Falaanqaynta Qodobadii Shirkii Istanbuul Qaybta 5aad
“Maanta waxaan diiradda saarayaa qodobka 9aad oo ka midka ah qodobadii ka soo baxay shirkii Soomaalida loogu qabtay dalka Turkiga”.
Qodobku wuxuu u dhigan yahay sidatan:
9. The Participants reiterated their firmness in not allowing internal and external actors or groups to disrupt the smooth implementation of the end of the Transition. In this context, they commended the joint AU-IGAD-UN letter of May 2012 to such potential actors in Somalia. They agreed to consider appropriate follow-up action against those judged to be blocking progress in the political process.
Haddii aan isku dayo in aan ku beddelo afka Somaliga wuxuu noqonayaa sidatan.
Ka soo qayb galayaasha shirku waxay si aad ah u taageereen in aan shaqsiyaad iyo koox toona loo ogolaan in ay carqaladeeyaan hawlaha socda ee looga baxayo ku meel gaarnimadii. Sidaas darteed waxay ayidayaan warqaddii bishii hore ee May ay soo wada saareen AU-IGAD-UN in ay iyagu ahaadaan mas’uuliyiinta ugu waaweyn ee Soomaaliya. Waxay isku raaceen in ciddii loo garto in ay yihiin kuwo horumarka carqaladaynaya in tallaabo adag laga qaado.
Hadalkani waa hadal aan maqlo midka ugu xun wuxuuna ka fog yahay xuquuqda aadamiga wuxuuna ka soo hor jeedaa wixii ay gaaladu nagu beer laxawsadaan oo ahaa xoriyadda hadalka. Waxaan u arkaa hadal la mid ah mar uu Siyaad Barre amar ku bixiyey in ruuxii soo dila qof budhcad ah la siinayo 1 malyan oo shilin Soomaali ah goor ay jirtay majaaco xumi. Wuxuu banneeyey in qof kasta o oqof kale soo dilaa uu dhaho waxaan soo dilay nin budhcad ah markaasna loogu daro ! malyan oo shilin Soomaali ah.
Markii saxaafad ka tirsan dawladda Denmarka ay hadda ka hor soo daabacday sawir silloon oo ay ku tilmaameen in uu yahay nebi Muxammad iyaga oo ku caayaya ayaa markii muslimiintu ka xanaaqeen ay isku daafaceen annaga waxaannu lee nahay xoriyatul Qawl maantana waxay soo faafiyeen in ruuxii wax xun ee ummad ahaan iyo idiin ahaan ummadda ku ah dullaysiga ka hadla oo diida uu yahay dembiile lana xidhayo markii uu ugu liito.
Waxaa halkaas ka muuqaata in dalka cadaw haysto uuna ka taliyo Madaxweyne Mahiige. Hadii uusan Mahiige hayan lahay ciidamada AMISOM sidaas isaga iyo UN-ta midkoodna uma hadleen. Kuwa u adeegaya maskab kasta oo ay sheegtaanna waa caadaqaatayaal diintoodii iyo dalkoodii dhaafsaday dhuuni aan la ogayn in ay calfan doonaan iyo in kale. Waxayna ubadkoodii uga tegayaan gunnimo waxaanna hubaa in ubadkoodu qabriga ku soo habaari doono, Allena wuu noo sheegay in ay uu dadka noocaas ah cadaab afka ugaga shubayo ayna ku waarayaan.
Waxaa ceeb ah cishood la’aanta kuwa dawlad sheeganaya oo gaalkii jaajuuska ahaa ee ummadda Soomaaliyeed cadawgeeda ugu daran ahaa ee dayuuradda ku halaagmay ee ka midka ah dawladda Kenya ninka muslimka sheeganaya ee dhahay waxaanu u baryeyna Ilaah in uu dadkii uu ka dhintay samir iyo iimaan ka siiyo. Waxaa taas ka horraysay maydkii Abdullaahi Yuusuf waxaa safka salaadda janaasda ku jiray Madaxweynaha Soomaaliya Mahiige. CAJIIB.
Hadalkan hanjabaadda ah wuu nuxurkiisu yahay ninkii Soomaali ah ee maanta ka hor yimaadda waxa aannu Soomaaliya ka doonaynno shar iyo khayrba u dul qaadan maynno ee Jaxiima ayaanu ka waraabinaynaa. Wuxuu isoo xasuusiyey Fircoon markii uu saaxiriintii ka dib markii ay arkeen in nebi Muuse wixiisu sixir ahayn rumaysay Alle iyo rasuulkaba ku lahaa inta aan lug iyo gacan is weydaar ah idinka wada jaro ayaa idinku wada tiqraarayaa jiridda geed timir ah, markaas ayaad arki doontaan aniga iyo isaga kaayaga cadaatiisu daran tahay ayna tahay joogtada. Markaas ayay dheheen nagu xukun wax alla wixii aad doonto waayo xukunkaagu wuxuu ku eg yahay adduunka oo keliya, waxna ha iskula hadhin annagu Alle ayaanu raacnay oo rumaynay eh.
Waxaan shaki lahay sida aan ku soo sheegay maqaalkiaygii SHIRKII ISTAMBUUL SOOMAALIDA LOOGU QABTAY QAYBT 1AAD in bah weynta gaaladu ay Soomaaliya wax khayr ah u wadin meesha ay maanta marayso meel ka xunna geyn doonaan.
Caadaqaataashu waxay rumaysteen hadalka iyo ballan qaadyada gaalada uu Alle noogu sheegay aayaddan kariimka ah.
كَيْفَ وَإِنْ يَظْهَرُوا عَلَيْكُمْ لَا يَرْقُبُوا فِيكُمْ إِلًّا وَلَا ذِمَّةً يُرْضُونَكُمْ بِأَفْوَاهِهِمْ وَتَأْبَى قُلُوبُهُمْ وَأَكْثَرُهُمْ فَاسِقُونَ(التوبة 8).
Macnaha aayaddu waa sidatan:
Sidee kuwo haddii ay idinka gacan sarreeyaan aan wada dhalasho iyo heshiis aad la gasheen toona idinku dhaafayn idiinna dhawrayn afkana idiin macaanaynaya qalbigana idinka nacdalaya oo badankoodu yahay kuwo aan xuduudda Alle dhawran haba yaraatee aad nabad ula gelaysaan.
Waxaan la yaabay hadal kasta oo macaan horay ayay ka rumaynayaan isma weydiinayaan qofkan hadalka macaani shalay muxuu lahaa. Kampala ayaa lagu soo maleegay shirqool ah wasiirka koobaad koox uu Mahiige magacaabo ayuu la shaqaynayaa oo la xisaabtamaysa ee baarlamaanku waa in uusan shaqo ku yeelan wax mooshin ahna ka keenin. Markaas ayay qaylo dhaan afka ku dhufteen oo sidii wax ahaayeen u sheegeen haddana la yaabka markii loo keenay in ay ansixiyaan way ansixiyeen. Ka dib ayay dareemeen heshiiskii Kampala in uu ahaa dhagar markaas ayay diieen taas oo u ahayd maangaabnimo qaan gaadhay. Sababtu wax kale ma aha lacag ayaa la tusay markaas ayay lacagtii u hamradeen.
Shirkii London markii la iclaanshay ayaa suuqa la soo geliyey waddanka waxaa la doonayaa in la geliyo Trusteeship markaas ayaa ruux waliba afka furtay, hadda ogoobay markaas waaba ku jiraan Trsusteeshipkii oo dalka waxaa gacanta ku haysa UN-ta waxaana xukuma Mahiigee oo beddelay Ahmed Walad.
Haddana waxaa lagu walciyey Turkiga, ma taqaaniin Turkigu waxa uu yahay? Wuxuu Turkigu ka mid ahaa dawladihii la saftay Jarmalka dagaalkii Caalamka ee II, markii la jebiyeyna ciidamadii jebiyey ayaa gacanta ku haya waana loo diiday in ay hub qatar ah samaystaan. Ciidamada NATO ee saldhigga ku leh wasay meesha u joogaan in aanay hub samaysan, in aanay islaamnimo ku dhaqmin mar kasta oo laga dareemo islaamnimana waa la afgebiyaa. Dawaldihii aan Islaamka ahayn ee Jarmalka la safka ahaa in kasta oo ay cuna qabatayn xagga hubka ahi saarana yahay haddana bacdamaa ay yihiin dawlado gaalo ah cabsi kale lagama qaba laakiin Turkiga waxaa laga qabaa cabsi Islaamnimo ah sidaas darteed si aad u culus ayaa loola socdaa waxyaabaha ay samaynayaan.
Waxaan idin xasuusinayaa in gabadh Turkiyad ah ay ku guulaysatay in ay noqonto xubin baarlamaan ayna ku timid xijaab baarlamaankii markaas ayaa xubinnimadii baarlamaanka laga qaaday wadankana laga masaafuriyey. Waxaa xambaaray Maraykanka iyaga oo isu muujinaya in ay aadaminimada ku weyn yihiin, gabadhii Maraykan ayay hadda ku nooshahay kuna xijaabataa marka yaa sheegi kara in Maraykanku u diido in ay ku xijaabato dalkeedii una ogolaado in ay ku xijaabato Ameerika. Waxaan ku macneeyey afka ayay idiin macaanaynayaan qalbigana waa idinka neceb yihiin sida ku dhigan aayadda kor ku xusan.
Turkigu dhibaatadii dalka lagu hayey waxba kama beddelin kuwii dhibi jirayna ma dhihin ha laga saaro aniga ayaa amniga dalka wax ka qabanaya eh. Midda kale markii ay Soomaalidu gooni u shireen waxay soo saareen qodobbo hase yeeshee gaaladii ayaa diidday. Sidaas darteed waxaan u arkaa in Turkigu meesha ugu jiro in annaga nalagu soo dabo.
Soomaaliyeeyey isku tashada kuna talo gala in dhib mooyee aan wax dheef ah la idiin wadin. Madaxweynihii hore ee Maraykanka Jiimi Kaarter oo xaruntiisu ku taal Addis Ababa ayuu ahaa ninkii dhahay waa xaq darro in 70 malyanna aanay hal mitir oo bad ah lahayn 10 malyanna lee dahay dhawr kun oo Km. Marka Jiime ma ilaahii dadka u kala xaqa qaybinayaa? Hadalkaas wuu fara batay dad kale oo fara badan ayaan ka dhawaajiyey fikirkaas uu bilaabay Jiimi Kaarter.
Ma og tihiin in dhulka ay ciidadamada Kenya soo galeen ee dhulka Soomaalida ka midka ah ay batrool ka baadhtaan. Sababta ay Kenya uga baadhanayso Soomaaliya batroolka miyeynaan waxba ka garan karin. Waxaan eedda saarayaa kuwa TFGda ku taageersan sida qabiilka ah ee aan diin, dal iyo dad midna dan ka laahyn. Ma idinla tahay in madaxda TFGda la cabsi gleiyey oo lagu dhahay haddii aad ka leexataan jidkayaga waan idin dilaynaa inlayn waxana dullinimo ka badan eh.
Ummad yahay ogaada waxaa la idinku haystaa waa diinta Islaamka eh, in aad diintiinna ka baxdaan mooyee wax kale lama doonayo. Haddii aad gaalawdaan wax alla wixii gaalada karaankooda ah waa idin siinayaan ee ay idiin hayaan hase yeeshee wax ay idiin hayaan ayaan jirin.
GUNAANAD.
Qodobkan 9aad wuxuu ka baxsan yahay xushmada iyo xishoodka caalamku kala mudan yahay ruux xoog lagu qabsaday hadalkii lagu dhihi lahaa weeye. Haddii ay Soomaalidu intaas wax ku fahmi weydey anigu ma garan karo goorta ay wax fahmi doonaan. Waxaan kale oo idiin sheegayaa qodobada lixdanka gaadhaya ee la sheegay in ay ka soo hor jeedaan diinta Islaamka lagama saarayo dastuurka, haddii laga saarayana raggii soo qortay ma soo qoreen ee taas ogaada.
وَدُّوا لَوْ تَكْفُرُونَ كَمَا كَفَرُوا فَتَكُونُونَ سَوَاءً فَلَا تَتَّخِذُوا مِنْهُمْ أَوْلِيَاءَ حَتَّى يُهَاجِرُوا فِي سَبِيلِ اللَّهِ فَإِنْ تَوَلَّوْا فَخُذُوهُمْ وَاقْتُلُوهُمْ حَيْثُ وَجَدْتُمُوهُمْ وَلَا تَتَّخِذُوا مِنْهُمْ وَلِيًّا وَلَا نَصِيرًا(النساء 89).
Macnaha aayaddan oo koobani waa sidatan:
Waxay doonayaan in aad sidooda oo kale u gaalawdaan markaasna la mid noqontaan iyaga ee ruux ka mid ah ha magansanina ilaa ay Alle dartiis u soo hijroodaan ama qaxaan, marka haddii ay diidaan in ay Alle dartiis u soo qaxaan duullaan ku qaada meel alla meeshii aad ku aragtaanna ku laaya, mid iyaga ka mid ahna hana soo dhoweysanina hana gargaarsanina.
ILAAHAW MARAG IIGA AHAW IN AAN UGA DIGAY MICIINSASHADA GAALADA.
OMER SULEIMAN ALI 12.06.12