|

Mudane Riyaalow Adaa Sabab U Ahaa In Xisbiga UDUB Lumiyo Talada Dalka, Imikana Diyaarinaya Burburkiisa By C/Rashiid Xasan Mataan

Sida aynu wada ognahay waxa marag madoon ah in Xisbiga UDUB uu aasaasey siyaasi ruug caddaa ah, sidaas ayaa xisbiga

Sida aynu wada ognahay waxa marag madoon ah in Xisbiga UDUB uu aasaasey siyaasi ruug caddaa ah, sidaas ayaa xisbiga UDUB ku noqday xisbiga leh shacabka ugu ballaadhan dhammaan gobolada dalka S/land, waa xisbigii lagu gaadhay guusha nabadda iyo dimuqraadiyaddaa hadda jirta, waa xisbigii uu Mudane Riyaale ku Macaashay ee uu ku helay kursiga ugu mudan talada dalka.

Waxaa marag maddoon ah in Mudane Riyaale uu ku dhacay cudurka inta badan ku dhaca madaxda dunida saddexaad ee “KALITALISNIMO” taasina ay keentay in Xisbigii UDUB Lumiyo taladii dalka S/land guushana uu ku helo Xisbigii KULMIYE.

Maalintii uu ka degay kursiga, Riyaale wuxu dalka uga baxay debedda, xisbigii UDUB talo kagama tagin, markii lagama maarmaan ay noqotay in xisbigii talo isugu yimaadna wuxu ka cudurdaartay inaanu iman Karin ee ay wataan hawshooda.   Caalamka meeL 100% talo isu raacdo ma jirto, taladiina waxa ka soo baxay go’aan uu wax ka ogaa laakiin aan qancinin.

Mudane Riyaale isaga oo ku foodsaaranaya in lakajabay oo la qaybsamay, wuxu yidhi waxan u imanayaa inaan xisbigii isu keeno, ma ay suurto galin in uu isu keeno; waxaan iyana meesha ka maqnayn cudurkii KALITALIS Nimada taasoo uu aaminsan yahay in uu isagu yahay qofka ugu haboon ee UDUB dib u dooran karto ama XISBIGA Siduu doono ugu talin kara.

Riyaale waxan leeyahay, waqtigaagii wuu dhammaaday, sidii aad u lumisey kurgii talada dalka ayaad u lumisay shacabkii UDUB kalsoonidoodii, inaad been isu sheegto oo ku noolaato riyadii DICTATORS kana maaha; iska dhaaf cidkaloo shacabka aad ka soo jeeddo ee reer AWDAL ayaanad maanta ka haysan kalsooni, waayo waxaan EED iyo DHIB ahayn kamay dhaxlin maamulkaagii.

Waxaan karaaligalinayaa shacabka UDUB meelkasta oo ay joogaan taloxumada RIYAALE, waxaan leeyahay, shacabka AWDAL waa dadka TALADOODA ay S/LAND ku dhisan tahay, waa taageerayaasha ugu ballaadhan ee Xisbiga UDUB, waxaad ogaataan in aannu diyaar u nahay Badbaadada Xisbiga UDUB, RIYAALANA waxaanu leenahay DUCO QAADO oo iska AMBABAX xisbigu ha badbaadee – haddii kale waxaanu talo lawadaagi bahwaynta.

Allaa Mahadleh

CABDIRASHID XASAN MATAAN

Abdirashid.ahmed@gmail.com

Comments are closed