|

Dagaalkii Gacan Ka Hadalka Ahaa Ee Dhaawacyada Loogu Geystay Wiilkii Qoraalada Ka Qoray Jaamacada Camuud Maxamed Abiib Oo Ku Sugnaa Saldhiga Bilayska Oo Ooda Laga Qaaday Maanta.

July 23’2012 Borama(Cadceed) – Kadib mudo 4 maalmooda oo saldhiga bilayska ee dhexe uu ku xidhnaa Maxamed Abiib Yuusuf oo ahaa wiilkii maqaalada ka qorijiray Jaamacada Camuud oo ay gacan saareen islamarkaasina nabaro u geysteen dhalinyaro la sheegay inay qaraabo yihiin Saleebaan Axmed Guuleed ayaa isaga iyo dhalinyaradii oo ku xidhnaa laga soo daayay maanta saldhiga dhexe.

Iyada oo ay saraakiisha ciidanku sheegeen inay dhameeyeen khilaafkii keenay gacan ka hadalka ayaa hadana la sheegi karin xaga uu ku danbayn doono khilaafkan oo ahaa mid soo jiitamay, mar uu Taliyaha qaybta gobalka awdal Mudane Araweelo uu ka hadlaayay kiiskan iyo sida ay u xaliyeen ayaa waxaa uu yidhi “”.

Sidoo kale dhalinyartii xidhnayd oo isku gacan qaaday saldhiga dhexdeeda islamarkaasina ay ka muuqatay indho heshiis ayaa waxaa ay labada dhinacaba sheegeen in ay maanta heshiis yihiin wax walba oo soo maray, maanta lagabilaabana ay noqonayaa dad walaalo ah.

Geesta kale Muusa kaadhiin oo ahaa sida ay dadku sheegeen ninkii ka danbeeyay faldambiyeedkii loo geystay Maxamed Abiib ayaa isaguna dhina iskaga riixay oo sheegay in aanu ku jirin kuna luglahayn arintaasi ay iskaga horyimaadeen dhalinyaradaasi, isaga oo intaasi ku daray inay saxaafadu buunbuunisay oo aanu isagu habayaraatee wax dhibaato ah ka dhex abuurin arintaasi, inkasta oo ay goobjoogayaashii maalintii arintaasi dhacayeen sheegeen in uu Muuse kaadhiin oo ahaa taliyihii hore ee saldhiga dhex ee Bilaysk Boorama uu gacan ula ttagay Maxamed Abiib ayaa hadana dadka iyo Saxaafadaba u sheegaaya in aanu habayaraatee ku jirin arintaasi, walow ay shabakada warbaahinta ee Cadceed.com ay wali la dabasocoto kamaradeeda sidii ay ugu kuur gali lahayd arinta Muusa Kaadhi dhawaana la filaayo in la soo gudbindoono iyada oo ah daawasho.

Warqabadka Cadceed.com

Hargeysa Somaliland.

Comments are closed