|

Hanti-dhawrka Somaliland Oo Xabsiga U Taxaabay Agaasimihii Maamulka Iyo Xisaabaadka Telefishanka Qaranka Somaliland.

Augst 1,2012  Hargeysa(Cadceed) – Agaasimihii Arrimaha Maaliyada ee TV-ga Qaranka Xasan Maxamuud Muxumed ayaa shalay xabsiga loo taxaabay kadib markii uu han-tidhawrka guud ku tuhmay inuu gacanta kula jiray arrimo Musuqmaasuq oo lagu lunsaday lacago xad-dhaaf ah oo sida la sheegayo lagala baxay Miisaaniyadii dawladu u qoondaysay Telefishanka qaranka iyo dakhliga TV-ga ka soo gali jiray Xayeysiisyada iyo Barnaamijyada gaarka ah.

Musuqmaasuqa la sheegay inuu hadheeyey wasaarada warfaafinta waxa ka dhashay in uu hanti-dhawrka guud Isniintii doraad Wasaaradaasi galo iyadoo uu halkaas ka bilaabay baadhitaan uu ku eegayo sidii loo isticmaalay miisaaniyadii wasaarada iyo dakhligii ay soo saari jirtayba, waxaana la filayaa siday dad xogogaal ahi sheegeen in arintani ay galaafato madax sarsare oo hada ka tirsan wasaarada iyo qaar kale oo hore u soo marayba.

Qaar ka mid ah shaqaalaha wasaarada oo aanu wax ka waydiinay arimahan ayaa masuuliyada musuqmaasuqa ku baahay waaxaha kala duwan ee wasaarada waxay dusha ka saareen Wasiirka Boobe Yuusuf Ducaale iyo Agaasimaha arrimaha Maaliyada ee Telefishanka Xasan Maxamuud Muxumed, waxaanay labadoodaba ku eedeeyeen inay ku shuraakoobeen ku takrifalka hantida wasaarada haday tahay kharashka ay dawladdu siiso iyo haday tahay dakhliga ay wasaarada lafteedu soo saartaba.

Madaxda waaxaha ay wasaaradu ka kooban tahay ayaa todobaadyadii u dambeeyey ku cabanayey inay hawlihii warfaafinta gudan kari waayeen kharash iyo dayactir qalab la’aantood awgeed.

Ilo xogogaal ah ayaa sheegay wasiir Boobe oo adeegsanaya beer-laxawsi qabyaaladeed shalay galinkii dambe bilaabay inuu culays ku saaro qaar ka mid ah masuuliyiinta wasaarada sida Agaasimaha Telefishanka Axmed Saleebaan Dhuxul si ay uga noqdaan shaqo ka tagis ay ku hanjabeen inay ku kici doonaan hadii madaxda sarsare ee dalku waxba ka qaban waayaan arimaha musuqmaasuq ee ragaadiyey hawlihii ay warfaafinta dawladu qaban jirtay.

Wasaarada Warfaafinta ayaa ka mid ah wasaaradaha ay dawladu u qoondayso lacagaha ugu badan, iyadoo sanadkan loogu talo galay Miisaaniyad gaadhaysa $4.5 dollar taas oo $3 Milyan oo dollar ay kaga hagaagtay Telefishanka Qaranka.

Telefishanka Qaranka Miisaaniyad Sanadeedka ay xukuumadu siiso waxa u dheer lacago farabadan oo ka soo gala Barnaamijyo xayeysiis ah oo laga sii daayo.

Hase yeeshee iyadoo ay wali lix bilood ka hadhsan tahay miisaaniyadii loo qoondeeyey wasaarada warfaafinta ayaa hadana waxa durtaba haawanaya Madax Xisaabeedyadii Miisaaniyada iyadoo lagala baxay Lacagihii ku qornaa, isla markaana ma jirto wax dhigaal ah oo Telefishanku uga biiray dakhligii soo gali jiray.

Cabdi Caziiz Ismaaciil Liqe
Cadceed.com,Hargeysa Office.

Comments are closed