|

Warshada Sibidhka Ma Mid Reer Isaaq Leeyahaybaa, Mise Waa Mid Q/somaliland Iyo Beelaha U Dhaxaysa

Waxaa beryahan danbe hadalkeedu soo noqnoqonaayay warshada sibidhka barbara taasoo mudo dheer muran ka taagnaa,oo ayna ka hadlayaan qabaail ka mida beelaha degan somaliland ee isaaq oo qudha , taasi waxay u egtahay in cid waliba meel wax laga waydiiyo oo ay ku gorgortanto Degaankeeda. waxayna taasi ka hor imanaysaa axdi qarameedkii beelaha somaliland ku heshiiyeen 1991 Burco.

Waxaan idiin cadaynayaa anigoo ah Garaad Cabdi Rashiid Garaad Ismaaciil iyo salaadiin kale o ka soo jeeda beelaha harti waxaanu joognay hargaysa waqtigii hore ee laysku qabsaday warshada sibidhka.

Hadeer oo laga hadlayona waanu aragnaa oo ay ka hadlayaa salaadiin iyo isimo beelaha isaaq ahi dhexdooda. In arinkaasi iyo luqada lagu hadlayaa ay nagu qalaad nagu tahay ayaan aaminsanahay hadaanu naha beelaha harti.

Waxaan soo jeedinaya oo aan leeyahay arintaasi iyo luqada lagaga hadlayaaba ma aha arin sax ah. Waxaan idin leeyahay arinka kusoo celiya halkiisi uu ku haboona kana daya halkaad iminka kaga ariminaysaan ee isaaqaysan ee idinku kooban.

Waxaan idin waydiiyay:

Wadaadoow alif wax male iyo wax buu leeyahay labada adaa lagaa haya.

1- Labadaaba idinka laydinka hayaye isaaqoowe midkee baad ku saxan tihiin?

2- Ma waxbaa lawada leeyahay ,mise waxbaa lakala leeyahay?

3- Midkee baad run ku sheegaysaan?.

Garaad Cabdi Rashiid Garaad Ismaacil

Hargaisa, Soamalailand

Comments are closed