|

Agaasimihii Wasaarada Maaliyadda Oo Is Casilay Iyo Xogaha La Xidhiidha Sababta Keentay

June 11, 2012 ( Cadceed) – Agaasimihii guud ee wasaaradda Maaliyadda Jaamac Axmed ayaa la sheegay inuu qoraal is casilaad ah u gudbiyay Madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), isna uu ka aqbalay.

Ma jiro qoraal rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca Madaxtooyadda iyo wasaaradda Maaliyadda midna, hase yeeshee Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karro ayaa sheegay in Agaasimaha guud isu casilay sababo qaarkood lagu tilmaamay inay la xidhiidho diyaar-garowga mansab beeshiisu la doonayso. Siddaas oo ay tahay, waxaa jira tibaaxo muujinaya in Aggaasimuhu isu casilay khilaaf dhinaca shaqada ah oo uu ilaa wakhtigii Maxamed Xaashi ka cabanayay inay jirto sababtaas darteedna uu uga hawl yaraystay inuu xilka sii hayo, maadaama aanu u niyad u hayn hawsha wasaaradda.

Muddadii Wasaarada Maaliyadda uu maamulayay Wasiir Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa waxaa wasaaraddan ka dhex socday is bedelo la xidhiidha dhinaca hawl-wadeenadda, waxaana jira xoggo iyana muujinaya in hanaanka hawshaas loo maamulay Aggaasimuhu ka biyo-diiday.

Agaasimahan is casilay ayaa noqonaya kii labaad ee ka soo jeeda Bariga Burco ee xilka iska casila, iyadoo uu hore Agaasimihii Guud ee Arrimaha Dibedu shaqada uga tagay kadib markii ay iska hor yimaadeen Wasiirka Wasaaradaasi.

Comments are closed