|

Maxaad Ka Ogtahay Guurkii Khadiija Oo Ahaa Guurkii Ugu Qiimo Badan Aduunka. By Sheekh Siciid Cabdiraxmaan

Aslaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakad Bismilaahi raxmaani Raxiim Wasalaatu Wasalaam Calaa Nabiyanaa Mohamed ibnu Cabdilaahi {scw} Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis Guud iyo mid Gaaraba Naxariista Allahaasow Calamka iska leh Allahasow ay Usugnaatay Samada iyo Dhulka wax ku Sugan
Cabdilaahi Binu Mascuud Allah Ha ka Raali Noqdee waxaa uu yidhi waxaan ka Maqlay Rasuulkeenu{scw} waxaa uu yidhi Allah ha Nuuro wajigiisa Qof Naga Maqlay Hadal Wanaagsan Dabadeedna Gaadhsiiya Walaalihii waxaa laga yaabaa Qofka la Gaadhsiiyay inuu uga Anfac Badan yahay ka Gaadhsiiyay oo ka la Gaadhsiiyay uu aad ugu Dadaalo Rasuulkeenu{scw} Run Ayuu Sheegay Xabiibkeena Mohamed Ibnu Cabdilaahi ibnu Cabdimudhalib

FADLIGA SAXAABATUL RASUULULAAH KU SOO DHAWAADA WALAALAYAAL INAGA OO AAN HALKAN KU KOOBI KARIN FADLIGOOGA ALLAH HA KA RAALI NOQDEE HADANA WAX YAR AYAAN ISKAGA SHEEGAYNAA

1}Rasuulkeena Mohamed{scw} waxaa uu yidhi Nacdasha allah iyo Nacdashayda iyo Nacdasha Malaaiigta iyo Nacdasha dadka korkiisa ahaato Qofka caaya Saxaabaday

2}waxaa kale oo uu Rasuulkeenu{scw} yidhi saxaabadaydu waa xidigo oo kale midkii aad doontaan waad ku hanuunaysan rasuulkeena kariimka ah run ayuu sheegay{scw} axaadiis badan ayaa ku sheegay fadliga saxaabada rasuulkeena{scw} laakiinse intaa ayaa ku soo koobaynaa ilaahay ha ka raali noqdee dhamaantood muhaajiriin iyo ansaar iyo taabiciintaba iyo inagaba allaahum aamiin aamiin aamiin aamiin aamiin aamiin

Siiradii Rasuulka Muxammed (scw)

GUURKII KHADIIJA GUURKA UGU QIIMO BADAN ADUUNKA & QISADII BAXIIRA HORDHAC
Markuu Rasuulka SCW 12 sano jirey ayaa adeerkiis Abii-dhaalib iyo rag kale oo qureysh ka mid ah ay safar ugu kicitimeen dhinaca Shaam, wuxuu markaa Rasuulku scw ka codsadey adeerkiis inuu raaco, adeerkiisna waa uu ka yeelay. Dabadeed markuu safarkii baxay waxaa uu sii maray meel la yiraahdo Busra oo ay safarrada qureysheed ee Shaam u socda sii mari jireen uuna degganaa nin raahib (suufi) ahaa oo Baxiira la oran jiray heystayna diinta masiixiga, cilmina u lahaa waxyaalihii uu ilaahay ku sheegay Tawreet iyo Injiil.

Ninkaas raahibka ah safarrada qureysheed waa ag mari jireen danna kama geli jirin; laakiin maanta waxaa uu arkay calaamooyin ku saabsan wiilkan yar oo safarka la socda, calaamooyinkaas oo kutubtii hore lagu sheegay, markaas ayuu ninkii martiqaad u sameeyey safarkii oo dhan. Waa ay la yaabeen waxayna yiraahdeen “weligayo waannu ku ag mari jirney martiqaadna nooma aadan samyn jirin ee maanta maxaa jira?”, wuxuu ku yiri waa sax laakiin marti baad tihiine imaada. Markii ay u yimaadeen wuxuu yiri “Ma cid baad ka soo tagteen?”, waxay ku jawaabeen yar ayaannu rarkii uga soo tagnay. Baxiira ujeeddadiisu waxay ay ahayd wiilka yar markaasu ku yiri “u yeera gabanka”.

