Home » August 31st, 2012 Entries posted on “August, 2012”

Madaxweyne Siilaanyo Oo Wasaarada Warfaafinta U Magacaabay Wasiir Cusub, Telefishanka Qarankana U Sameeyay Xeer Madaxbanaan + Xilal Cusub

sil

Aug 31, 2012 Hargeysa (Cadceed) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa magacaabay wasiirka warfaafinta, Wasiir ku xigeenka iyo afhayeenka madaxtooyadda. Warsaxaafadeedkan oo ka soo baxay xafiiska Afhayeenka madaxtooyadda ayaa u dhignaa sidan: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto madaxweyne No: JSL/M/XERM/2491283/082012 Xilal kala duwan ugu magacaabay […]

Posted in Maxaa Cusub,Somali News Update | Read More »

Shirkada Dahabshiil Group Oo La Gudoonsiiyay Shahaado Sharaf Kadib Markii Ay Noqotay Shirkadii Ugu Maalgashiga Badnayd Carwadii Bandhiga Ee Dhawaanto Laga Furay Hargeysa.

C. D

Aug 31,2012 Hargeysa(Cadceed) – Shirkadaha Dahabshiil Group ayaa noqotay shirkadda kaalintii ugu waynayd ka qaadatay hirgelinta carwadii muddada laba maalmood ah uga socotay huteelka Maansoor hay’adaha kala duwan ee waddanka ku sugan iyo kuwa maxalliga ah, taas oo ay ku soo bandhigayeen waxqabadkooda. Carwadaasi oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, lana soo gebogabeeyey shalay, […]

Posted in Maxaa Cusub,Somali News Update | Read More »

Xarunta Akhriska Ee Maskaxmaal Oo Ku Qabtay Borama Barnaamij La Magacbaxay Qadari Qofkaaga Qiimaha Leh, Shahaadooyina Gudoonsiiyay W. Madaxtooyada Iyo Masuuliyiin Kale(Cadceed Tv).

SAM_0006

Borama(Cadceed) – Masuuliyiinta xarunta akhriska ee Maskaxmaal magaalada Boorama ee xarunta gobalka Awdal waxaa ay shahaadooyin masuuliyiin uu ka mid ahaa wasiirka madaxtooyada Somaliland mudane Xirsi, Abwaan Hadraawi iyo xubna kale halkan ka daawo sida ay u dhacday munaasibadani.

Posted in Cadceed TV,Maxaa Cusub,Somali News Update | Read More »

Lafdhan Jananka Diidaa Xabsiguu Liinta Ku Cabaa by Faiza Nuur

boobe2

Warbaahinta sharafta le ee Cadceednews iga gudooma salaaan diiran: Lafdhan Jananka Diidaa Xabsiguu Liinta Ku Cabaa Sidaa waxa ka dhigan Ahmed Yussuf Duaale ( Boobe ) oo codsigii Madaxweynaha diidey in uu shaqada ku soo celiyo labada agaasime ee uu eryey. Boobe waa nin weyn oo maanta caqli u hadhey ma jiro, hadaba waxa is […]

Posted in Articles | Read More »

Somaliland waxaa hogaaminay​a ruugcadaa siyaasadee​d ee yaan la maqlin nin xilkiisii ka soo bixi waayey xilkuna waa meerto.!!!​!!

Abdi-Camuud-2-600x399

waxaan salaamayaa warbaahinta sida fiican noogu kala tebisa wararka Intaasi kadib waxaan jecel ahay in aan in yar ka idhaahdo arimodhawr ah oo warbaahintu baryahan danbe qaadaa dhigaysay oo ah awood ka qaadida xubnaha dawlada iyo kuwa madaxa banaan marka hore xil kaqaadista waxaa iska leh madaxweynaha qaranka oo distoorku siinayaa marka labaad madaxweynuhu wuxuu […]

Posted in Articles | Read More »

Gudiga Doorashada Madaxweynaha Oo Shaaciyay Wakhtiga La Qabanayo Doorshada Madaxweynaha Soomaaliya

DSC012661

Aug 31, 2012 Muqdisho(Cadceed) – Afhayeenka gudiga doorashada madaxweynaha Cismaan libaax sheegay in doorashada madaxweynaha Soomaaliya la qaban doono 10-bisha soo socota ee September, isla markaana diiwaan galinta musharixiinta ay bilaan doonto kowda bisha soo socota. Sidoo kale wuxuu sheegay cismaan Libaax in maalinta barito ah ay gudiga mar kale kulan yeelan doonaan ay ka […]

Posted in Maxaa Cusub,Somali News Update | Read More »

Daawadayaal Waxaan Halkan Idiinku Soo Gudbinaynaa Bandhig Faneed Aad U Xiisa Badan Oo Ay Ka Qayb Qaadanayaan Fanaaniintii Hore, Kuwii Dhexe Iyo Kuwii Dambe Oo lagu Qabtay Borama.

ciida

Aug 31, 2012 Borama(Cadceed) – Daawadayaal waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa Bandhig Faneed aad u xiisa badan oo ay ka qayb qaadanayaan fanaaniintii hore, kuwii dhexe iyo kuwii dambaba.Waxaana Inoo Daadihinaysa wariyaha caanka ah ee nimco Samriye oo ka mida wariyayaasha ka hawlgala HCTV ee daawasho Wacan

Posted in Articles | Read More »

“Anigu Hore Ayaan U Sheegay Haddana Waan Sheegayaa Inaan Boobe Ku Idhi Markii Xilka Loo Dhiibayey Waar Waxaan Ogahay Inaad Xirsi Kabo-qaad U Noqonayn Oo Kolay Xilka Waa Lagaa Qaadayaa” Cali Guray

cali44

Aug 30, 2012 Hargeysa (Cadceed) – Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo ah Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa ka hadlay xil ka qaadista Madaxwayne Siilaanyo ku sameeyay Wasiirka Warfaafinta iyo wacyi-galinta Somaliland Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe). Cali Guray, waxa uu sheegay inuu Boobe Yuusuf Ducaale uga digay xilka hadda […]

Posted in Maxaa Cusub,Somali News Update | Read More »

Gudida Abaaraha Gobalada Awdal Iyo Salal Oo Deeq Lacaga Ka Gudoomay Qurbajoog Ka Soo Jeeda Somaliland(Cadceed Tv).

hh

Borama(Cadceed) – Gudida abaaraha gobalada Awdal iyo Salal ayaa ka gudoomay qurba joog u dhashay Somaliland oo ugu talagalay in ay walaalahooda abaaruhu barakiciyeen ee ku sugan buuralayda iyo xeebaha gobalada Awdal iyo salal deeqdan oo uu wakiil ka ahaa mid ka mida Boqorada Somaliland halkan ka daawo sida looga gudoomay.

Posted in Cadceed TV,Maxaa Cusub,Somali News Update | Read More »

Dr. Rooda Ibraahin Rijaal Oo Tirisay Buraanbur Ka Ilmaysiiyay Dadkii Ka Soo Qaybgalay Xidhitaanka Shirkii TOL (Cadceed Tv).

DSC00135

Aug 30, 2012 Borama(Cadceed) – Intabadan haweenku waxaa ay ka hadlaan isku soo ururinta iyo walaalaynta dadka wadadhashay ee kala tirsanaaya godobaha, maantana waxaa ay cadaysay Dr. Rooda Ibraahin Rijaal in qabyaaladu ay xuntahay ayna kala gayso Hooyo, Ilmaheeda iyo Abtiyaasheed, hadaba halkan ka daawo.

Posted in Cadceed TV,Maxaa Cusub,Somali News Update | Read More »