Wanaaga Iyo Quruxdu Maaha Ta Afka Laga Sheego Ama Guudka Laga Arko (xigmad)
Boqor ayaa maalin soo iibsaday labo nin oo adoomo ah, mid ayaa aad u qurux badnaa midka kalena wuu fool xulmaa. Kadib markii ay qasrigiisa yimaadeen ayuu kii quruxda badnaa u diray in uu soo maydho. Intii uu maqnaa ayuu ku jeestay kii foosha xumaa, kuna yidhi: “saaxiibkaa wuxu ii sheegay in aad nin xun oo tuug ah tahay ee ma runbaa”? Adoonkii ayaa ku jawaabay: “Boqorow, ninkaa saaxiibkay ah waa nin aad u qurux badan, u malayn mayo in uu qalbigiisu madowyahay ee balse hadii uu xumaan igu sheegay laga yaabo in aan anigu xumahay. isaga ayaa xun odhan maayo.” Kii soo maydhanayay ayaa yimid, kii foosha xumaa ayaana badalay. Intii uu maqnaa ayuu boqorkii yidhi: “Saaxiibkaa wuxu ii sheegay in aad nin xuntahay, oo waliba aad tuugnimo ku darsatay ee maxaa ka jira”?
Ninkii ayaa qaylo ku dhuftay isaga oo cay ooda kaga qaaday saaxiibkii, kuna tilmaamay xumaan dhamanteed. Boqorkii ayaa ogaaday dabciga iyo akhlaaqda labada nin, gartayna quruxi in ay tahay mida qalbiga ee ayna ahayn mida muuqata. Markii ninkii foosha xumaa la waydiiyay in ay run tahay in uu nin xunyahay maadaamo saaxiibkii sidaa sheegay, wuu diiday in uu eedeeyo saaxiibkii, isaga ayaana xumaan isku tilmaamay. Balse markii quruxbadnaa xumaan laga sheegay, lawaydiiyayna in ay jirto xumaantaasi, isaga oo aan hubsan ayuu eedayn dusha ka saaray saaxiibkii. Boqorkii ayaa amaanay ninkii foosha xumaa, xoriyadna siiyay, halka kii kale laga caanantay, adoona uu sii ahaa. Sidaa daraadeed Wanaaga iyo quruxduba mida muuqata ama afka laga sheego maaha
Sahra Axmed Bulxan
Hargeysa, Somaliland