|

Cabdiraxma​an Cirro Siyaasi U Hiiliya Horumarka. By Mukhtar Cilmi By Mukhtar Cilmi

Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro) waa siyaasi muwaadin dhab ah dhawraana nidaamka distoorka iyo shuruucda Somaliland, waa siyaasi fikirkiisu ku saabsan yahay horumarinta hanaanka dimuqraadiyada ka jirta waddankeena, iyo sugida xuquuqda dastuurka Somaliland iyo kaa muwaadinku u leeyahay,aaminsan na ilaalinta karaamada shacabweynaha, mar walbanaa heegan uu ah difaaca qaranimada Somaliland, aaminsan xoriyada iyo nidaamkeeda ,shacabkuna oo xaq u leeyahay taas.

Mudane Cabdiraxmaan Cirro waa siyaasi ka mid siyaasiinta ka shaqeyay habka dimuqraadiyada Somaliland ee manta ku faanto, oo uu soo halgmay halgan dheer,xaga fulinta qawaaniinta amba fikirkiisa siyaasadeed, waana siyaasi aad u dadaal badan oo laab ka xaadhan xumaan, mar walbana fikirkiisu ku saabsan yahay sidii horumar weyn Somaliland u gaadhi lahayed.

Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro waxa lagu tilmaama shakhsiyaad doblumasiyadayd ,dabeecadna leh wanaagsan iyo soo dhaweesi, waxa kugu filan xafiiskiisa oo ku qaabilo muwaadiniinta mar walbana oo albaabkiisu uu furan yahay shacabweynaha , inta rag kale oo siyaasiyiin ah albaabkooda ka xidhan yahay muwaadiniinta.

Ruunti Mudane Cabdiraxmaan Cirro waa siyaasi uu soo wado Somaliland waxaabo fara badan oo aasaasi u ah ka mid ah , horumar ,Caddaalad , Kobcin kara dhaqaalaha waddanka, iyo kor u qaadis ta horumarka noolasha muwaadiinka Somaliland, ruunti naa waa maksab weyn ee Somaliland haysato maanta.

By Mukhtar Cilmi

khadar2244@hotmail.com

Comments are closed