|

Daawo: Wasiirkii Amniga Ee Dalka Kenya Iyo Saraakiil Kale Oo La Socday Oo Ku Geeriyooday Shil Diyaaradeed Ka Dhacay Nawaaxiga Nairobi


June 10, 2012 Kenya(Cadceed) – Wasiirkii Amniga gudaha ee dalka Kenya iyo 6-xubnood kale oo saraakiil iyo xildhibaano ay ku jiraan ayaa ku geeriyooday diyaarad Helicopter ah oo ku dhacday meel ku dhow Caasimada Kenya.

Sida ay xaqiijiyeen Booliska Kenya Prof. George Saitoti ayaa ka mid ahaa 7-ruux oo goor dhow ku dhimatay shilka diyaarada Helicopetrs markii cilad gashay.
George Saitoti oo ku cilmiga dhaqaalaha ku soo bartay dalka Mareykanka ayaa ahaa mid ka mid ah xubnaha ugu saameynta badan siyaasada Kenya.

Waxaa lagu waday in doorashada madaxtinimada ee sanadka 2013 ka dhaceysa dalka Kenya inuu isku soo sharixi lahaa, isagoo horay u soo noqday Madaxweyne kuxigeenka dalka Kenya.
Prof. George Saitoti ayaa waxaa uu aad u taageersanaa howl galka Ciidamada Kenya ku galeen Koofurta Soomaaliya, sidoo kale waxaa uu si qoto dheer uga hadli jiray amniga gudaha Kenya oo uu marar dhowr ah eedeyn u jeediyay Xarakada Al-Shabaab.

Comments are closed