Markii la qadeeyey ayuu Baxiira su’aal weyddiiyey Abii-dhaalib oo uu ku yiri “wiilkan mxaad u tahay”? wuxuuna ugu jawaabey “Aabbe ayaan u ahay”. Baxiira waxa uu yiri “suurogal maaha in wiilkan aabbihiis nool yahay ee maxaad u tahay?”. Abii-dhaalib waxaa uu yiri “Adeer baan u ahay”, intaa ka dib Baxiira wiilkii ayuu gees ula baxay wuxuuna weyddiiyey su’aalo, ugu dambeyntiina wuxuu ka arkay khaatumkii nebinimda oo nabiga scw garbihiisa dhexdooda ku yaalley.

Baxiira wuxuu ku yiri Abii-dhaalib “wiilkani arrin weyn ayuu yeelan doonaa, waxa aan anigu ka fahmeyna haddey nimanka yahuudda ihi ka fahmaan waa ay dilayaan ee ku celi magaaladiisii kana ilaali yahuudda”, Abii-dhaalib markii uu alaabtiisii soo gateyba si degdeg ah ayuu ugu soo rogmaday Makka. Markaas ka dib waxaa uu Rasuulku SCW Makka ka baxay hal mar oo kale illaa hijrada laga gaarey. Rasuulka SCW markuu soo barbaaray waxa uu bilaabey inuu buuraha Makka ariga ku ilaaliyo. Sida uu usheegay rasuulkeenu{scw} saxaabadiisa oo uu ku yidhi ma jiro nabi allah soo dirtay ilaa waxaa uu soo maray xoolo raac markaa ay saxaabadu yidhaahdee yaa rasuululaah adiguna ma soo martay haa ayuu yidhi adiga ayaa ku ilaali jiray buuraha maka naxariis iyo nabad galyo korkiisa ahaato dawaadiciisa faraha badan

GUURKII KHADIIJA GUURKA UGU QIIMO BADAN ADUUNKA
FADLIGA UMUNAA KHADIIJA ILAAHAY HA KA RAALI NOQDEE AY ALLAH IYO RASUULKIISA MOHAMED UGA MARAG NOQDEEN KU SOO DHAWAADA WALAALAYAAL WAAD LA YAABI DOONTAAN CAJIIB AYAY IDINKU NOQON DOONTAA ILAAHAYNA HA KA RAALI NOQDO UMUNAA KHADIIJA

Rasuulkeenu Mohamed{scw} waxaa uu yidhi raga waxaa khayrka hor maray rag fara badan laakinse dumar afar haween maryama bintu cimraan. Aasiya intu cimraan. khadiija bintu khuweyda. caaishana ilaahay ha ka raali Noqdee waxay ka joogtaa Dumarka Xaga milixdu Cunta kaga jirto Subxanallaah faadumana waa Haweenka sayidada janada

Sida uu Sheegay Abuhureyrah ilaahay ha ka Raali noqdee yidhi waxaa uyimid Rasuulkeena{scw} Malaaigu jibriil oo xaga sare ka soo Degay isaga oo Salaan uwada Khadiija Bintu Khuweyda ilaahay haka raali Noqdee Malaaigu jibriil waxaa uu yidhi taasi waa khadiija oo kugu soo Socota wadana Weel uu caano ku jira waxaa ugu Bishaaraysaa Salaan uu allah usoo diray Anigana igu Salaan uguna bishaaree Guri janada ku yaala oo Daal iyo tacab aan jirin allaahu akbar ufiirso Walaal allahii Abuuray aduunka oo dhan ayaa Salaan usoo diray Subxanallaah waa Cajiib Walaahi

Umunaa Caaisha waxay tidhi ilaahay ha ka raali noqdee Haween kumaan masayrin sidaan ugu masayray khadiija Rasuulku{scw} waa uu hadal hayn jiray Wanaageega Nabigu{scw} hadii uu Neef Qalo waxaa uu udiri jiray khadiija ilaahay ha ka raali noqdee saaxibadeed ufiirso sida uu ujeclaa Rasuulkeenu{scw} khadiija Waayo khadiija ilaahay ha ka raali noqdee caruurta Rasuulkeena{scw} Oo Dhan Iyada ayaa udhashay marka laga reebo Ibraahim

