|

Taariiikhd​a Abiibakar Sadiiq Ilaahay Ha Raali Noqdee. By Sheekh Siciid Cabdiraxamaan

Aslaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakad Bismilaahi Raxmaani Raxiim Wasalaatu Wabarakaatu, Wasalaam Calaa Nabiyanaa Mohamed ibnu Cabdilaahi {scw} Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis Guud iyo mid Gaaraba Naxariista Allahaasow Calamka iska leh Allahasow ay Usugnaatay Samada iyo Dhulka wax ku Sugan.

Taariikhda Dahabiga Abiibakar Sadiiq

ilaahay Ayaa Fursada inoo Siiyay Aadna Ugu Mahad Naqaynaa Bisha Ramadaan inaan ka Sheekayno Abiibakar Sadiiq oo ah Saaxiibkii Rasuulkeena Mohamed{scw} ahna khaliifkii Xukunka Uga Dambeeyay ilaahay Ha ka raali Noqdee Naxariisna Korkiisa ha ku dhamaato Xabiibkeena Mohamed{scw}

Taariikh Dahabi ah oo Caalamka aan ku nool nahay soo martay waa Taariikhada Saxaabada uu Tarbiyadeeyay macalinta hanuunka Nabi Mohamed Naxariis iyo Nabad Galyo Korkiisa ahaatee

Qaybta kowbaad

Mahad oo dhan allah iska leh rabiga caalam ka abuurey allah ha amaano Nabigeena Mohamed ee sharafta badnaa{scw}anbiyada allana kan ugu fadliga badan iyo anbiyada la soo direy amaani korkooga ahaato dhamaantood

Nabigeena Mohamed naxariis iyo nabad galayo korkiisa ahaatee saaxiibkii abiibakar sadiiq ayaan wax ka sheekaynaa inta uu allah awood inoo siiyo abtirsigiisa iyo nasabkiisa haduu allah yidhaahdo walaalayaal ee ku soo dhawaada barakalaahu fiikum

Abiibakar sadiiq waxaa magaciisa la oran jiray Cabdilaahi ibnu Cismaan ibnu Caamir ibnu cumar ibnu kacab ibnu sacad ibnu tayim ibnu murra ibnu kacab ibnu lu,ayi

Abiibakar sadiiq aabihiisa waxaa la oran jirey cismaan waxaana loogu naaneysi jirey abii quxaafa abiibakar hooyadiisa magaceeda waxaa la oran jirey salma binu sakhar waxaana lagu naaneysi jirey {kunyo} jirey ummul khayr waxayna ilmo adeer ahaayeen abiibakar aabihiis abiibakar wuxuu ka dhashay {laf} jilib ahaan reer abnii taym

Ilaahay ha ka raali noqdee abiibakar sadiiq in yar ayaan iskaga sheekaynayaa xaasaskiisa iyo caruurtiisa sharaf badan

Abiibakar sadiiq wuxuu ku dhashay magaalada makka sanadkii caamul fiil oo ku aadan qiyaasta 53sano{konton & sadex sano} ka hor wuxuu labo sano iyo bilooyin ka yar yahay rasuulkeen{scw}

Abiibakar sadiiq waxuu uu guursadey afar haween ah {afar xaas} magacyadooda waxay kala yihiin sidaan hoos ku xusan

Quteyla Bintu Cabdul Cuzaa: waxay udhashay abiibakar sadiiq cabdulaahi & Asmaa isku bahyihiin{isku bah waxaa loo jeeda in caruurta isku aabe yihiin laakiin hooyooyin kala duwan kala dhalaan

Ummu Rawmaan Bintu Caamir Al Kunaaniya: waxay udhashay abiibakar sadiiq Cabdiraxmaan & Caisha Marka Waxaad Arkeysaa Umunaa Caaisha {waxaa loo jeeda in Caruurta isku Aabe Yihiin Laakiin Hooyooyin Kala Duwan Kala Dhalaan Caaisha Kunyadeena Waxaa la odhan jirey Umu Cabdulaahi oo ay walaasheed asma dhashay laakiinse wax caruur ah umay dhalin rasuulkeena Mohamed{scw}

