|

Sheeko Xiiso Leh Oo Ka Dhacday Wadanka Maraykanka By Suhuur Jibriil

Suhuur Jibriil waa gabadh Soomaaliyeed oo ku nool gobolka Minnesota_ ee cariga Maraykanka, waxayna gobolka Minnesota intii ay joogtay ay la kulantay dhacdo cajiib ah haddaba iyadoo ka hadlaysa sidii ay wax ugu dhaceenWaatan.

Marka hore waxaan salaamayaa Shabakada Wararka Hufan ee Cadceed.com. Aingu Waxaan ku dhashay Magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, gaar ahaan degmada Xamar weyne, waxaan dalka Maraykanka soo galay sanadkii 1997-kii, anigoo halkaasi ka bilaabay waxbarasho iyo shaqo.

Soomaalida joogta wadanka Maraykanka ayaa waxay ku waalan yihiin aroosyadda ka dhaca dalkaasi, anna waxaan ka mid ahaa gabdhaha aalaaba ka qaybgelli jiray xafladaha arooska ah ee ka dhaca dalkaasi, gaar ahaan gobolka Minnesoto oo ay ku badan yihiin ummada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Maraykanka.

Marwalba oo aan aroos ka qaybgallo, isla-markaana aan guriga ku soo noqdo ayaa waxaan ku riyoodaa anigoo la iga Sineysanayo, dhacdadaasi aad iyo aad ayaan ula fajacay, waxaanan dhacdadaasi isku arkaa marka aan aroos tago.

Habeen walba oo aan aroos ka qayb gallo, isla-markaan aan guriga ku soo laabto ayaa waxaa caado ii noqotay inaan ku riyoodo aniga oo la ii galmoonayo, xaqiiqdii aad baan ula fajacay.

In ka badan 20 jeer markaan isku arkay dhacdadaasi foosha xun, ayaa waxaan u tagay Macalin dugsi Qur’aan dhiga, waxa aan u sheegay dhibta i haysata, xaqiiqdii Macalinka oo ahaa nin Caqli badan, isla-markaana nin wax garad ah, , ayaa inta uusan wax jawaab ah i siinin i weydiiyay, marka aan arooska tagayo waxa aan sameeyo, waxuuna ii sheegay caadiyan inaan qaato dhar wanaagsan, sidoo kalana aan marsado noocyada ugu carafta badan ee barafuunka ama cadarka,, isla-markaana waxaa dalka Maraykanka ama haweenka Somalida caado u ah, aroos kasta in lagu tago dhar cusub.

Macalinka ayaa wuxuu igu jawaabay sow Nabigu ma odhanin “NNKH” haweenka marka ay meel tagayaan, ama ay baxaayaan yaysan waxyaabaha udgoon marsan, haddii kale waxay noqonaayaan kuwo laga soo sinaystay, Xilligaa wixii ka dambeeyay ayaa waxaan go’aan cad ka qaatay inaan tagin aroos oo dhan, markaas ayaana igu dambeysay inaan ka qaybgallo aroos oo dhan.

Fiira Gaar ah: Dhacdadaan ayaa waxay ku socotaa haweenka Soomaaliyeed, isla-markaana ha idiiku filnaato digniin oo idil

Suhuur Axmed Jibriil
Minnesota, Minneapolis

Comments are closed