Ururka Hogaanka Tolka (TLC) Ha Joojiyaan Dhaqan Xumada Ay Caadaysteen. By Cabdirisaaq Cumar Ileeye
Ururka tolka oo ay ku bohoobeen aqoon yahano iyo indheer-garad dhamaantood ka soo jeeda Gobolada Awdal , Selel iyo Gabiley ayaa la aasaasay muddo hada laga joogo sadex sanadood, taasoo ujeedada loo aasaasay ay ahayd isku soo dhaweynta iyo samaynta Hogaan dhaqameed Tolku yeesho .
Inta aynaan guda gelin ujeedada qoraalkayga bal aan horta dul joogsano hagardaamooyinka qarsoon ee ururkani gacmaha kula jiro:
Ururka la magac baxay TLC oo run ahaantii ah wax aan jirin balse ah mid magac u yaal ah oo aan lahayn ujeedo siyaasadeed iyo bulsho toona ayaa ah mid ku yimid laab la kac iyo aabahay Goblan, ahna mid kolba sida dabaysha raac raaca dhacdooyinka iyo wakhtiga is bedbedalaya, iyagoo ilaa imika raadinaya meel ay ka soo galaan ama kaga xidhmaan bulshada ay sheegeen inay waxtarayaan.
Waxaa maanta laga joogaa qiyaastii muddo hal sanno ah markii ay Bulshoweynta Reer Awdal ku soo dhex tuureen qori dable oo wali qiiqiisa la sii arkayo, waxay si xarfadaysan isugu dayeen inay Reer Awdal u sameeyaan Hogaan dhaqmeed. Waxay shirar quruxbadan oo bilaa nuxur ah ku kala qabsadeen Magaalooyinka Minnesota iyo Ottawa iyagoo isbar bar waday Cabdirashiid Doodi oo ay sawir ahaan dadka u tusayeen hogaan dhaqameed, balse muddo yar kadib waxay la dul mareen cagaha oo waxay gebi ahaanba iska riixeen Cabdirashiid Doodi, taasoo ay ku sheegeen markii dambe nin aan u qalmin inuu hogaamiyo Reer Awdal, balse uu ahaa nin loo soo qariyay.
Taasi waxay dhalisay in lagu kala jabo Ururka TLC oo dad badani isaga baxaan, inkasta oo sida la sheegay marka qof ka baxo ka mid ahaanshaha Ururka ay isla markiiba si xarfadaysan ugu bedelaan qof kale oo iyaga la mabd’a ah oo ka soo jeeda jufada qofka baxay
Kala Qaybsanaanta maanta ka muuqata dadka reer Awdal ayaa la odhan karaa waxaa masuul ka ah Ururka magac u yaalka ah ee TLC.
Intaas hadaan ku soo koobo ururka Tolka iyo siduu ku yimid aan hoos ugu daadago ujeedadada maqaalkaygan.
Waxaan akhriyay qoraal ay internetka ku faafiyeen Ururka TLC –du oo ay ku sheegeen inay shirk u qabanayaan Magaalada Borama bishan August dabayaaqadeeda, iyagoo sheegay inay madasha shirka ku gudoonsiin doonaan shahaado sharaf Gudoomiyaha Jaamacada Camuud.
Nin noolow maxaa aragti kuu laaban, Waa arrin la’aan iyo khilaaf markale lagu soo dhex tuurayo Bulshada reer Awdal ee Xariirta ah ee aan geyin in kolba afar qof oo bilaa ujeedo ahi ku magac raadiyaan waxaan jirin.
Waa la ogyahay oo uma baahna in la isweydiiyo shirka ay qaban doonaani nooca uu yahay iyo ujeedada ka dambaysa, taasi maaha wax lagu daalo oo waa bilaa ujeedo, mar hadayna lahayn waxaan wadnaa mashruuc noocaas ah ama waxaan caawinaynaa oo aan gacan ka geysanaynaa abaaraha ama waxaan dhisaynaa 1 km oo laami ah.
Ujeedada dhan ee laga leeyahay in dadka la isugu yeedho, waxa weeyi in gudoomiyaha jaamacada oo maanta la ogyahay in reer Awdal toosh ku qabteen musuq maasuqa iyo maamul xumada uu ku soo caano maalay tan iyo intii la aasaasay Jaamacada oo hada laga joogo 14 sanadood, inay yidhaahdaan waxaan siinaynaa Bilad sharaf aan la garanayn sababta uu ku mutaystay ee looga soo dhex xulay half a million-ka reer Awdal ah?
Tani waxay noqonaysaa tallaabo kale oo khaldan oo ay hadana markale ku soo dhextuuraan bulshada reer Awdal ee ka soo kabanaysa dhaawacyadii ay hore u geysteen.
Sida caadiga ah bilad sharaf waxaa la siiyaa dadka aduunyada ama mushtamaca ay la nool yihiin wax ku soo kordhiya ama ka soo dhexbaxa.
Gudoomiyaha Jaamacadu hadii uu soo kordhin lahaa wax muuqda oo la taaban karo sida samaynta xeer iyo nidaam jaamacadu leedahay oo qofkasta oo yimaadaa uusan wax ka bedeli Karin, iyo Guddi sare (Boad Committee) oo ka kooban aqoon yahano wax ku soo kordhiya jaamacada ee aan ahayn niman wax loo yeedhiyo. Intaas oo dhami haday maqan tahay waxa uu ku mutaystay sow noqon mayso “Ninkii maqasha daayacay ee hadana geela loo diray”.
Gudoomiye jaamacadeed qof uun baa noqon lahaa waxaana jira boqol ka cilmi iyo aqoonba badan, la’aantiina way jiri doontaa, balse marxalada ay hada ku jirto hadii wax laga bedeli waayo waxay noqon doontaa mid raacda oo aan ka soo hadhin Gudoomiyaha hadii ta alle ku timaado, mar hadii jaamaacadu ayna lahayn xeer iyo nidaad u yaala oo laga dhaxlo.
Shalay Somaliland waxaa ka dhacay isbedel weyn oo xalaal ah, waxaa meesha kabaxay Madaxweynihii hore Dahir Riyaale, balse Somaliland may dumin waayo Riyaale wuxuu ka tagay dal dhisan oo sharci iyo nidaam lagu dhaqmo leh, waana ta keentay in Madaxweyne Siilaanyo hawshu u fududaato.
Gebo gabadii iyo gunaanadkii waxaan leeyahay Ururka TLC ha ka daayo dhibaatooyinka uu ku hayo Reer Awdal mar hadayna waxba taraynin.
La Soco Qaybta Labaad Oo Aad U Xiisa Badan Oo Aan Ku Soo Qaadan Doono Shakhsiyaadka Bilada Ka Dambeeya Ee Sida Weyn Ugu Ololaynaya Sii Socoshada Musuq Maasuqa Iyo Maamulxumada Jaamacada Iyo Lacagaha Ka Soo Gala Jaamacada Semestar Kasta.
Cabdirisaaq Cumar Ileeye
ileeye2122@hotmail.ca