Roobab Laxaadle Oo Ka Da’ay Fiidkii Maanta Hargeysa Oo Xukuumada Somaliland Ka Hadashay Khasaarihii Ka Dhashay
July 24,2012 Hargeysa(Cadceed) – Xoghayaha gobolka Maroodi-jeex Xamse Ciise Cabdi ayaa sheegay in roobabkii caawa fiidkii ka da,ay magaalada hargaysa inay ka qaadeen jiingahidii shan iyo toban guri oo ku yaala Degmada Axmed Dhagax Gaar Ahaana Xaafada Sheekh Muuse Ducaale, halka Afar Qofna ay ka soo gaadheen dhaawacyo .
Xoghahayaha Gobolka Maroodi Jeex oo khadka telifoonka ugu waramayey Wakaalada Wararka Somaliland u baahisa ee SOLNA ayaa intaasi ku daray in afartan qof ee dhaawacyadu ka soo gaadheen roobabkaasi in laba ka mid ah oo uu dhaawacoodu culus yahay lagu daweynayo cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa .
Waxaana Xoghayuhu uu intaasi raaciyey in roobabka oo dabaylo watay in ay guryahaasi kala tageen jiingadihii isla markaana dadkii guryahaasi deganaa ay la soo daristay xaalad hoy la,aaneed loona baahan yahay in loo gurmado oo dawlada iyo hay’adaha caalamiga dadka islaamka ee maalqabeenaduba intuba ay ku caawiyaan wixii karaankooda ah.
Warqabadka Cadceed.com
Hargeysa, Somaliland.