Qaybta Labaad Fadligii Abiibakar Sadiiq Radiyalaahu canhu Abiibakar sadiiq ilaahay ha ka raali noqde fadligiisa lama soo koobi karo laakiin waxaan ka xusi doonaa insha allah in ka mid ah xadiis imaam axmed soo saarey abu hureyraha allah ha ka raali noqdee waxaa uu yidhi waxaa uu rasuulkeenu{scw} yidhi weli maal iima anfacin siduu maalka abiibakar ii anfacay markaa uu rasuulku{scw} arintaa abiibakar allah ha ka raali noqdee waa uu ooyey oo uu yidhi rasuulkii allow aniga iyo maalkeyga ma cid kale ayaa leh adiga mooyaane subxanallaah ufiirsada walaalayaal ilaahay haka raali noqdee abiibkar sadiiq iyo qoyskiisa sharafta badan leh

Maalka abiibakar sadiiq wuxuu ahaa {haystey maal ahaan} 40{afaran} Kun oo diinaar maalintuu islaamey abiibkar sadiiq ilaahay ha ka raali noqdee dhamaan wuxuu ku baxshey jidka alle maalintii uu hijroonaayey waxaa baaqi{ka hartey} u ahayd lacagtiisa 5{shan} kun oo diinaar kaliya markaa waxaad arkeysaa in abiibakar sadiiq ilaahay ha ka raali noqdee 35kun oo diinaar diinta islaamka ugu deeqay maansha allah inay kor noqoto waxaa nasiib daro in ah dad magic muslin sheeganaayo in ay abiibakar sadiiq caayaan iyagoo u arka in cayda abiibakar sadiiq ilaahay loogu dhowaanaayo sida shiicada raafidada markaa waa in laga digtoonaada caqiidada baadilka ah dad badan somaliyeedna aysan waxbadan kala soconin fikirka shiicada ilaahow noo hiili jidka rasuulkeena{scw} iyo jidka khulafaau raashidiinta nagu hanuuni yaa rabul caalamiin aamiin aamiin aamiin

Imaam tirmidi wuxuu soo saarey xadiis abuhureyraha ilaahay ha ka raali noqdee in rasuulkeena Mohamed{scw} yidhi ma jiro qof agteyda gacan {abaal} ku leh ilaa waa siiyey abiibakar sadiiq maahinee allaahu akbar yaa muslimiin ufiirsada siaga agteyda gacan {abaal} ku leeyahay allaah ayaa ugudaayo maalinta qiyaame horey maal iima anficin sida maalka abiibakar sadiiq ii anfacay ilaahow ka raali noqo abiibakar inagana inaga dhig kuwa janada fardowsa jaar kula noqda aamiin aamiin aamiin aamiin

Imaam bukhaari & Imaam Muslim soo saarey oo ay ka wariyeen Sahal Binu Sacad ilaahay ha ka raali noqdee wuxuu yidhi khilaaf ayaa dhex marey reer bani camar binu cowf markaas nabiga maqley oo aadey waan salaad duhur ka dib ayeey ahayd si uu usoo heshiisiiyo wuxuuna ku yidhi bilaal ibnu rawaaxa ilaahay ha ka raali noqdee hadii salaada la gaaro oo aan imaanin waxaad usheegtaa abiibakar sadiiq ilaahay ha ka raali noqdee dadka salaada ha tujiyo allaahu akbar markaa xadiiska waxaa ku cad fadliga abiibakar sadiiq ilaahay haka raali noqdee ee umada nabi maxamed maadaam ummada imaam looga dhigay oo ay kudaba tukadaan ilaahay ha ka raali noqdee abiibakar iyo qoyskiisa caaisha asma abirahman aamiin aamiin aamiin aamiin

Imaam bukhaari & imaam Muslin ilaahay ha ku naxariistee waxay soo saareen oo ay umunaa caaisha tidhi markii xanuunkii geeridii rasuulkeena Mohamed {scw} cusleysey ayaa bilaal ilaahay haka raali noqdee uu yimid rasuulka {scw} in salaadii la gaarey markaasuu rasuulkeenu {scw} yidhi amra abiibakar sadiiq ilaahay ha ka raali noqdee salaada ha tujiyo markaasey umunaa caaisha tidhi yaa rasuululaah abiibakar sadiiq waa qof qalbi jilicsan ee booskaada haduu galo oohin iyo khushuuciisa badan sidaa darteed ee cumar faaruuq amar rasuulkii allow markaasuu rasuulku{scw} yidhi amra abiibakar sadiiq salaada ha tujiyo markaaseey Umunaa xafsa Ay umunaa caaisha utagtay oo ay ku tidhi rasuulka usheeg salaada ha tujiyo cumar markaa ayay rasuulka usheegtay{scw} xafsa

