|

Tartankii Ramadaanka Oo Maanta Ciyaar Xiisa Badani Ku Dhexmartay Labada Kooxood Ee Camuud Express Vs Kooxda Carwo Kooshin Oo Guushu Raacday

July 23,2012 Borama(Cadceed) – Waxaa maanta Kulamadii ka dhacay gagada ciyaaraha kubada cagta magaalada boorama ee kahyriyada oo kulmisay labada kooxood ee  kala ah kooxda kubada cagta ee camuud express iyo kooxda carwo kooshin oo halkaasi ku soo bandhigay ciyaar aad u saraysay oo dadweyneaad u badan daawanaayeen ayaa  ahaa noociisan ahaa mid ka mid ahaa kulamdii ugu adkaa ee ka socda garoonka weyn ee khayriyada.

Ciyaarta waxaa lagu furay ciyaar aad u hufan oo kooxda carwo kooshin oo keentay goolkeedii koowaad isla daqiiqado ka dibna lagaga dhigay 1-1 oo ciyaarta galinkeedii horeba sidaas lagu kala nastay.

Galinkii dambe ee ciyaarta ayaa la isku soo laabtay waxaan goolkii guusha keensatay kooxda carwo kooshin oo awood u sheegatay kooxda camuud express waxaana labadaas gool dhaliyay wiilka weerarka uga ciyaaraayay kooxda carwo kooshin kaga dhigtay 2-1 oo baqdin ku abuurtay kooxda camuud express sidaana waxaa ku dhamaaday kulankii maanta ka qabsoomay garoonka kubada cagta ee khayrida.

Reporter: Liibaan Axmed(Liimo)

Editing Maxamed C/lahi (Dabshid).

Cadceed.com Borama Office.

Comments are closed