|

Munaasibadii Soo dhawaynta Musharixiinta Jamaal Cali Xuseen Iyo C/rashiid Xasan Mataan Ee New UCID + Taageero Aad U Balaadhan (Cadceed Tv)+SAWIRO.

July 16,2012 Boorama(Cadceed) – Waxaa maanta si balaadhan loogu soo dhaweeyay xarunta gobolka Awdal musharaxa madaxtinimada Xisbiga New Ucid Iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, Aqoonyahan Jamaal Cali xuseen ayaa taageerayaal aad u badan waxa ay kaga hortageen duleedka magaalada Boorama halkaas si qurux badan loogu soo galbiyay Hotel Maana Ee Magaalada Boorama.

Markii uu soo gaadhay musharuxu magaalada goobtii loogu talagalay in uu taageerayaashiisa kula hadlo ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay qaar  ka mid ah odaydhaqameedyada Somaliland waxa ayna sheegeen in ay jamaal Cali Xuseen iyo madaxwayne ku xigeenka Xisbigan New Ucid Aqoonyahan C/rashiid Xaaji Xasan Mataan oo ka mid ah aqoonyahanada Somaliland Gaar ahaan Gobolada Awdal/Selel waxa ayna sheegeen in ay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin taageeradooda maadaama ay yihiin aqoonyahano ku soo kordhinaya wadanka wax horumar ah.

Sidoo kale waxaa iyagna halkaas hadalo taageero u badnaa ka soo jeediyay qaar ka mid ah haweenka Somaliland waxa ayna sheegeen in labadan musharax ay yihiin laba musharax oo ay Somaliland u baahan tahay ku hagi karna horumar iyo ictiraaf Dawladeed waxa ayna alle ugu rajeeyeen in ay guulaystaan.

Gabogabadii munaasabadan balaadhan ayaa waxaa  halkaas hadal mahadnaq u badan ka soo jeediyay musharaxa madaxwaynaha Xisbigan Mucaaradka ah ee New Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen waxa uuna u mahadnaqay dadwaynaha Reer Boorama ee sida baaxada leh u soo dhaweeyay,Jamaal Ayaa waxa uu sheegay in labadoodan u taagan jagada madaxtinimada ayna u soo shaqo tagin dalkan ayse horey u soo shaqaysteen ayna u taagan yihiin in ay umadooda iyo dalkooda u shaqeeyaan,waxa kale oo uu sheegay in ayna noqon doonin mucaarad meelahaas ka yooyootama ama caytama ayse noqon doonaan mucaarad wax toosiya oo dhaliisha dawlada tusa.

ugu danbayn Jamaal waxa uu sheegay in madaxdii dalka iska soo wada danbaysay ay meel wanaagsan so gaadhsiiyeen wadanka iyagna inta yar ee dhiman ay dhamaystiri doonaan waa hadii ay shacabku na doortaan ayuu hadalkiisii ku soo gabogabeeyay.

Si kastaba ha ahaatee munaasabadan maanta lagu soo dhaweeyay musharaxa madaxtinimada Xisbiga new Ucid ayaa ahayd mid ka duwan soo dhawaynihii hore ee loo samayn jiray xisbigan Ucid horey intuunan is badalkani ka dhicin tanina waxa ay tusaale u tahay sida Xisbigan New Ucid uu u galay Jawi Cusub oo taageero badan ka helay Gobolka Awdal tan iyo intii guul daradu ka soo gaadhay doorashadii madaxtinimada Somaliland.”

Halkan Ka daawo Sawiro aad u qurxoon.

Comments are closed