Arintii ay caaisha ku tidhi markaasuu rasuulku{scw} yidhi waxaad tihiin sawaaxiba yuusuf oo uula jeedo xabiibkeenu{scw} haweenkii nabi yuusuf uheshiiyay rasuulku mar walba khayrka waxaa uu la jeclaa abiibakar sadiiq ilaahay ha ka raali noqdee

Abiibakar sadiiq ilaahay ha ka raali noqdee fadligiisa waxaa ka mid ah in isaga waxaa gacantiisa ku soo islaamay koox saxaabadii toban janada loogu bishaareeyay qaar ka mid ah oo ay kala ah

1} Cismaan Binu Cafaan 2} Cabdiraxmaan Ibnu cowf 3} Zubery Ibnu Cawaam 4}Dhalxa Ibnu Cubeydilaah 5}Sacad Binu Abii Waqaas abiibakar sadiiq ilaahay haka raali noqda

fadligiisa waxaa uu xoreeyey adoomo badan ilaahay naarta ha ka xoreeyee oo diinta islaamka ay qaateen darteed loo ciqaabi jirey ilaahow diintaa islaamka dadkeega xisee waxaana ka mid ahaa bilaa oo adoon u ahaan jirey ummaya ibnu khalaf oo aad u dhibey abiibakar sadiiq ilaahay ha ka raali noqdee ayaa iibsadey bilaal ka dibna xoreeyey maansha allah allah haka abaal mariyo abiibakar wanaaga uu inoo galay hadaanahay muslimiinta caalamka ku kala firidhsan waxaa kale ka mid ahayd gabadhii samiira oo adoon u ahayd cumar binu khadaab inta uusan islaamka soo galin ka hor cumar binu khadaab wuxuu dhihi jirey bilaal waa sayidkayga waxaana xoreeyey sayidkeena oo uula jeedo abiibakar sadiiq markii uu soo islaamay ayuu kalmada odhan jiray cumar ilaahay ha ka raali noqdee cumar iyo abiibakar iyo bilaalba iyo saxaabada oo dhan

samiira waxay ahady gabadhii adoon u ahayd cumar binu khadaab islaamka ka hor ciqaabtii la ciqaabtii la ciqaabey darteed ayeey la indho beeshay ka dibna qureeysh waxay yiraahdeen sanamyadii laata & cuzaa ay qureeysha caabdu jireen ayaa indho tirey subxanallaah markaaseey tidhi ilaahii indho la.aan iga dhigay wuu awoodaa in indhhayga isoo cesho siday allah ubaryaysay casa wajala ayuu allah indhaheeda allaah usoo ceshay subxanallah markaaseey qureeysh yidhaahdeen kaas waa sixirka maxamed subxanallaah dadku madax adagaa oo ay ula jeedaan in nabi maxamed naxariis iyo nabad galyo korkiisa ahaatee uu sixiroow yahay hadalkaana allah waa uu ka nasahay nabigiisa Mohamed{scw}ka dib abiibakar sadiiq ayaa samiira cumar ka iibsadey oo xoreeyey ufiirsada walaalayaal abiibakar fadligiisa qiimaha badan leh ilaahay janadiisa fardowsa ha ka abaal mariyo qureeysh waxay dhihi jireen hadii islaamka kheyr yahay samiira noogama hor marteen islaamnimada markaasaa allah awood badan leh ka jawaabey hadalkaa dadka kibray ka soo baxay afkooga oo allah quraanka kariimka ku soo dejiyey hadalada noocan waxaa kuu hadla markaasta dadka diinta ka hor yimaada laakiin amarkiisa cidna ma hor istaagi karto allah

abiibakar sadiiq fadligiiisa waxaa ka mid ah in uu xoreeyay adoomo badan ilaahayna fadligiisa qaar waxaa looga Hadley quraanka kariimka suuratul layl & nuur oo ay ka mid ahayd ummu cubeys oo

adoon u ahayd reer banii cabdi shamsi & gabadh kale oo adoon u ahayd reer bani cadiye

