Daawo: Saxeexayaasha Roadmap-ka Ee Somaliya Sida TFG-da, Puntland, Galmudug Iyo Ahlu Sunna Oo Maanta Shir Uga Furmay Nairobi
June 20, 2012 Muqdisho(cadceed) – Waxaa goordhow magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furmay shir looga hadlayo dardargelinta Road-map-ka iyo sidii loo dhameystiri lahaa dhaqan gelintiisa.
Shirka oo ay ka qeybgalayaan saxiixayaasha Road-map-ka oo ka kooban madaxda ugu sarreysa dowladda KMG ah ee Soomaaliya, maamullada Puntland, Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljameeca ayaa wararka ku dhow dhow waxay sheegayaan in la iskula soo qaadayo sidii loo ambaqaadi lahaa qorshe kale oo ku aaddan soo afjaridda marxaladda kala guurka.
Safiir Maxamed Cali Ameerika ayaa furitaanka shirka ku tilmaamay in uu muhiim u yahay xaaladda uu dalka ku jiro, lana filayo in ay ka soo baxayaan qodobbo wax ku ool ah.
Furitaanka shirka ayaa ku soo beegmaya xilli wakhtiga la heysto uu yar yahay marka la eego fulinta hawlaha dowladda horyaalla oo ay tahay in la qabto ka hor bisha August oo xilliga dowladda ku meel gaadhka ah uu ku egyahay
Cadceednews, Muqdisho