|

Dhowr Iyo Toban Xildhibaan Oo Wasiirka Macdanta Iyo Biyaha Ku Eedeeyay Inuu Mashaariicda Biyaha Ee Dalka Loogu Deeqo Ku Isticmaalo Qabyaalad Cad Oo Ku Salaysan Eex Iyo Takoorid, Kuna Baaqay In Xilka Laga Qaado

Aug 12, 2012 Hargeysa (Cadceed) – 14 xildhibaan oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada iyo Guurtida ee beesha habar yoonis, lagana soo doorto gobolada Maroodi-jeex, Togdheer, Sanaag, Saaxil Iyo Sool, ayaa Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ugu baaqay inuu si deg-deg ah xilka uga qaado wasiirkiisa Wasaarada Macdanta, biyaha iyo Tamarta Eng Xuseen Cabdi Ducaale oo ay ku eedeen uu dastuurka iyo shuruucda dalka ku tuntay.

Mudanayaashan waxay wasiirka Macdanta ku eedeeyeen inuu tan iyo markii xilka wasaaradaasi loo dhiibay uu ku shaqeynayey eex iyo takoorid, isla-markaana uu bulshada gobolada dalka u kala eexanayey isla-markaana uu si toos ah mashaariicda biyo galineed ee bulshadu u dhaxayso uu 53 % u qoondeeyay, taasi oo ay ku tilmaameen mid ka soo horjeeda sharciga iyo nidaamka maamul ee dalka ka jira.

Mudanayaashan oo shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa mid mid u sheegay falal ay ku macneeyeen inuu wasiirku ku kacay, kuwaasi oo muujinaya in shaqada wasiir Xuseen Cabdi Ducaale shaqadiisu ku qotonto qabyaalad iyo kala qoqobid.

Qoraal dheer oo ay shirkooda jaraa’id ka akhriyeen xildhibaanadani ayaa lagu faahfaahiyey eedaymaha ay wasiirka u jeediyeen, qoraalkaasi oo ay ku soo bandhigeen sida wasiirku Ceelashii riiga ahaa ee dalalka Imaaraadka Carabta iyo Kuwayt dalka ugu deeqeen uu intooda badan amray in laga fuliyo deegaanada beeshiiu dalka ka degto “Wasiirka Macdanta, biyaha iyo Tamartu, mudadii uu xilka hayey wuxuu ku dedaalay in mashaariicdii waxqabadka ee dhinaca biyaha uu deegaamada Somaliland kala qabyaaladeeyo, u kala eexdo, beesha uu ka soo jeedu uu Sad-bursi siiyo, beelaha kalena ka takooro waxqabadka biyaha, iyaddoo aynu ognahay inay biyuhu yihiin aasaaska nolosha aadamaha oo ka takoorida waxqabadka bulshada haraadan ay ka dhigan tahay kala dagaalanka nolosha”

Xildhibaanadani sidoo kale waxay qoraalkooda ku sheegeen “Qaabka uu wasiirku u qaybiyey ceelashii Imaaraadku ugu deeqay JSL, Ceelasha riiga ee Imaaraadka Carabta (UAE) ugu deeqay dalka oo gobolka Togdheer loo qoondeeyay lix ceel oo riig ah, dhammaan waxa uu wasiirku amray in laga qodo bariga oo ah degmada ay degto beesha uu ka soo jeedaa, isagoo deegamada kale ee gobolka Togdheer ka takooray waxqabadkaa, si beeshiisu sad-bursi ugu hesho deeqdaa biyaha”ayay ku yidhaahdeen qoraalkooda, kaasi oo intaa ku daray “Ceelasha riigaga ah ee boqortooyadda Kuwayt dalka JSL, oo ahaa 16 ceel oo Riigag ah, wasiirku wuxuu u qoondeeyay 9 ka mid ah deegaanka beeshiisa, 5-ta soo hadhayna waxa uu u qaybiyey deegaanada Somaliland intooda kale”

