|

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Dhagax-dhigay Mashaariic Lagu Hormarinaayo Wasaaradiisa Oo Laga Fulinaayo Xarunta W. Ee Hargeysa.

July 31,2012 Hargeysa(Cadceed) – Wasiirka warfafinta Somaliland Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale(Boobe) ayaa manta dhagax dhigay mashaariic doora oo iskugu jira dhismayaal,dib u habayn iyo waliba qalabayn oo ay bixisay hay’’ada USAID lagana hir galinayo xarunta wasaarada warfaafinta iyo wacyi gelina Somaliland.

Wasiirka oo ka hadlay munaasibada hir gelinta mashaariicdan ayaa waxa uu sheegay in mashaariic balaadhan ay maalinta bari ah si rasmya u bilaabmayso fulintoodu kaas oo ay ka koobnaan doonaan qol balaadhan oo ay wariyayashu wax ku diyaarsan doonaan,laba xafiis oo masuuliyiinta wasaaradu isticmaali doonaan,dib u habayn lagu samayn doono studio-yaha koowaad ee idaacada,qolka kaydka hadalka cajaladaha ee idaacada oo la dhisay sanadkii 1941kii kaas oo la doonayo in hada loo badalo habka casriga ah iyo laba studio oo uu yeelan doono telefishanka qaranku.

Sidoo kale wasiirku waxa uu cadeeyey inay ka mid yihin qaybaha qalabaynta xafiisyo laga dhisi doono wasaarada iyo qaybta sugida amniga oo albaabada wasaarada iyo meelo kale oo gudaha ahba lagu rakibi  doono qalab casriya oo dhinaca amniga la xidhiidha.

Ugu danbayntii wasiirku waxa uu mahad naq balaadhan u soo jeediyey hay’’ada bixisay mashaariicdan ee USAID iyo hay’’ada kale ee IOM halka uu wasiirku si gaara ugu mahad naqay agaasimaha waaxda qorshaynta ee wasaarada warfaafinta.

Wasiirku waxa uu balan qaadday inay sii wadi doonaan horu marinta wasaarada iyo guud ahaanba gudashada masuuliyada ay qaranka u hayaan, waxaanu hoos u dhigay inuu wax ka sheego dad uu sheegay inay caadaysteen inay warbaahinta ku qoraan warar been abuur ah waxaanu sheegay inaanay dan iyo muraad ka lahayn dadkaasi horu marinta wasaarada warfaafinta ee Jamhuuriyada Somaliland.

Warqabadka Cadceed.com

Hargeysa, Somaliland.

Comments are closed