imaam bukhaari ilaahay ha unaxariistee in rasuulkeena yidhi qofkii jid kal alle {jihaadka} wax ku bixiya waxaa looga yeedhaa albaabada jannada oo waxaa lagu dhahaayaa adoonkii alle waa kan khyerkaada midkii ehlu salaadka ah albaabka salaada looga yeedhaa midkii ehlu sadaqa waxaa looga yeedhaa doonaa albaabka sadaqada kii ehlu soonka ahaa waxaa looga yeedhi doonaa albaabka soonka baabu rayaan abiibakar sadiiq wuxuu yidhi ma jiraa mid looga yeedhi doonaa albaabadaas oo dhan yaa rasuululaah rasuulku{scw} wuxuu yidhi haa wuu jiraa waxaanan rajaynayaa inaad adiga ka mid noqoto allaahu akbar bishaaraada ufiirsada walaalayaal maxaa ka wanaagsan abiibakar allah ha unaxariisto janada allana ilaahay ha inagu wada kulmiyo aamiin

qaybta sadexaad waxay noqon doontaa insha allah hijradii abiibakar sadiiq ilaahay haka raali noqdee

Abiibakar sadiiq markii islaamka biloowgiisa la imtixaamey muslimiinta ayaa abiibakar sadiiq ubaxay hijro dhulkii xabasha markuu maraayo meesha la yidhaahdo bari qamaad ayuu la kulmey ibnu daqni oo ahaa odaygii reer qaara ayuu abiibakar ku yidhi xageed usocotaa markaasu yidhi waxaa isoo saarey tolkayga waxaana rabaa inaan raadsado dhul aan rabigayga ku caabudo ibnu daqni wuxuu yidhi adiga kale ma baxo lamina saaro waayo{sababtoo ah} waxaad kaalmaysaa kana an waxbo haysani martida ayaa soortaa oo soo dhoweysaa xaqana waad ugargaartaa ee aniga ayaa magangalyo ku siinaaya ee soo bax laabo magaaladaada makkana rabigaada ku caabud markaas ayaa abiibakar sadiiq ayaa soo laabtey asagoo ibnu daqni la socda kacabadda ayeey wada dawaafeen markaasuu ku yidhi qureeysh abiibakar oo kale lama bixiyo lamina saaro waa nin qaraabada xiriiriya iyo masaakiinta kaalmeeya martidana soora oo xaqana u gargaara ee ogaada aniga ayuu magan galiyay markaasna qureeysh wey ka aqbaleen ibnu daqni laakiin waxay ku xireen labo shardi oo kala ah

1} waxay yidhaahdeen abiibakar gurigiisa dhexdiisa ha ku caabudo ilaahiisa{rabigiisa}

2} abiibakar yuusan quraanka kor u akhriyin maxaa yeelay waxaan ka baqaynaa in uu
naga fasahaadiyo{naga fitneeyo} dumarka iyo caruurta subxanallah hadalka allah ayay diidayaan qureyshi allah akbar xaga muslimiintuna ku raaxaysanayso hadalka allah ilaahay ayaa xumaan ka nasahan

Ibnu daqni arintii ayaa abiibakar usheegay ee qureeysh tidhi sidaas abiibakar rabigiisa isaga caabudaayey asagoo aan codka kor u qaadaynin laakiin abiibakar wuxuu ahaan jirey markuu quraanka akhrinaayo wuu ooyi jirey arintaasa odoyaashii qureeysheed aad bey uga caroodeen waxayna udacwoodeen odaygii magangaliyey waxaay yidhaahdeen waxaan abiibakar kaaga yeelnay inaad magangaliso inuu rabigiisa gurigiisa ku caabudo oo uusan codkiisana kor uqaadin
Abiibakar sadiiq allah ha ka raali noqdee waxay nusuusta tilmaamtey in abiibakar sadiiq inuu ummada ugu kheyr badan yahay hadaan nahay manhajka ehlu sunnah wal jamaaca la iskuma khilaafsasana ilaa nimanka shiicada mooyaan oo lacnadaan abiibakar subxanallaah allah iyo abiibakar way ka nasahan yihiin in la nacdalo abiibakar sadiiq wuxuu ahaa maalintii duulaankii uxud muslimiinta jabeen abiibakar sadiiq wuxuu ahaa dadkii ugu horeeyay rasuulka{scw} ku soo laabtey rasuulkeena{scw} wuxuu udhiibay calanka duulaankii tabuuk abiibakar sadiiq wuxuu ahaa qofkii uhoreeyey ee quraanka jamciyey wuxuuna ilaahay waqtigaa jahliga iyo islaamka iska ilaaliyey khamriga abiibakar sadiiq wuxuu ahaa ninka asxaabta ugu cilmi badan oo leh fahan iyo aqoon dheer meel fogna wax ka arko abii siciid al khudri wuxuu yidhi rasuulkeena{scw} maalin ayuu dadka u qudbadeeyay oo yidhi alaah ayaa adoon kala dooransiiyey aduunyo iyo waxa agtiisa ahaadey {aakhiro} markaas ayaa doonkaas doortey waxa alaah agtiisa yaala abiibakar sadiiq allah ha ka raali noqdee ayaa ooyey wuxuuna yidhi abii siciid waana la yaabney rasuulku{scw} waxaa uu ka waramay adoon la khiyaar la galiyay sidaas darteed ninkan ninka la kihiyaargaliyay waa rasuulkeena{scw} abiibakar sadiiq ilaahay ha ka raali noqdee waana ninka noogu cilmi badnaa {bukhaari & Muslin}