Mudanayaasha Wakiilada iyo Guurtidu waxa kale oo ay tilmaameen in wasiirku Mashaariicda biyaha ee hay’adda Unicef sanadkan ugu tallo-gashay dalka uu intiisi badnayd qabyaaladeeyay “Wasiirku wuxuu u gudbiyay hay’adda UNICEF oo ah hay’adda ugu weyn ee Somaliland xagga biyaha ka taageerta in lixda bilood ee hore ee sanad 2012 inay ka fuliso mashaariicda biyaha 17 goobood, kuwaasi oo wasiirku u qaybiyey gobolka 4 goobood oo dhammaan ay degto beeshiisu, Saaxil 3 goobood oo laba ka mid ah beeshiisu degto, Awadl 6 goobood oo afar lughaya ay yihiin, midna Saylac yahay, Maroodi-jeex 4 goobood, halka Sanaag iyo Togdheer-na midna aanu qorshaha waxba kaga darin, taasi oo ka dhigaysa in 17 mashruuc 6 ka mid ah uu deegamada beeshiisa u qoondeeyay”ayay yidhaahdeen, iyagoo intaa ku daray “Wasiirku wuxuu u gudbiyey hay’ada UNICEF oo ah hay’adda ugu weyn ee Somaliland xagga biyaha ka taageerta in lixda bilood ee dambe ee sanadkan 2012 inay ka fuliso mashaariicda biyaha 17 goobood, kuwaasi oo 12 ka mid ah uu u qoondeeyay deegaamada beeshiisu degto (Eeg Water Priority to Unicef Phase II), taas oo ka dhigtay waxqabadka biyaha ee sanadkan 2012-ka in beesha Wasiirku ka helayso in ka badan 53%, halka Ceelasha dhaadheer ee Kuwayt iyo Imaaraadku bixiyeen beeshiisu ka helayso 15 ceel oo riigag ah, halka aanay beelo kale oo waaweyn oo shan gobol deggaa aanay waxba ka helin ee deegaamadooda waxqabadkii biyaha laga takooray, Wasiirku Mudadii uu xilka Wasaarada hayey wuxuu kala dagaalamay deeganada shan gobol ee lanaga soo doorto iyo Sool iyo Sanaag bari, inkasta oo deegaano kale la qabaan waxqabadka biyaha, wuxuu dadka ka soo jeeda deegaanadaa ka joojiyey ruqsadaha la xidhiidha biyaha, Macdanta iyo Tamarta”

Xildhibaanadani waxa kale oo ay tilmaameen in wasiirku is hortaagay Ceelal biyood oo la doonayey in laga qodo Boho, mid kale oo laga qodayey Xaafada Koosaar ee Burco, isaga oo xidhay riigii Imaaraadka oo qodaya, sidoo kalena waxay tilmaameen inuu diiday in ceel biyood loo qodo iskuulka boodhinka ah ee Cali Ciise ee gobolka Togdheer.

Xildhibaanadani waxa kale oo ay sheegeen inuu faro-galiyey heshiis maamulka Burco la galay shirkadda NAAFUURA, kaasi oo la xidhiidha biyaha Burco, sidoo kalena waxay xuseen in wasiirku shaqadii ka eryay shaqaalahii iyo masuuliyiinta khibrada lahaa ee wasaarada isla-markaana ku bedalay dad ay isku hayb yihiin.

Mudanayaashani waxay Madaxwaynaha u direen fariintan “Waxaanu Madaxwaynaha ugu baaqaynaa inuu si deg-deg ah xilka uga qaado oo uu falalkaasina kula xisaabtamo oo uu sharciga mariyo, haddii wax ka qaban waayo dastuurka, sharci ku tumashada iyo kala kaxaynta bulshada uu Madaxwaynuhu u dirtay oo uu kaga raali yahay”ayay ku yidhaahdeen qoraalkooda oo dheeraa

Magacyada Xildhibaanada Habar-yoonis

1. Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Xoog)

2. Xildhibaan Jaamac Xasan Aaden.

3. Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari)

4. Xildhibaan Maxamed Saalax Cigge

5. Xildhibaan Xuseen Cigge.

6. Xildhibaan Cali Xaaji Maxamed.

7. Xildhibaan Cabdiqaadir Askar.

8. Xildhibaan Xaashi Xuseen Caabi

9. Xildhibaan Ibraahim Dhaadheere

10. Xildhibaan Cumar Nuur Waaye.

11. Xildhibaan Siciid Cabdilaahi.

12. Xildhibaan Ibraahim Aw Nuur Jiciir.

13. Xildhibaan Farxaan Ciise Ubaxle.

14. Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye.

Cadceednews, Hargeysa

Comments are closed