Abaaraha Galbeedka Somaliland Iyo Baaqii Madhnaa Ee Madaxweyne Siilaanyo
June 26, 2012 Hargeysa(Cadceed) – Waxaa jira abaaro ba’an oo dad iyo duunyaba galaaftay oo ka taagan Gobolada Galbeedka Somaliland oo run ahaantii afar jirsaday taasoo ay keentay roob la’aan iyo xaaluf daba dheeraaday oo maatidii iyo intii jilicsanayd ay xitaa waayeen geed ay hadhsadaan iska daa biyo ay carabka saaraane.
Abaartan oo imika isku bedeshay macaluul iyo dhimasho ayaa waxay dhalisay in dadkii iyo xoolihiiba daataan sida haadaanta. Arrintani waxay ka qaylisiisay waxgaradka, siyaasiyiinta iyo Salaadiinta ka soo jeeda Gobolada Awdal iyo Salal, waxaanay qaadeen talaabooyin isugu jira qaylo dhaan iyo gargaar degdega oo barbarsocda taasoo dhalisay inay qofkasta oo ka soo jeeda Goboladan ay ku khasbaan inuu ka qayb qaato gurmadka abaartan, waxaanay ilaa hada u wadaan sidii loogu talagalay, waxaanay shalay gaadhsiiyeen deeqdii ugu horaysay oo raashin ah taasoo ay ku sheegeen dhiig joojin waa siday hadalka u dhigeene.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa shalay markii ugu horaysay tan iyo intii uu xilka la wareegay ka hadlay abaaraha gaamuray. Madaxweyne Siilaanyo wuxuu baaq qaylo dhaan ah u diray dhamaan shacabka reer Somaliland iyo Hay’adaha Caalamiga si ay ugu gurmadaan Abaaraha dabada dheeraaday.
Nasiib daro, baaqa Madaxweyne Silaanyo kama duwana ficil la’aanta xukamadiisu ku waajahday arrinta abaaraha. Marka hore baaqa Madaxweynuhu waa mid yimid wakhti xeedho iyo fandhaal kala dhaceen. Marka labaad Madaxweynuhu wuxuu sheegay inay abaaro jiraan, laakiin halka xaalku marayo abaar way dhaaftay waxayna gaadhay heer macaluul ah. Taasna waxay ku tusaysaa inaanay dawladu weli hayn xaqiiqada naxdinta leh ee deggaankaas ka jirta.
Abaarahan heerka macaluusha gaadhay waxay ka dhasheen abaar afar jirsatay. Waxayna jireen wakhtigii Somaliya macaluushu ka jirtay ee dawlada Somalland 700, 000 ( Todoba Boqol Oo Kun) oo dollar ugu deeqday koonfurta.
Baaqa Madaxweyne Silaanyo wuxuu u eegyahay baaq madhan maadaama uuna shaaca ka qaadin taageero dhaqaale degdeg ah oo xukuumadiisu ugu yaboohday, isla markaana uusan magacaabin gudi heer qaran ah oo gurmadka maamusha.
Haddii dawlada ay dhab ka tahay inay ogtahay dhibta meesha ka taagan, Silaanyo wuxuu ku dhawaaqi lahaa qodobadan:
1) Madaxweynuhu wuxuu marka hore ku dhawaaqi lahaa Gudi heer qaran ah oo masiibadan maareeya isla markaana isku duba rida hawlaha gurmadka.
2) Madaxweynuhu wuxaa waajib ku ahayd inuu ku dhawaaqo gurmad degdeg ah sida cadad dhaqaale oo dawladu u fidiso si dadka tabaalaysan gaar ahaan caruurtu ay ku sugaan gurmadka caalamka laga sugayo oo aan la garanayn wakhtiga la keeni doono. Haddii Somaliland Koonfur u heshay todoba boqol oo kun oo doolar siday dadkeeda saxariirsan 4 sanno wax ugu wayday?
3) Silaanyo ka ma hadal sababta dawladu 4 sanno uga aamusnayd inay aduunka ugu qayliso dadka abaartu xasuuqday. Halkaa waxaa ka muuqda in dawlada Silaanyo xilkeedii gabtay, haddii cadaalad jirtana xafiisayada masuuliyadan iska leh waa in lala xisaabtamo, ilayn gurmad la’aantu waa dhagar aadamiye.
Si kastaba ha ahaatee baaqa Madaxweyne Silaanyo waxaa loo macnaystay oohintii yaxaaska mar haduuna qaadin talaabooyinkii dawlad kaga jawaabi lahayd xaalad macaluuleed, waana nasiib daro.
Cadceednews, Hargeysa