Wasiirada Wasaaradaha Beeraha Iyo Maaliyada Oo Kormeer Ugu Jira Sidii Ay Cashuuraha Laga Qaado Beeralayda Loo Dardar Galinlahaa.
July 12,2012 Hargeysa(Cadceed) – Wasiirrada Maaliyada Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Beeraha Faarax Geedoole ee Somaliland ayaa maanta kormeer hawleed oo la xidhiidha hirgalinta Cashuuraha beeraha waxay ku soo mareen deegaanka Degmada Laasgeel.
Wasiirka Wasaarada Maaliyada ee Somaliland Mudane C/casiis Maxamed Samaale ayaa ka waramay iskaashiga ka dhexeeya labada Wasaaradood ee Maaliyada iyo Beeraha,waxaanu xusay inay ku hawlan yihiin horumarinta beeraha wadanka,iyo sidii ay u diiwaangelin lahaayeen.
Md Samaale mar uu ka hadlayay arrimaha dakhli soo saark oo uu xusay inay waajib tahay sidii gacmaha la isugu qabsan lahaa soo xeraynta cashuuraha kala duwan ee xukuumada dhexe,waxaanu intaas ku daray in beeruhu ay yihiin mid ka mid ah ilaha wax soo saarka dhaqaale ee dalka.Wasiirka Maaliyadu waxa uu sheegay in qofkasta oo beeroley ah laga rabo inuu sharciyad samaysto isla markaana uu bixiyo cashuurta ku waajibtay.
Wasiirka Wasaarada Beeraha ee Somaliland Prof. Faarax Cilmi Geedoole ayaa dhiniciisa ka sheegay in la gaadhay wakhtigii ay dadka wax soo saarka dalaga beeraha ku hawlani ku qaadan lahaayeen Shahaadada Sharciyaynta ,iyadoo la isticimaalayo sida uu xusay habka kala xadaynta Satalaytka.
Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Maroodi Jeex,Duqa Degmada Laasgeel iyo masuuliyiinta deegaamadaas ayaa soo dhaweeyay talaabadan ay labada wasaaradood ku hawlan yihiin,waxaanay sheegeen inay diyaar u yihiin inay mudo 15 Maalmood gudahood ah ay ku bixin doonaan.
Weftigu waxay markaas kadib kormeer ugu kicitimeen beeralayda degmada Daarasalaam oo ay hawl gal ku wajahan fahamsiinta beeralayda ee qaadashada Shahaadada beeraha iyo bixinta cashuuraha ay ka soo samayn doonaan.Waxa labada wasiir socdaalkan ku wehelinayay, Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Maroodi-jeex, agaasimayaal ka tirsan Wasaaradaha beeraha, Maaliyada,Masuuliyiin ka socday degmada Laasgeel iyo qaar ka mid ah madaxda Tuulooyin kale oo ay ka mid yihiin Jaleelo iyo Xunbo Weyne.
Warqabadka Cadceed.com
Hargeysa, Somaliland.