Waxaa kale oo imam bukhaari wariyey xadiis cabdulaahi ibnu cumar ilaahay ha ka raali noqdee isaga iyo aabihii cumar oo yidhi waxaan waqtigii nabiga{scw} dadka ka dhex dooran jirney oo nabiga ku xigay abiibakar kadibana cumar binu khadaab ka dibna cismaan binu cafaan Allah ha ka raali Noqdo dhamaantood saxaabada oo dhan ali binu abiidhalibna isagana allah ha ka raali noqdo allahayow noo naxariisto oo ha na cadaabi

Waxaa kale oo imam bukhaari wariyey xadiis cabdulaahi binu caas ilaahay ha ka raali noqdo rasuulka{scw} madax iiga dhigay ciidan loo direy daatusalsal markaas ayaan u imid oo ku idhi dadka yaad ujeceshahay

Waxaa uu yidhi caaisha bintu abiibakar waxaan idhi raggana wuxuu yidhi aabaheeda abiibakar sadiiq waxaan ku yidhi yaa ku xiga waxaa uu rasuulkeena{scw} yidhi cumar binu khadaab rag buu u tireyey maansh allah alaahu akbar

Waxaa kale rasuulka{scw} laga wariyey in haweeney rasuulka{scw} u timid oo arin ay weydiisey markaas ayuu amrey inay ku soo laabato markaas ayeey tidhi rasuulkii allow{scw} ka waran hadii aan imaado oo aanan ku helin waxaa uu ku yidhi rasuulku{scw} markaasuu yidhi hadaadan I helin abiibakar sadiiq u imoow insha allah allaahu akbar ufiirsada walaalayaal abiibakar sadiiq waa nin qiimo badan leh qofkii caayana ma liibaanayo aduun iyo aakhiraba inaguna ehlusunnah waan jecelnahay abiibakar cumar cismaan ali iyo dhamaan saxaabada oo dhan

Imam muslin & bukhaari waxay wariyeen abii muusa al ashcari ilaahay ha ka raali noqdee in uu yidhi waxaa aan ku wayso qaatey gurigayga ka dibna waan baxay maraakas ayaan is idhi maantey waa inaad rasuulka{scw} aadaa oo aad la joogtaa oo maciisa{ la jirkiisa ahaado} markaas ayaa masaajidka aadey anigoo rasuulka{scw} raadinaayo markaasey idhaheen waa baxay oo dhinacaas ayuu aadey raadkiisa ayaan qaadey ilaan ka tagay ceelkii ureys markaas albaabka ayan fariistey ilaa rasuulka{scw} soo xaajo gutey oo uu soo weyseestey marakaas ayaan u tagay isagoo fadhiya ceelka dushiisa dhudhumadiisa feytey una laaladiyey ceelka markaas ayaan salaamey oo ka tagay dabadeedna inta aan albaabka fariistey idhi waxaan manta noqonayaa waardiyaha rasuulka{scw}

Waxaan yimid oo albaabka soo garaacay abiibakar sadiiq ilaahay ha ka raali noqdo markaas ayaan idhi waa kuma waxa uu yidhi waa abiibakar sadiiq waaan idhi tartiibtaada sug markaas ayaan baxay oo rasuulka{scw} ku yidhi rasuulka allow waa abiibakar oo idin dalbanaayo u idin dalab uguna bishaarey janno maraakasaa laabtey oo abiibakar sadiiq ku idhi soo gal

Rasuulkana janno ayuu kuugu bishaareeyey markaasuu soo abiibakar oo fariistey midigta Rasuulka s.c.w oo labadiisa lugoodna ceelka u laadlaadiyey dhudhumadiisa waa uu faytey sida rasuulka sameeyey oo kale ka dibna waan laabtey oo fariistey albaabkii, Waxaana kasoo tagay walaalkeey oo weyseeysanaayooo iga daba imaanaayo.Markaas ayaan iri ”hadii ilaahay kheyr habel (Walaalkeey) la doonay wuu imaan .

