Ra’iisal-wasaare Ku-xigeenta Turkiga Oo Booqday Muqdisho Iyo Safarkiisii Somaliland Oo Aan Weli La Qorshayn

July 18, 2012 Muqdisho (Cadceed)- Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Ra’iisal-wasaare-ku-xigeenka Turkiga Mr. Bakar Bosdag, ayaa ka degay shalay magaalada Muqdisho, iyagoo halkaas kulamo kula yeeshay madaxda sare ee dawladda ku-meelgaadhka ah ee Soomaaliya, balse waxaan ilaa hadda la qorshayn mudada ra’iisal-wasaare-ku-xigeenku iman doono Somaliland.
Ra’iisal-wasaare-ku-xigeenka dalka Turkiga oo saxaafadda ugu warramay Madaarka magaalada Muqdisho shalay, waxa uu sheegay in ujeeddada safarkoodu la xidhiidho kormeerka mashaariic fara badan oo dawladoodu ka wado Xamar iyo hirgelinta mashaariic cusub, kuwaasoo ay fulintooda wadaan hay’ado Turki ah, isagoo isla shalayba dhagax dhigay dhismaha laanta duulista iyo saadaasha hawada ee garoonka Aadan Cadde oo ay maalgelineyso dawladdiisu
“Ujeeddada aan u nimi markale magaalada Muqdisho waa sidii aan u dardargelin lahayn mashariicda isugu jira dib-u-dhiska, caafimaadka iyo waxbarashada ee aan ka wadno Muqdisho, sannadkan dabayaqadiisana waxaannu dalka Turkiga u qaadi doonnaa arday tiradoodu gaadhayso 300 arday si ay halkaas wax ugu soo bartaan,” ayuu yidhi ku-xigeenka Ra’iisal-wasaaraha Turkigu.
Waxa kaloo uu sheegay inuu madaxda sare ee dawladda Sheekh Shariif wadahadallo kula yeeshay xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, isagoo Ra’isaal-wasaare Cabdi/weli Maxamed Cali uga mahad-celiyey dawladda Turkiga mashaariicda ay ka wadaan Muqdisho.
Dhinaca kale, waxa la filayey in ra’iisal-wasaare-ku-xigeenka dalka Turkigu booqasho ku yimaad Somaliland, iyadoo sarkaal ka tirsan wasaaradda waxbarashadda Somaliland uu hore u sheegay in ra’iisal-wasaare-ku-xigeenka Turkigu Somaliland booqasho ku iman doono 16 bishii July oo ku beegnayd maalintii Isniinta, balse arrintaasi may dhicin.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo Jamhuuriya khadka telefoonka kula xidhiidhay xalay si wax looga weydiiyo booqashada la sheegay in ra’iisal-wasaare-ku-xigeenka Turkigu dalka ku imanay, waxa uu tilmaamay in aanay labada dawladood ka wada shaqaynayaan waqtiga munaasibka ah ee booqashadaasi dhici karto.
“Somaliland iyo Turkigu waxay ka wada shaqaynayaan waqtiga ugu munaasibsan ee ay dhici karto booqashada ra’iisal-wasaare-ku-xigeenku, iyadoo loo eegayo hawlaha labada dhinacba u socda, waxaanan rajaynaynaa in booqashadaasi dhici doonto waqti suurtogal ah oo dhawaan ah si uu ra’iisal-wasaare-ku-xigeenku dalka u yimaad, ilaa haddan ma jirto muddo cayiman oo booqasha loo gooyey,” ayuu yidhi; Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland