Dastuurka Qabyo Qoraalka Oo Maanta Lagu Wado In La Horgeeyo Odayaasha Dhaqanka Iyo Culimaa’udiinka Soomaaliyeed
June 16, 2012 Muqdisho(Cadceed) – Dastuurkan oo mudooyinkii ugu dambeeyay muran xoogan ka aloolsanaa ayaa la sheegay in laga saaray in badan oo kamid ah qodobadii horay muranka u dhaliyey.
Wasiiru dowlaha wasaaradda dib u heshiisiinta iyo dastuurka ee DKG Xasan Maxamad Jimcaale ayaa sheegay in culimada iyo odayaasha Soomaaliyeed ay maanta sixi doonaan meelaha uu mugdigu dastuurka kaga jiro.
Qodobada Dastuurka ee muran badan abuuray waxay u badan yihiin kuwo la xidhiidha diinta iyo jinsiyadaha. Dhinacyada sida weyn uga soo horjeestay Dastuurka oo hore cabashada uga soo jeediyeyna waxaa kamid ah culumaa’uddiinka iyo maamul goboleedyo ay Puntland kamid tahay.
Dowladda Soomaaliyeed ayaa horey u shaacisay in ay hor keeni doonto culmada iyo odayaasha dastuurka 16-ka June oo maanta ku beegan.
Dastuurkan haddii la ansixiyo wuxuu noqonayaa kii ugu horeeyay ee ay Soomaaliya yeelato intii lagu jirey mudada burburka ah.
Cadceednews, Muqdisho