Rasaas Xoogan Oo Sababtay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo U Dhaxaysay Ciidmada DKMG Iyo Xarakada Al-shabaab Oo Ka Dhacday Inta U Dhaxaysa Muqdisho Iyo Afgooye.
July 7,2012 Muqdisho(Cadceed) – Israsaaseynta sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa Ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya waxa ay ka dhacday inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye. Inta la’og yahay labo ruux ayaa ku geeriyootay halka mid kalena u dhaawac halis ah kasoo gaaray israsaseynta Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda KMG Soomaaliya ku dhexmartay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye gaar ahaan Nawaaxiga Jaamacaddii hore ee Beeraha.
Israsaaseynta ayaa la sheegay inay ka dambeysay kaddib markii askari ka tirsan Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya uu soo raacay gaari Market II ah islamarkaana wadihii gaariga uu ku wargaliyay in uu dhaafiyo Jagboynti yaalla halkaasi, taasina ay sababtay in Ciidamadii ku sugnaa fariisinkaan ay ka shakiyaan gaariga, islamarkaana halkaasi ay ka dhacday isrsaaseyntaasi.
Labada ruux ee geeriyootay ayaa mid ka mid ah waxa ay aheyd Hawaanay kuwa wajahneyd Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay halka qofkalena uu ahaa wadihii gaariga Market-ka sida Shabkada cadceed uu uxaqiijiyay mid ka mid ah dadka deegaanka ah.
Israsaaseynta kaddib ayaa waxaa goobta gaaray dadka deegaanka ah oo gurmed ballaaran u fidiyay labada ruux ee geeriyootay iyadoo qofkii dhaawacmay dib loogu soo celiyay Magaalada Muqdisho si loo dabiibo,waxaana dadka ku sugan halkaasi ay ka codsadeen Dowladda inay wax ka qabato ammaank inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye oo ay sheegeen in uu yahay mid faraha kasii faraha kasii baxaya sida ay hadalka u dhigeen.
Maalin ka hor ayay aheyd markii Ciidamo ka wada tirsan Dowladda KMG Soomaaliya ay isku rasaaseeyeen degmada Hodan ee gobolka Banaadir taasi oo dhalisay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soogaaray dad rayid ah iyo askartii dagaalantay.
Wariye: Farxaan Maaskaro.
Muqdisho, Soomaaliya