> Kadib qof ayaa alaabka dhaqdhaqaajinaayo markaasa iri waa kuma “”? waxa uu yiri waa Cumar bin khadaab waxaan iri tartiibtaada sug markaas ayaan baxay oo rasuulka ku iri s.c.w ” rasuulka alle waa Cumar bin khadaab oo idin dalbanaayo, rasuulka s.c.w wuxuu yiri u idin dalab uguna bishaareey Janno maraakasaa laabtey oo Cumarr ku iri soo gal Rasuulkana janno ayuu kuugu bishaareeyey markaasuu Cumar ka fariistey Bidixda Rasuulka s.c.w oo labadiisa lugoodna ceelka u laadlaadiyey dhudhumadiisa waa uu faytey sida rasuulka sameeyey oo kale ka dibna waan laabtey oo fariistey albaabkii Markaas ayaan iri ”Hadii ilaahay kheyr habel (Walaalkeey) la doonay wuu imaan .

Kadib qof ayaa alaabka dhaqdhaqaajinaayo markaasa iri waa kuma “”? waxa uu yiri waa Cismaan bin cafaan رضي الله عنه waxaan iri tartiibtaada sug markaas ayaan baxay oo rasuulka ku iri s.c.w ” rasuulka alle waa Cismaan bin cafaan oo idin dalbanaayo, rasuulka s.c.w wuxuu yiri u idin dalab uguna bishaareey Janno iyo dhib ku dhici doono maraakasaa laabtey oo Cismaan bin cafaan ku iri soo gal Rasuulkana kuugu bishaareynaayaa Janno iyo dhib ku dhici doono markaasuu Cismaan bin cafaan ka fariistey Hortiisa Rasuulka s.c.w kadib markuu arkey safka ka buuxsamey ka dibna waan laabtey oo fariistey albaabkii Markaas ayaan iri ”Hadii ilaahay kheyr habel (Walaalkeey) la doonay wuu imaan .

Ø Siciid Ibnu Museyb waxa uu ku fasirey sidee u fariisteen sida qabrigooda u duugan yihiin sababtoo ah rasuulka s.c.w iyo abiibakar isku meel ayuu ku duugan (Xabaalan) yihiin, cismaana waa ka gooni waxa uu ku xabaalan yahay baqiic . Abii muusa waxa uu kheyrka la jeclaay walaalkiis laakin walaalkiisa muusan imaanin.

ØSidoo kale waxa uu imaam bukhaari wariyey: Xadiis Anas Ibnu Maalik رضي الله عنه in nabiga s.c.w iyo abiibakar & Cumar & Cismaan ayaa waxay fuuleen (koreen) buurta uxud markaasey buurta gilgilatey waxa uu rasuulka s.c.w yiri ”Joogso buuryaheey (Uxudoow) waxaa korkaada saaran Nabi , Sidiiiq iyo labo shahiid ( Cumar iyo Cismaan). Labada shahiid waxaa loo jeeda cumarna isagoo salaada subax tujinaayo ayaa mindi lagu dhuftey la diley.Cismaan waa taas xadiiska ku soo marney dhibka weyn isaga waa ladiley.

ØFadliga abiibakar lama soo koobi karo waxa kamid ah xadiiskii bilaal رضي الله عنه salaad rasuulka xanuunkiisa dadka hala amro abiibakar inuu salaad tujiyo waxaase kamid ah. waxaa kale kamid ah xadiiskasalaad casar aqimay bilaal abiibakar salaada casar tujiya rasuulkana wuxuu aadey reer banii caamir binu cawfoo khilaaf dhexmarey waana xadiiskiisahal bnu sacad aya wariyey bukhaar iyo muslim ayaa soo saareen marka fadliga abiibakr kuma soo koobi karno halkaan .

