|

Ardayda Fasalada 4aad Iyo 8aad ee Borama Oo Loo Bilaabay Imtixaanaadkii Shahaadigii Iyada Oo Gudoonka Waxbarashada G/ Awdalna Iyo Ciidamada Amaanku Ay Si Habsamiya U Wadaan Hawlahooda Shaqo+Sawiro.

June 2012 Borama(Cadceed) – Magaalada Boorama ee xarunta Gobalka Awdal waxaa ay maanta ka mid ahayd magaalooyinka Somaliland ee sida xoogan looga dareemaayay habsami u socodka imtixaanaadka shahaadiga ah ee laga qaadaayo ardayda fasalada afaraad ee dugsiga sare iyo kuwa sideedaad ee dugsiyada dhexe.

Hadaba waxaa maanta uga waramay kormeerka ay ku soo kalabixiyeen goobaha ay ka socoto hawlaha imtixaanaadku ee lagaga qaadaayay ardayda kaladuwan Gudoomiyaha waxbarashada gobalka awdal mudane Axmed Cige Riiraash oo ay kormeerkiisani ku wehelinaayeen masuuliyiin ka socday wasaarada waxbarashada Somaliland iyo kusimaha badhasaabka Gobalka Awdal.

Gudoomiyaha waxbarashada ee Awdal oo ka warbixiyay arintani oo la hadlaayay ardayda ayaa sheegay in imtixaanaadku ay u socdaan si habsamiya islamarkaasina aanay jirin wax dhibaato ah oo ay ka arkeen ilaahaatan, sidoo kale gudoomiyuhu waxaa uu ardayda ugu bishaareeyay in ay la kaashadaan aqoontooda islamarkaasina ilaahay u fududayn doono imtixaanaadkooda, ayna ku dadadaalaan anshaxa iyo nabada.

Kusimaha badhasaabka gobalka awdal ahna badhasaabkuxigeenka gobalka Awdal mudane C/raxmaan Nuur Sugaan oo sidoo kale ardayda la hadlay ayaa isaguna sheegay in ay Awdal tahay hoyga aqoonta Somaliland islamarkaasina ay ku dadaalaan sidii ay uga shaqayn lahaayeen imtixaanaadkooda iyaga oo aan wax qashqashaada iska galin, sidoo kalena ay ku dadaalaan sidii ay u noqon lahaayeen kuwa gala kaalmaha hore ee dugsigooda .

Sikastaba ha ahaatee ardaydani maanta laga qaadaayay imtixaanaadka ayaa waxaa ay ku dhamaysteen si nabdoon labadii imtixaan ee maanta laga qaaday iyada oo ay u mahadceliyeen dhamaan masuuliyiinta heer qaran iyo heer gobal ee Somaliland.

 Wariye Maxamed C/laahi Dabshid.

Cadceed.com Borama Office.

Comments are closed