Madaxweynaha Somaliland Oo Shacabka Ku Hambalyeeyey 52-Guuradii Markii Somaliland Madaxbanaanideeda Ka Qaadatay Boqortooyada Ingiriiska
June 26, 2012 Hargeysa (Cdceed)) – Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed (Siilaanyo) ayaa dhambaa hambalyo ah u diray shacabka 52 guurada Xornimada Somaliland awgeed
War-saxaafadeed uu Caawa soo saaray afhayeenka Madaxtooyadu oo Madaxwaynuhu hambalyo ugu diray shacabka ayaa u dhignaa sidan “Madaxweynaha JSL Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Dhambaal Hambalyo ah u diray Shacbiga Somaliland meelkasta oo ay joogaan, Xuska Munaasibada 52-guurada ka soo wareegtay 26-June-1960-kii, oo ah maalintii ay Somaliland madax-banaanideeda ka qaadatay Boqortooyadii Ingiriiska.
Maalintan oo ah Maalin Taariikhda Somaliland Qiimo weyn ugu fadhida waxa uu madaxweynuhu u rajeeyey ilaahayna uga beryay qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Shacbiga Guddo iyo Debedba inay Sannadka, Sannadkiisa ku gaadhaan Guul, Barwaaqo, iyo Somaliland oo si buuxda uga mid noqotay dawladaha la aqoonsanyahay.
Madaxweynuhu waxa uu dhambaalkiisan si adag ugu sheegay inay Jamhuuriyadda Somaliland guul joogto isla markaana ay buuxisay dhamaan Shuruudihii looga baahnaa aqoonsiga,.
Madaxweynuhu waxa uu beesha caalamka ugu yeedhay inaanay la masuugin aqoonsiga ee ay ixtiraamaan taariikhda qarannimada Somaliland, Go’aanka Shacbiga iyo dadaalka ay ku xaqiijiyeen dal nabada, iyo hannaan dawladnimo, dimuqraadiya oo si wacan u hanaqaaday sidaana la wada ogyahay loona qirsanyahay.
Ugu danbayn waxa uu Madaxweynuhu shacbiga Somaliland ku dhiiri-geliyey inay iska jiraan oo ay ka feejignaadaan cadaw kasta iyo cid kasta oo isku dayda iny wax u dhimaan ama dhawacaan wada jirka umadeena Somaliland iyo nabad-gelyada Qarankeena.
ALLAA MAHAD LEH
Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.