|

Ururadii Qaar Baa Durba Quustey Oo Abdirahman Cirro Ka Sasay. By Yaxye Zakariye

Waan idin salaamay shebekada hawsha fiican somaliland u hayo ee cadceednews.
Somalidu waxay caan ku noqdeen in ay is xaasidaan oo aanay weligood isu hibeyn hore u mar. Tartan kan siyaasada ee ay muuqato durba in la kala badiyey ee Ururka Wadani aad carabka loogu hayo in uu xisbi u gudbi doono waxay keentey in axsaabta qaar kood oo durba quus joogaa ay af lagaado war baahinta u soo mariyaan Gudoomiye Abdirahman Ciro oo ah ninka sided sano isku hayey golaha wakiilada ….. Maxaad ka taqaan golaha wakiilada, mase ogtey in uu xero jaan ahaan jirey Abdirahman Ciro ka hor. Intaa wuxuu ku darey in uu han yeesho oo ay urur sameeyeen isaga iyo qaar kaloo badani. Ciro waa nin siyaasi ah oo qoto dheer oo haduu dalka kursiga uugu sareeya ku fadhiisto aan cidi isku diideyn sida uu wax u maamuli lahaa sabab too ah record kiisa ayaa ka markhaati kacaya.

Rag badan baa sas iyo anfariir ka qaadey xawliga ururka Wadani ku socdo oo ay u cadaatey in uu Xisbi u gudbi doono dabeed waxay kaga dhegtey in ay waxay doonaan iska soo qoraan…. Abdirahman Ciro caalamka ayaa jecel gudaha dalka iyo dibadaba….Hadaba yeynaan kolba meel khaldan u anba qaadin doorashada ee ha lagu soo dhawaado nin dalka iyo dadka reer Somaliland u baahan yiin in uu xukumo oo ah Abdirahman Ciro. Hadii raga qaarkii aflagaadada joojin waayaana waxaan leeyey:

Ciro ninkii ka dheeri ha dhaafo…oo aannu jirin dhicina Karin. afkeedey kala heysan weydee waa in si qaawan iminka laga bilaabo loo wada hadlaa.

Faizal Cali waraabe iyo Ucid iyaga calaacal ka waa loo ogolyey oo waa xisbigii laga yaacay oo iminkana durba Jamaal iyo Faizal ay isku jiq yihiin ka dib markii faizal warbaahinta ku soo qorey hadaannu UCID nahay doorashada deegaanka waannu qaadaceynaa…ayuu Jamaal na leeye waar anaa musharaxa ee iga aamus oo ii daa arimaha noocana…. Nin waalan wax lagama iibsado laga nama kireysto sida Jamaal uu Faizal oo haf ah xisbiga uuga kireystey.

Gaboose na wuu is ogyey in aan ururkiisu xisbi u wareegi Karin oo aannu awoodaa lahayn dabeed waa inuu isku qanciyaa cid baa doorashada musuqeysa iyo wax noocaasa. Gaboose waxaan leeye lixdankii markii Ismail Naxer doorashadii laga heley waa kii Tanzania u guurey ee adna marka lagaa helo ma xamar baad u guuri.

Gaboosow ma jirto carqalad keliya oo siilaanyo doorashada soo socota uu hor dhigey hadana waad cabaneysaa been baad ka sheegeysaa.

Horta adigu gaboose ahaan dhakhtar ma u tagtey oo maskaxdaada ma baadhey yaanad noqon sidii islaantii keedu qudhmey sidey kuwa kale uga shaqeyneysey e.

yaxyez@yahoo.com

Comments are closed