Ogaysiis: Hiil Qaran iyo Xaflada Ottawa Oo Uu Marti Inoogu Yahay Musharaxa Madaxtinimada Somaliya Ha Moogaan
Ururka siyaasiga ah ee Hiil Qaran ayaa xaflad weyn ku qaban doona magaalada Ottawa ee caasimada Canada. Munaasabadaas oo qabsoomi doonta bishan Juun 23 keeda oo ah sabti, min 3-da galabnimo (3:00 PM) illaa 6-da (6:00 PM) waxay ka dhici doontaa 250 Somerset Street East.
Waxaa ka soo qaybgalaya Madaxda sar-sare ee Hiil Qaran gaar ahaan Professor Axmad Ismaciil Samatar oo ururku u igmadey inuu uga qayb galo tartarka jagada Madaxweynaha Dalka Somalia. Ha moogaan inaad dhagaysato Professor Samatar oo Ottawa la hadli doono isagoo ah musharaxa xisbiga Hiil Qaran.
Hadaba si aad uga bogato munaasabadaa iyo qaban-qaabadeeda, guji ama riix sawirkan ku dheggan ogaysiiskan ama la xidhiidh Jaamac 1.613.600.7332 ama Xasan 1.819.319.0447.
U hiili Hiil Qaran!