Markuu Rasuulka SCW 25 sano gaaray wuxuu guursaday Khadiija bintu Khuweydlad. Khadiijo waxay ahayd qof maalqabeen ah quruxna leh oo ka sheegganayd haweenkii qureysheed, waxayna da’deedu ahayd markaas 40 sano. Ka hor waxay soo guursatay nin ay laba carruur ah u soo dhashay. Khadiijo maalkeeda ayay hadba qof u dhiibi jirtey si uu ugu tijaareeyo waxayna wax ka siin jirtey faa’iidada. Waxay maqashay Maxammed binu Cabdullahi scw runtiisa, dabeecaddiisa wanaagsan iyo ammaanadiisa oo Makka oo dhan caan ka ahayd oo loogu magac daray loona bixiyey Maxammed Aammiin. Markaas ayey u yeertay Nabiga SCW una soo badhigtay inuu xoolaheeda maanta u tijaaro geeyo. Rasuulka SCW waa uu ka yeelay oo tijaaradii ayuu qaaday, waxayna ku dartay wiil u joogey oo la yiraahdo Maysara.

Nabiga SCW iyo Maysara waxay xoolihii u qaadeen Shaam halkaas oo uu Nebiga SCW ku soo iibiyey xoolihii uu kexeeyey isla markaasna wuxuu soo gaday wixii Makka looga baahnaa. Faa’iido aad u badan ayuu Nebiga SCW Khadiijo u soo hooyey taasoo u keentay kalsooni dheeraad ah iyo in ay aragtay ammaanadii iyo akhlaaqdii Rasuulka SCW.

Maysara wuxuu u sheegay Khadiijo waxyaabo mucjiso ah oo uu Nebiga SCW ku arkay, sidaa daraadeed Khadiijo markay ka aragtay Nebiga SCW arrimahaas iyo waxa la midka ah, waxay Rasuulka SCW u soo bandhigtay iney is guursadaan. Rasuulka SCW wuxuu la soo tashaday adeerradii wayna ka aqbaleen weyna u dooneen oo labadii eheyl ayaa isku yimid, halkaas ayaana Rasuulka SCW loogu meheriyey Khadiijo.

Khadiijo, oo uu Nebiga SCW qabay ilaa uu 50 sano dhaafay, waxay Nebiga SCW u dhashay carruurtiisa oo dhan marka laga reebo Ibraahim oo ay dhashay Maariyatul Qibdhiya. Waxayna Nabiga carruurtiisu ahaayeen saddex wiil oo la kala oren jirey: Ibrahim, Qaasim iyo Cabdullaahi (oo la oran jirey Dhayib iyo Daahir) iyo afar gabdhood oo la kala oran jirey: Seynab, Ruqiyo,
Ummu-khalthum iyo Fadumo. Saddexda wiil wey saqiireen hase yeeshee gabdhihii way hanaqaadeen oo islaamka ayey la kulmeen weyna wada islaameen.

Gabdhaha waxaa loo kala guursaday sidatan: Seynab waxaa guursaday Abil Caas; Ruqiya iyo Ummu-kalthum waxaa kala guursaday laba wiil oo Abii lahab oo Nebiga SCW adeerkiis ahaa uu dhalay. Ninkaas oo Rasuulka SCW aad u dhibay caqabadna ku noqday dadkii iney islaamka qaataan ayaa markay soo degtay suuratu lahab wuxuu, Abii lahab u yeedhay labadiisii wiil wuxuuna ku yiri: “u fura Maxammed labadiisa gabdhood” wayna fureen ka dibna waxaa labadii gabdhood iska daba guursaday Cismaan binu Cafaan oo ay labadiiba k dhinteen; Faadumo waxaa iyada guursaday Cali bin Abii Dhaalib oo ahaa Nabiga scw ina adeerkiis.

Nebiga SCW carruurtiisa oo dhan way ka wada hor dhinteen Faadumo oo lix bilood ka dambeysey maahane, waxaana carruurtiisa ugu waynaa Qaasim, waxaa ku xigtay Seynab, waxaa ku xigtay Ruqiya, waxaa ku xigtay Umu-kalthum, waxaa ku xigay cabdullaahi oo ugu yaraa bah khadiija. Rasuulka scw carruurtiisu waxa ay dhasheen Naginimada ka hor Cabdullaahi iyo Ibraahim maahane, Cabdullaahi waa la isku khilaafaa in uu nabinimada ka hor dhashay iyo in uu ka dib dhashay, waxaase loo badan yahay in uu Nabinimada kadib dhashay. Ibraahim isagu wuxuu ku dhashay madiina sannadkii 8aad ee hijriga waxaana dhashay maariyatul qibdhiya saan soo tilmaanayba.

