|

Qaabkee Loo Maamulay Mashruucii Dib U Dhiska Madaarka Berbera? By Cabdiqadir Yool

Tan iyo mudadii` waxaa dhagihiina kusoo dhacaayey mashaariic la leeyahay waxaa dib uhabayn lagu samaynayaa labada madaar ee kala ahEgalInternationalAirports, iyoBerberaInternationalAirports.

Hadaba qormadan waxay diirada saari doonaa sida qorsheeyey 10 Million oo Dollar ee ay inagu caawisay dawlada Kuwait loona yaqaan ‘Kuwait fund’ si heer caalamiya looga dhigo labada madaar eek ala ah Egal International Airports, iyo Berbera International Airports.

Sidaan warbixinta ku hayno 1 Million waxa lagu sheegay in Survey lagu sameeyey, 1 Million oo kalena fara guudkeed lagu kala qaatay ,waxa soo hadhay waa $8 milion oo dollar sideediiba waxa sida uu wasirku sheegay loo qoondeeyey in labada madaar loo kala qaybiyo iyo sababta uu sidaa u doortayna aanu sheegin waxaa in mudaa ka dib hadana saxaafada ka maqalnay in labadii mashruucba laba shirkadood ku kala guulaysteen.

Madaarka Hargeisa waxaa lagu sheegay inay heshay bilawgii shirkadChinaah laakiin markii danbe isku badashay shirkad uu laayahay nin ay madaxwaynaha qaraabo yihiin oo la yidha Cumaani halka ka Berberana uu heshay shirkadii Maayar Jiciin eek u caanka ahayd inay guryaha dhisto.

Hadaba jabka iyo jahawareerku waxay ka taaganyahay ama uu dul hoganayaa waa madaarka Berbera isaga oo sida hawsha loo bilaabay iyo sida ilaa hada ay usocoto, aan la garanin .

Sida hashiiska ku qoran waxay ahayd inBerberaInternationalAirport in dibu habayn balaadhan lagu sameeyo.

Kadib sida uu balanku ahaa waxaa lasoo diray ama la isla qaatay inay kasoo tala bixiyaan hayadihii aqoonta iyo wada shaqaynt buuxda la lahaa madaarka inay yimaadaan qiimayna ku sameeyaan intaasi markay dhacday waxay khubaradii hayadaha ka socotay waxay soo saareen xogtii rasmiga ahayd ee ay heleen oo ahay sidan:
In madaarka dayrka lagu soo wareejinayaa uu ka yar yahay 100 Mitters intii hashiisku ahaa markii hore taasi oo diyaaradaha waawaynu ay ka baqdeen in ay ku dhacaan hadii ay ka baxaan dhabada ay soo cagadhig taan (run way)
In terminalka cusub ee la samaynayaa uu aad cidhiidhi u yahay lama mid yahay sidii dhismi qof shakhsiye galayo oo qudha

Markii waxbixintaasi soo baxday ayaa waxaa halkaa soo dhex galay maayer Jiciir iyo wasiirka Duulista iyo Hawada oo kashaanaya nin khabiir ah oo Hindiya si uu uga difaaco warbixintii ay soo saareen khubaradii hore, taasi oo ninkii Hindiga ahaa lagu yidhi waxaad tidhaa lacagta ayaa nagu yar (Budget constrain). Hadaba arinkii wuxuu ku gabagaboobay in madaarkii 4 milion lagu soo qaatay laga dhiso dhisme terminal ku sheega iyo dayr xadkii ruushku dhigay 100 meter laga soo shaxaaday isla markaan dhulkaa laga jarayo xadkii uu ruushku u qayday safety ahaan in run way ga ka shisheeyo ,uu hada maayar Jiciir usoo tafa xaytay wasiisrka iyo maayarka bereberina ay kula socdaan

Hadal iyo dhamaan madaarka Hargeisa waxaaban maqalnaa waxaa usoo dagay qalabkii lagu dhisayey ka Berbera maba maqalno mana aragno shirkada ilaa had si saxa uwada wuxuunbaan arkaa wasiirka oo media wata oo hadba meel dhagax dhigaaya ama qolaal yar yar iyo wado yar oo jay lagu daaidyey furaaya .

Hadaba hadal iyo dhamaan 4 milionkii lagu hafray madaarak Berbera ma waxay isugu biya shubteen Terminal ku sheegan iyo dayrkan laga shaxaaday 100 mtr ,hadaba waxaan halaka kusoo gunaanadaya in aynu talo caafimaad qabta u marino hawada dhinacyada ay khusayso hawshan iyo wax ka qabashadeedu .

Waa ta koowaade waxaynu cod dheer iyo cod gaabanba ugudbinaynaa Madaxwaynah jamhuuriyada somliland oo ah madax meel la salaaxo meesha ugu saraysa wasiirka iyo kooxdan isku bahaysatayna ay hoos yimaadaan ,madaxwayne adoo hore iyo haatanba ugu sifaysnaa (Anti corruption president ) inaad xisaabtan dhaba la samayso hawshaana ka hortagtid sida dhulkaa 100 mtr jiciir sharci darada ku qadanayo .Wa ta labaade waxaan shacabwaynaha reer berbera leeyahay mashruucan Airporka ka socda si fiican ula socda hadba meeshay wax marayaan waxaanad isha ku haysaan dhulkaa 100 mtr ee labada maayar sida sharci daradaa ugu heshiiyeen

Prepered :A/qadir Yool

Stockholm Sweden

Email:Yool7@hotmail.com

Mobile: 0046704057657 Or Mobile:4845002

Comments are closed