Anigoo Aarsan Karaaya Duco Qaadan Maayo Ee Qorigu Digta Hay Rido Waa Hadaladii Muuse Biixi 1994. Mahamed Kaahina Waa Ragii Burco Dabka Ku Qabtay Ee Dagaalka Sokeeye Dhex Dhigay. By Ahmed M Samatar
Waxaan aad u salaamaya umada somaliland meel kastay jogaanba iyo dhamaan asxaabtayda dunida dacaldeeda dhamaantiinba ramadaan kariim, waa bil ramadaan maan doonayn inaan wax qoro lakiin waxaan aad ula yaabay rag waawayn oo qiiro qaaday oo aad moodo in la joogo wadan aan kala danbayn lahayn oo u hadlaaya si ka baxsan anshaxa siyaasada aana lagu tilmaami karin siyaasiin, sababtoo qofkii siyaasi hufan ah ee xukuumada toosiya lama dhibsadee talada waa laga qaata haduuba idin toosiyay wuu idiin hiiliyay.
Waxa hubaal ah iyo markhaati madoon ah in tariikhda somaliland la hayo nin walba
halkuu kaga jiro oo la garanaayo kii isku diraayay beelaha somaliland ee dhibaatada kala dhexdhigaayay muuse biixi intuu rag nadiif ah canbaraynaayo oo leeyahay qabiil baad u tafaxaydatay waxuu ahaa ninkii lahaa maalintii illahay haw naxariistee ina CIGAAL ku yiri nabada ayaa somaliland u dan muuse biixi waxuu ku jawaabay umada somaliland way ogtahay wayna garanaysaa waa ninkii yiri isagoo xalaashanaaya dhiiga reer somaliland oo beelaha isku diraaya ( ANIGOO AARSAN KARAAYA DUCO QAADAN MAAYEE QORIGU DIGTA HAY RIDO ) waa tariikh cad oo marag madoon ah shacbiguna ay markhaati ka yihiin ragaad canbaraynayso dagaal sokeeye kamay qayb qadan umaday dawayn jireen markaa maxaa ka xun arinkaa lakiin hogamiyayaasha xisbiyada kale kumay dagaalamin qabyaalada iyo beel ahaan lakiin adigu waad ku dagaalantay qorina waad u qaadatay maanta hadaad hesho cod oo somaliland aad is tiraahdo hogaami nin waliba wuu ku garanaaya markaa uma malaynaayo in dadkani cod ku siinayaan waayo ma indha la way fahmayaan waxii sax ah iyo waxii khaldan, Mohamed kaahina mid baan leeyahay 2002 ayaad ka hadashay 20 sano somaliland dhisnayd waxaad tahay ragii wadanku ka degi waayay ee dadka isku qorqoryaynayay ee dabka isugu dhiibayay waxa markhaati ka ah dagaalkii burco sarkaalkii hogaamiyey beelaha walaalaha isku dirayay ee jiida hore ku jiray inaad adiga ahayd markaa dadkan uma dhuumanaysid meeshana siyaasad baa laga hadlayaa ee hadii tariikhda aad dib ugu noqoto oo dad kaa nadiifsan kaa sharaf badan aad canbarayso dadka ugu horeeya ee boogta leh ee dhiiga qubay ka kow baad tahay markaa malaa halkii iyo dabkii ayaad u socotaaye somaliland iyo shacbigani xiligii laysku dili jiray way ka koreen waana dad fiican oo sharaf leh hadalkaaga waxa ka soo qaad ma leh.
Umada somaliland waxaan u soo jeedinayaa inay ilaashadaan nabada iskana ilaaliyaan
(FICTION LEADERS) dab kala dhex dhiga
Wabilaahi towfiiq
Ahmed M samatar
amsamatar1@hotmail.com