Dagaal Saaka Waabarigii Ka Qarxay Deegaanka Tukaraq Ee Gobolka Sool
June 16, 2012 Tukaraq (Cadceed) – Wararka aan ka helnay Tukaraq ayaa sheegaya in saaka xilli aan qoraxdu soo bixin lix aag weerar lagaga dhuftay Ciidamada Khaatumo State,isla markaasna meesha ka qarxay dagaal fool ka foola, balse Maleeshiyadkii taageersanaa Khaatumo ay meesha isaga carareen iyadoo aanay dhicin dagaal xoogani. Sidaasna Ciidamada Somaliland ee ka hawlgala Deegaanka Sool ayaa arootii hore ee saaka kula wareegeen Magaalada Tukaraq ee koonfurta Gobolkaasi.
Warar la xaqiijiyay ayaa sheegaya in dagaalkaasi uu ahaa mid laga soo qaaday dhanka Cadaada oo ay ka soo jeedaa Ciidamada Somliland iyo kuwo faliidhyaale ku sugnaa oo daacad u ah Maamulka Garoowe, taasoo dadka qaar u macneeyeen mid heshiis lagu yahay in ciidamada Khaatumo lagaga saaro degaanka gebi ahaantiisaba.
Deegaanka Tukaraq oo ay maalmihii u dambeeyay ku loolamayeen Maleeshiyaad taageersan kooxda Khaatumo iyo Ciidanak qaranka Somaliland ayaa saaka si nabadgalyo ah ula wareegeen, ka dib markii ay ka yaaceen Maleeshiyaad maalmihii u dambeeyay hareero fadhiyey.
Tukaraq oo ah meel straatiiji ah oo uu maro jidka isku xidha Somaliland iyo Puntland, isla-markaana dhibaato ka haysatay gaadiidka labada dhinaca iskaga goosha oo kooxahaasi afduub iyo dhac ku hayeen, ayaa la wareegideedu aanay wax dhibaato ah ku keenin ciidamada qaranka, mana jirto wax iska caabin ah oo ciidamada ay kala hor-tageen Maleeshiyaadkii halkaasi ku sugnaa.
Si kastaba ha ahaatee ciidamada qaranka Somaliland ayaa si nabadgelyo leh ula wareegay tuulada Tukaraq iyadoo aanay wax khasaare ah oo la sheegi karaa meesha ka dhicin kadib markii maleeshiyada taageerta khaatumo faaruqiyeen.
Cadceednews, Hargeysa