Tartan Ciyaareed Aad U Xiisabadan Oo Loogu Magacdaray Gen. Yuusuf Talan Iyo Kulankii Ugudanbeeyay+SAWIRO.
Borama(Cadceed) – Tartanka Kuubka kubada cagta General Tallan ee ka socda Garoonka Biroole Ee Magaalada Boorama ayaa maanta fooda is daray labada kooxood ee kala aha Dayaxa Iyo Shirkada Nation Link.Ciyaartan oo markii u horeysay ku bilaabmatay dardar labada dhinaca ayaa wareegii hore waxaa gool laga dhaliyay kooxda Nation waxaana u dhaliyaya ciyaaryahanka weerarka kooxda Nation Laacib Yoonis waxaana lagu kala nastay wareegaas hal iyo eber.
Ciyaartan ayaa markii la isku soo nastay waxaa goolkii iska soo baday lagu lahaa kooxdda Dayaxa waxaana halkaas gool xaraga leh ka dhaliyay laacibka dhinaca weerarka kooxda Mr Badr ,ciyaarta ayaa waxa ay ku dhamaatay waqtigii loogu talagalay mid barbara ah waxaana halkaas ugu danbayn gudiga garsoorka ciyaartani u dhigeen labadan kooxood gool ku laad halkaas oo ay ugu danbayn guushu ku raacday kooxdii ka socotay DAYAXA.
Si kastaba ha ahaatee ciyaarahan ka socoda garoonka biroole ee Magaalada Boorama looguna magacdaray Generalkii Soomaaliyeed Ee Ka Soo Jeeday Gobolada Awdal/Selel General Tallan Ayaa ilaa haatan u socda si habsamiya waxaana qaban qaabadeeda iyo hirgalinteeda ku amaanan Wasaarada Dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland ee Gobolka Awdal Iyo Girmo Sport Centre oo ay gadhawadeen Ka Yihiin C/Qaadir Nuur Daahir (Girmo) Iyo Xasan Ibraahim Faarax.”
Cadceed.com Borama Office

