|

Xukuumadda Kulmiye Iyo Aroosyadda Nairobi Maxaa Kala Haysta

“Aduunyadda ninkii noolow maxaa aragti kuu laaban”.

Arrin aad u yaab badan oo runtii aad looga naxo ayaan kuarakay xalay TV qaranka ee somaliland.

War saxafadeed ay soo saareen Ururka Haweenka Qaranka NOW ee Gobolka Maroodi jeex oo Gudoomiyihiisoxilka ka casilayo Gudoomiyaha Ururka haweenka ee Gobola Awdal Marwo CaashaC/lahi Kaluunle , ka dib markii ay ku tilmamtay in ay ka soo bixi wayday waajibaadkii Qaran eeloo eegmaday.

Hadaba, xilku iskuma jiree , xilka ay Caasha Kaluunle kasoo bixi wayday waa xil shakhsi lagu raali galinayay ee maah mid qaran. Waxadhacday in reer dagan Wadanka aynu jaarka nahay ee Kenya ay ka heshay casuumadaroos oo lagu sharfay kooxda ciyaaraah hidaha iyo dhaqanka ee Gobolka Awdal ee uu caan ku yahay. Waxa sidoo kale casuumada kujirta Gudoomiya Ururka Hawenka Qaranaka ee Awdal Marwo Caasha Kaluulnle oosidaan warka ku helay xidhiidhinaysay kooxda ciyaaraha iyo qoyska yagu qabanayaarroska. Marwo Caasha oo hawshii qurshaheedi guddo gashay ayaa waxa cidhiidhikaga yimid guriga Madaxwayne ku xigeenka ama aan soo dhaweeyee (kijadda).Hadaan soo koobo Marwada Madaxwayne ku xigeenka oo khadka telefanka kula sooxidhiidhay Gudoomiyaha Now ee Awdal, ayaa ujeeda ugu muhiimsan ahayd in ay kabaajiso safarka kooxda ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka ay ku tagayaan arooska. Akhristayaalwaxa is waydiin mudan maxaa ku kalifay Marwada Madaxwayne ku xigeenku in ay kabaajiso kooxda hidaha iyo dhaqanka kaqayb galaya arooska?

Aan dib idinku celiyo xiligi olalaha doorashooyinka ee Madaxwaynaha ee Dalka ka qabsoomay 2010. Waxa dhacaday in ay kooxdan hidaha iyo dhaqanku ay ka qayb geli jireen goobihii lagu taageeri jiray xisbiga UDUB. Xiligaas oo Marwada Madaxwayneku xigeenku ay mucaarid ahayd kana mid ahayd xisbiga Kulmiye. Markii uu xilka la wareegay xisbgii Kulmiye taladii dalka ayaa waxa bilabmay waji cusub oo salkiisu yahay in laga aarsado taageeraysha xisbiga UDUB.

Marwadda madaxwayne ku xigeenka oo xusuusanaysay taageeridii kooxadni hidaha iyo dhaqnku u haysay xisbiga UDUB ayaa waxa u cuntami waayey ka qayb galka arooskan ee ka dhacaya Nairobi. Dabadeed Marwadu waxay ku dadaashay sidii ay ku qancin lahayd Gudoomiyaha Haweenka Qaranka ee Gobolka Awdal sidii ay uga baajin lahayd kooxdan ka qayb galaysa arooska.

Gabogabadii akhristayaal , xukuumaddan maanta joogta miyaanay madax u ahayn muxaafid iyo mucaaridba?

Bal dadwaynow anigu yaabayay bal idinkuna waraysi taga.

Hinda Jama Riiraash
Borama, Awdal
Hinda Riiraash riiraash2003@yahoo.com

Comments are closed