Qaybta 5″aad Waxay noqon doontaa Doorashadii Abuubakar Sidiiq
maansha allah doorashadii walaalkeena abiibakar sadiiq si fiican ayay udhacday saxaabadii qiimaha badnaana way isku raaceen in ay abiibakar u doortaan xilka Waayo waxaa uu ahaa saaxiibkii rasuulkeena{scw} waxaa uu ahaa qofkii ugu horeeyay ee islaamka qaata waxaa uu ahaa saaxiibkii rasuulkeena{scw} waxaa uu ahaa qofkii ugu horeeyay ee rasuulkeenu{scw} janada ugu bishaareeyay ma og tahay in abiibakar yahay bacda nabiyada allah ka ugu khayr badan walaalkay muslinka ahow ma og tahay abiibakar sadiiq inuu rasuulka dabadii ugu fadli badan yahay maansha allah ma koobi karno fadliga abiibakar sadiiq walaahi maanta oo dhan

doorashadiisii ayaan wax iskaga sheekaynaynaa insha allah

ABII-BAKAR ;waxaa inagaga filan qiimahiisa halka uu ka joogay nabiga s.a.w.abii baker waxaa uu ahaa ninkauu rasuulku (scw) inta badan la tashado.mana uusan ka faaruqi jirin rasuulka (scw) agtiisa haddii ay jihad tahay iyo haddii ay arrin kale tahayba

Ninka khayrul khalqilaahi jeclaaday la rafiiqiisa iyo ag joogiisa waa qof ilaahay aad iyo aad u jecel yahay inagan alle ha ina jeclaysiiyo rasuulaka scw iyo saaxiibkiisba

WEEDHIHIISII CAJIIBKA AHAA ;markii layskugu yimi doorashadii xalaasha ahayd ee islaamku ogol yahay ,ayaa dadkii baayaca guud la galeen abii baker ,
Ka dibna waa uu hadlay abii baker ,waxaana uu yidhi markuu ilaahay mahadiyey(dadyahow waa la iiga kiin madax dhigay mase ihi kii idiinku khery badnaa ,
Markaa haddii aan wanaagsanaado iigu kaalmeeya ,haddii aan xumaadana I toosiya.
Runtu waa amaano,beentuna waa khiyaamo.(KIINA DACIIFKA AH)ee lagu xadgudbu agtayda quwad buu ka leeyahay ilaa aan xaqiisii uga soo celinayo,
Kiina awooda leh (EE XADGUBAANA )agtayda daciif buu ka yahay ilaa aan xaqa ka soo celinayo.
Dadyahaow I adeeca intaan (ALLE IYO RASUULKIISA S..C.W.)addeecayo.haddiise aan alle iyo rasuulkiisaaan (CAASIYO)addeecid idinkuma lihi,

Sidaasi ayey u dhacday doorashadii abii baker oo uu ku noqday khaliifkii rasuulka scw isagoo dadkii raali ka wada yihiin, ayna dadku jecel yihiin allah iyo rasuulkiisuna raali ka yihiin allaahu akbar maxaa ka wanaagsan walaalayaal siirada dahabiga ah ee abiibakar sadiiq allahayow abiibakar cumar cismaan cali ibnu abudhalib iyo saxaabada oo dhan nala soo khashri maalinta qiyaame walaal

ABII BAKAR SIDUU DIINTA U ILAALIN JIRAY
Abii baker wax kastoo dhaca waxaa uu ka hor marin jiray diinta ilaalinteeda .mana ogalaan jirin in wax yar oo diinta islaamku farayso in laga tago .dadkii diiday sakada ayaa abii baker yidhi dagaal baan kuqaadayaa haddii ay diidaan dabar ay rasuulka (scw) siin jireen inla eeg ,cumar bin khataab baa ku yidhi side baad ula dagaalamysaa dad tawxiidki qiraya oo salaadii tukanaya ?abii baker baa yidhi waxaan rajaynayaa gargaarkaaga ee ma waxaad ila timi khaddeeco,gaalnimadii waad ku adadkayd islaamkana waad ku dabacday miyaa waxyigii alle waa goay diintuna taam ayey noqotay ee miyey nusqaamaysaa DIINTA ISLAAMKU ANIGOO NOOL.

