Madaxwaynaha Somaliya Sheekh Sharif Oo Odayada Dhaqanka Somaliya Ka Dalbaday Inay Gacan Ka Geystaan Wada-hadalo Dhex Mara Somaliland Iyo Somaliya (sawirro)
June 8, 2012 Muqdisho (Cadceed) – Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka codsaday Odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed in ay gacan ka geystaan wadahadalka u billaabanaya dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland si xal looga Gaadho dhibaatooyinka ay tabanayso Xukuumada Somaliland. Madaxwaynaha dawlada ku meel-gaadhka ah ee Somaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo dhawaan la soo laabtay shirkii Somaliya loogu qabtay Magaaladda Istanbul ee dalka Turkiga ayaa maanta kulan Madaxtooyadda Villa Somaliya kula yeeshay Madaxda dhaqanka qaarkood.

Madaxwayne Sheekh Shariif, waxa uu sheegay inaan Somaliya xal loo helayn ilaa wada hadalo dhex maraan TFG-da iyo Somaliland, waxaanu ka dalbaday Madaxda dhaqanka ee uu la kulmay inay ka qayb-qaataan sidii wada hadalo u dhex mari lahaayeen Somaliland.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxa uu sheegay in TFG-du soo dhawayn doonto fikir kasta oo ka yimaada Madax-dhaqameedka oo ay soo jeediyaan “Waxaa la idinka doonayaa inaad gacan ka geysataan sidii wadahadallo ay u dhex-mari lahaayeen Dawlada ku meel-gaadhka ah iyo Somaliland”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Waan soo dhaweynaynaa fikir walba oo aad soo-jeedisaan”

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xili dhawaan Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland iyo Madaxwayne Sheekh Shariif ay ka wada qayb-galeen shirkii Somaliya loogu qabtay Magaaladda Istanbul ee dalka Turkiga oo isagu shirkaasi marti-galiyey.
Cadceednews, Hargeysa