Diyaarad Dhawr Iyo Toban Sano Taalay Madaarka Boorama Oo Iskaraab Ahaan Loo Iibiyay
Aug 6, 2012 Borama (Cadceed) – Diyaarad dhawr iyo toban saano taallay madaarka Boorama ayaa iskaraab ahaan looga iibiyey dal deris ah.
Diyaaraddan oo madaarka Boorama soo fadhiisatay xukumaddii Marxuum Cigaal, ayaa loo qabsaday lacag deyn ah oo ay ku lahayd shirkad jaadka ka baayacmusharayn jirtay wakhtigaasi, taas oo ay maalkeeda iska lahaayeen ganacsato reer Boorama u badan .
Shirkaddan oo u gudddoomiye u ahaa Muwaadinka Axmed Sheekh Faarax Cadar Kaddib,ayaa wakiil ka ahaa iibka jaadkaasi ee dalka Itoobiya kaddibna markii shirkaddaasi ay joojisay qaadkii ay u iibgeyn jirtay bariga Somaliland iyo maamul goboleedka haatan loo yaqaan Puntland ay mulkiilayaasha diyaaraddaasi musuqmaasuqeen lacagtii loo soo celin lahaa ganacsatada, waxana khasaare ballaadhani soo gaadhay shirkaddaasi, lacagtiina uu damiin ka ahaa Axmd Sheekh Faarax na isaga ku go’day.
Diyaaraddan oo laga soo kireystay dalalkii Ruushka ka hadhay, gaar ahaan dalka kazakhsataan,ayaa markii ay ku soo laabatay Boorama iyadoo ka timi Boosaaso muwaadiniin reer Boorama ahi ku qabsadeen madaarka Boorama ,waxayna mulkiilayaashii shirkaddaasi ee reer Boosaasana iska diideen inay lacagtii soo celiyaan ,sidaa ayaan diyaaraddaasi madaarka Boorama u fadhiday wakhtigaasi .
Sida warku sheegeyo iibka diyaaraddan laga iibiyey dal deris ah ,ayaa la soo mariyey dawladda Somaliland, lamana oga qiimaha la kala siistay balse dad ku dhaw dhaw madaarka ayaa noo sheegay inay ku dhawdahay 13kun oo doolar.
Labada maalmood ee soo socda ayaa laga yaabaa in diyaaraddaasi wixii ka hadhay lagu raro gaadiid waaraad ah oo ay wateen cidda iibsatay