|

Prof.Saleeb​anow Amaano Kugu Raagtay Xoolahaga Ayaa La Moodaa. Qalinkii – Xasan Axmed

Rabadan kariim dhamaanba umada islaamka. Aduunka maanta la joogo waxa ka sii dhamaanaya dictators wixii la odhan jiray waxa dhacay arab spring wax loogu yeedhay, kaas oo umada Carabta ahayd u noqday iftiin ka tuuray duli ay mudo badan u dul qaadanayeen; kuwaas oo hantidoodii iyo sharaftoodiiba meel kaga dhacay. waxay u diideen umadoodii in ay la jaanqadeen dhamaanba caalamka, waxay noloshoodii ka dhigeen mid ah cun cab seexo so toos. waxay noqden kuwo dhowr shaqsi ay ku tagri falaan dhamaanba hantidii dadweynaha. waxay lacagahooga dhigteen Bananka aduunka iyagaoo dadkii muwaadininta ahaa ka gaajoonayaan.

Hadaba meelkasta aduunka wuu ka joogaa dictator, maanta boorama waxaad arkaysaa in jaamacadii camoud ee ahayd hantidii reer awdal uu nin kali ah ku tagri falayo, waxa uu diiday in uu aqoontii jaamacada kala mid dhigo jaamacadaha kale ee dhigeeda xataa eelo university oo aad uga cimri yar ayaa talaabooyinka horumarka ah ee ay ku talaabsatay la qiyaasi karin. iyada oo macalimiin tayo leh ka keensada qaaradaha aduunka. halka camoud university ay ka dhigaan arday la mida ardayga dhiganaya.

iyada oo jaamacada camoud ay ku filnaanlahayd iska adeegeedee dhamaanba adeegyada gobolka awdal, sida wadooniyinka, hospitals ka, iyo mashaariic kaleba. waayo dakhliga semestarkii ka soo xeroodaa waa lacag dhan 500,000.(Shan Boqol oo kun oo Dollar) Per Semester Half Million Dollar. marka laga jaro dhamaanba kharashaadka jaamcada, waxa intaas dheer lacagaha hayadaha caalamiga ahi ugu deqaan jaamacada, kuwaas oon la ogayn xadigooda saleeban cid aan ahayn oo ogina aanay jirin.

Dictators calaamadaha lagu garto wax ka mida iyaga oo marka wax laga sheego kaga jawaabi kara qoraal waa hadii ay kalsooni jirtee waxay isku dayaan cabudhin cago juglayn dil iyo wixii la mida. waa taas maanta wiil yar oo arday ah oo kaliya ka qoray qoraal sax iyo qalad midku doono ha noqdee u diray ciidan uu isagu mishar siiyo, kuna dilay isaga oo ardaygaasi cidna si shaqsiyana u caayin ama u aflaagadayn balse wax toosin iyo xaqiiqo jirta uu qoray.

Taasi waxay cadaaynaysaa heerka uu ka taaganyahay saleeban in uu wax u qabto ama saxo wixii ka qaldan. waxa uu taaganyahay in uu dadka layn doono hadii la faragaliyo jaamacda umada reer Awdal ka dhaxaysay ama wax loo sheego.

Heerka uu taaganyahay waxay u baahantahay in ay dhalinyaradu ka kacaan oo sida dhalinta qayrkooda ka gilgishaan cadaalada darada, una istagan xaqooga, si ay horumar u gaadho jaamcadu.

Maxamed abiib waa geesi taariikhdu qori doonto dadkiisana u iftiimayay xaqiiqada, inkasta ooy ogyihiin waxkasta hadan maxamed geesinamdisu wakaas ku dhiiraday in uu umada runta u sheego. ilaahayna nabar gardaro ha kaga dhigo dadkaaga ayaad u halgantay.

Suldaan dhawalna waxan leenahay suldaan waxa ku seegtay in aad ugu yaraan tidhaadid gudi ayaan u saaraynaa arimaha. ileyn meesha saleeban ma lihine waa Public University.

Pro. Saleeban waxan ku leenahay cidkasta way ku ogatay waana la tiranayaa inta aad sii joogi dontid iyo inta aad xeraysato semesterkaasta, waana wax kugu maqan aduunyo iyo aakhiraba.

Balse raga aqoonyahanada ahi aduunka marka ay fadeexadaas oo kale la soo daristo way is ka dhigaan xilka ay umada u hayaan, halka kuwa African-ka ahina ilaa bud lagaga dajiyo mooyaane degin sida ragii xusni mubarik, cali cabdale iyo rag badan oo kale, oo xaalkaagu sida uu yahay hada ku sugnaa .

Amaano kugu raagtay xoolahaaga ayaa la moodaa, ogowna dadku waa wada maxamed abiib, waaanay ku wada ogyihiin waxaad ku jirto iyo sida aad u feenanayso Jaamacadii Camuud

Xasan Ahmed
ahmed_xasan@yahoo.com
Borama, Somaliland

Comments are closed