|

Inka Badan 300 Oo Ruux Oo Lagu Soo Qab-qabtay Howlgallo Ka Dhacay Muqdisho Oo Ay Wadeen Ciidamada Dawlada Iyo AMISOM Oo Iskaashanaaya.

July 7,2012 Muqdisho(Cadceed) – Howlgallo lagu soo qab qabtay inka badan 300-oo ruux ayaa Ciidamo ka tirsan Dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM waxa ay ka sameeyeen Magaalada Muqdisho, howlgalladaani oo ahaa kuwa ay si wadajir ah ugu qeyb qaadanayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waaberigii hore ee saakay waxa ay ka bilowdeen  Xaafado

ka tirsan degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir halkaasi oo lagu soo qab qabtay inka badan 300-ruux oo lagu eedeynayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab iyo walxaha qarxa.

  Howlgallada ayaa waxa ay si gaar ah Ciidamada kaga sameeyeen nawaaxiga Xaafadda SOS, Warshaddii hore ee Baastada iyo Xaafado kale oo ku teedsan degmooyinka Yaaqshid iyo Huriwaa ee gobolka Banadir, waxaan dadka la qabtay ku jiray Saraakiil sar sare oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Xarakada Al Shabaab.

Inkastoo Saraakiisha Dowladda ee howlgallada ka qeyb qaadanaya aa faah faahin rasmi ah ka bixin howlgalka iyo waxyaabaha lagu soo qa qabtay ayaa haddana dadka deegaanka ah waxa ay Idaacadda Shabelle u sheegeen in dadka la qab qabtay la isugu keenay Warshaddii hore ee Barafuunka kuwaasi oo la tilmaamay in badankoodu ay yihiin dhalinyaro qaar lagu eedeeyay xiriirka Al Shabaab oo ku sugnaa Xaafadahaasi.

Maalmihii dambe ayaa degmooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacayay howlgallo ballaaran oo lagu xaqiijinayo ammaanka kuwaasi oo badankoodu lagu soo qab qabtay dad xiriir la leh Al Shabaab.

Wariye Farxaan Maaskaro.

Muqdisho, Soomaaliya.

Comments are closed