Ka dib cumar ayaa waxaa uu yidhi waxaa aan aqoonsaday inay xaq tahay arrinta uu ilaahay ku waasiciyey xabadka abii baker oo ah la dagaalanka kuwa sakada diiday.sidaasi ayey ahaayeen dadkii ummadani ugu fadliga badnaa in iyagoo nool diintani islaamka wax loo dhimo ama loo geysto ama badh la qaato badhna laga tago may yeeli jiri

ABII ABIIBAKAR SIDUU U OGAA RAACIYADIISA KUWA U BAAHAN DARYEEL
Waxaa dhacday cumar baa soo warinaya maalin maalmaha ka mid ah ayaan dabagalay abii baker sidaan khayrkiisan faraha badan wax ooga soo barto si alle iigu anfaco, Waxaa uu yidhi waxaa uu u tagey islaan da,ahmarkaa islaantu tamarteedii way gabtay.
Abii-bakar gurigeedii buu u fiiqay dabkii buu ushiday rideediina waa uu u soo lisay.

Wuu iska tagey buu yidhi cumar waxaan u waydaartay buu yidhi islaantii oon salaamay
Markaas baan waydiiyey ninkii kuu shaqaynayey ma garanaysay waxay tiri waa wiil baari ahoo ilaahay ii soo diray subaxii iyo galbtiiba wuu ii yimaada guriga ayuu dabka ii shidaa ridaydana waa ii soo maala mana aqaan waa wiil kheyr qaba.
Cumar waxaa uu yidhi maalintaasi abuu baker waxaan idhi waxaad nagaga tageysaa xil aan qofna ka soo bixi Karin macnaheedu yahay ninshaqadani ka soo bixi karaa ma jiro

Abii baker midna aan yar ogaano isagoo ah khaliifka muslimiinta shaqaduu hayaana aan wada qiyaasi karno siday u wayntahay haddana waqtigiisii waxaa uu ka dhex sameeyey inuu khaatim u noqdo raaciyadiisii mid ka mid ah waana taasi masuuliyada islaamku.

Reer galbeedkani aan ku soo qulqulayno wadamadooda taariikhahani cajiibka ah bay akhristaan markaasay ku maamulaan dalkooda ooy wax kalasoo dhex baxaan inan aan nidhaahnaa bal eega cadaaladooda(taariikhdeena aynu ku abtirsano alle dib ha inoo tuso ) aaamiin aamiin aamiin yaa rabi .

Waxaa aynu ku kala tageynaa khayr iyo wanaag ilaahayna waxaan ka baryeynaa inuu
Inaga soo dhex saaro kuwo ummadani maxamed scw ka saarta jahliga oo u saarta nuurka islaamka ilaahow diinteena siday ahayd noogu soo celi

maalinta ayuu uyimid nin reer baadiye ah rasuulkeena Mohamed{scw} Yaa rasuululaah waa Goorma Saacada Qiyaame rasuulkeenu{scw} hoog ha ku sugnaadee maxaad udiyaarsatay walaahi yaa rasululaah umaan diyaarsan waxba laakiinse waxaan jeclahay allah iyo rasuulkiisa maansha

qof walba qofka uu jeclaado ayuu maalinta qiyaame la soo bixinayaa anas ibnu malik ilaahay haka raali noqdee waxaa uu yidhi maalintaa saxaabada rasuulku{scw} ayaad ayay ufarxeen walaahi anas ayaa leh anigu waxaan jeclahay rasuulka{scw} waxaan jecelahay abiibakar waxaan jeclahay cumar waxaana insha allah rajaynayaa in macooga aan noqdo insha allah inaguna waan jecel nahay abiibakar cumar waxaanan rajaynaynaa macooga allaahum aamiin aamiin aamiin aamiin aamiin aamiin

Ilaahaan Uga Mahad Celin الحمد لله

Waxaa Qorey : Walaalkiin Cabdiladhiif Aadan Akhiizubeyr_1@hotmail.com waxaa habeeyay qaybna ku dara walaalkeen siciid cabdiraxmaan ilaahayna waxaan ka rajaynaynaa inuu noo naxariisto akhristayaashan inay ka faaidaystan noona soo duceeyaan aguna waan idin soo ducaynaynaa ha naga iloobina ducada insha allah walaalayaal

kula caam wantum bikhayr rabadaan kariim

وآخر دعوانا أَنِ الحمد لله رب العالمين

هذا والله أعلم

Siciid Cabdiraxamaan
siciid_muscab@hotmail.com

Comments are closed