Siiradii Rasuulka Muxammed (scw)
SIFADII RASUULKA SCW IYO QABKIISII QURUXDA BADNAA EE ALLAH U ABUURAY Rasuulku SCW

waxa u ahaa dadka kan ugu waji qurxoon, wajigiisuna waa balaarnaa, waana wareegsanaa, waxaana lawaydiiyey saxaabiga Baraa ibnu Caasim oo lagu yiri “wejiga Rasuulku SCW ma wuxuu ahaa seef oo kale”, wuxuu yiri “maya ee waxa uu ahaa dayaxa oo kale”. Afkiisu waasic ayuu ahaa, indhihiisu waa madoobaayeen, waxaa loo malayn jiray in uu indha kuulan yahay, isaga oo aan indha kuulan, waxaa loo malayn jiray in uu indha kuulan, dilaacooduna waa dheeraayeen, tintiisu ma adkayn, jileec daadsana ma aysan ahayn, ee waxa ay ahayd tin isku jirta oo jilicsan, wayna badnaan jirtay oo waxa gaari jirtay dhagaha, mararka qaarkoodna waxay gaari jirtay garbaha, wayna madoobayd oo cirro wax yar buu ka lahaa, waxa uuna Anas binu Maalik oo tilmamayey sheegay in waqtigii cimrigiisa ugu dambeeyey cirradii ku taalay madixiisa iyo garkiisa aysan dhamayn 20 tin.

Rasuulka SCW midabkiisu waxa uu ahaa caddaan guduud ku jiro, ma dheerayn mana gaabnayn ee waxa uu ahaa dhex dhexaad, miisaankiisu waxa uu ahaa dhex dhexaad oo mabuurnayn, caatana ma ahayn, xabadkiisu waa balaarnaa, garbihiisuna waa kala baxsanaayeen, garabka bidix korkiisana waxaa ku yaalay khaatuma Nubuwihii oo ka samaysnaa tin meesha ku ururtay, sidoo kale gacmaha iyo lugaha wuu u waa waynaa, markuu soconayo wuu dheerayn jiray ilaa ay asxaabtu ka cabireen in markay la socdaan ay dhib ku ahayd gaaritaankiisa, markuu meel eegayana wuu wada jeensan jiray, markuu qoslayana wuu dhoolo caddeyn jiray, mararka qaarkoodna si fiican ayuu u qosli jiray ilaa ay miciyihiisu ka muuqdaan, hase yeeshee kuma qosli jirin qosol dheer oo gah gah ah. Rasuulka SCW aamuskiisu wuu badnaan jirey, markuu hadlayana waxa uu ku hadli jirey hadal kooban oo xikmo ah oo Alle ka raali yahay, siduu Alleba ku caddeeyey qur’anka.

Rasuulka SCW dabeecaddiisu aad ayey u wanaagsanayd dhinac walba, Alle ayaana meelo badan oo qur’aanka ka mid ah ku tilmaamay, waxaana ka mid ah aayaadka uu Rabbi ku tilmaamay tan.

((WAXAAD KU SUGAN TAHAY AKHLAAQ WAYN)), (Suurat Al-Qalam 4).
Sidoo kale Caa’isha markii la waydiiyey waxa ay tiri: “dabeecadiisu waxa ay ahayd qur’aanka”.

Rasuulka SCW dabeecaddiisii iyo akhlaaqdiisii wanaagsanayd waxaa noogu filan siiradiisa, aad ayuuna ugu wanaagsanaa dhinac walba hadday noqoto tawaaduciisii, xishoodkiisii, runtiisii, ammaanadiisii, suhdigiisii, ikhlaaskiisii, naxariistiisii, fahamkiisii, caqligiisii, geesinimadiisii, qiiradiisii u jilicsanaantii dadka muslimiiinta ah iyo ku ad adkaantiisii caniidiinta xaqa ka hor yimid.

Wuxuu ahaa Rasuulku SCW nin Alle doortay bani aadamka oo dhan, oo uu ka dahiray nusqaan kulligeed waxaa idiin yimid Rasuul idinka mida oyna ku darantahay waxa idin dhiba, idiin kuna dadaali, una turid iyo naxariis badan Mu’miniinta naxariis iyo nabad galyo korkiisa ahaato nabi mohamed{scw} iyo saxaabadii uu soo tarbiyadeeyay oo uu ugu horeeyo abiibakar sadiiq{rc}

Siciid Cabdiraxamaan
siciid_muscab@hotmail.com

Comments are closed