin) Citizenship-keenuna micno ayuu leeyahay. Markaa waxay odhanayaan ummadda Soomaaliyeed, miyuu metelaa Ummadda Soomaaliyeed Djibouti baa Soomaali ah ayaa siyaasiyan ayaanu u xanibanaha