|

Raysa Wasaarihii Hore Ee Soomaaliya Farmaajo Oo Ka Qaybgelidoona Tartanka Doorashada Madaxtinimda Somaliya Oo Maanta Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Muqdisho(Sawirro)


Aug 9, 2012 Muqdisho(Cadceed) – Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) Waxaa garoonka ku soo dhaweeyay Kumanan dadweyne ah oo uu ka mid yahay Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi.

Farmaajo ayaa Saxaafadda kula hadlay Garoonka Diyaaradaha wuxuuna sheegay in uu ka mid yahay Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya. Wuxuuna amaan u soo jeediyay Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed oo ku guuleystay iney ansixiyaan Dastuurka dalka. Isagoona ugu baaqay iney soo xulaan Baarlamaan Tayo leh.
Sidoo kale wuxuu aad ugu mahadceliyay Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku guuleystay iney qeybo ka mid ah dalka ay ka xureeyaan Kooxihii Nabad diidka ahaa ee Al-Shabaab, waa sida hadalka uu u dhigaye Wuxuuna intaa ku daray in uu ka xun yahay Mushaar la’aanta in waqtigan heysto.

“waxaa igu maqaala ah in Ciidanka aan Mushahar la siin muddo 5 bilood ah, waan ka xumahay sidoo kale waxaa igu maqaala ah in shaqaalaha dawladda aan wax mushahar ah la siin muddo 5 bilood, ah sidoo kale baarlamaanka 0 bilood Mushahar lama siin, curyaamiintii 77 waa sidii aan uga tegey weli mushahar lama siin, waxaan dawladda ugu baaqayaa in ay bixiso mushaharaadka” ayuu yiri farmaajo.

Cadceednews, Muqdihso

Comments are closed