Wasiir Xirsi Ma Kun Buu Ahaa ?
Ugu horayn waxa aan Salaamayaa dhamaan umada reer somaliland meel kaste oo ay joogaan, salaan ka dib, Ugu horayn waxa aan Salaamayaa dhamaan umada reer somaliland meel kaste oo ay joogaan, salaan ka dib
Waxa aan ahay inan dhalinyaro ah ku nool caasimada dalka norway ee oslo waa markii koobaad ee aan qalin qaato si aan wax uga qoro siyaasada.
waxa igu kaliifay waxa ay ahayd 3/5/2012 habeenkii ay soo galsay khamiistu markii aan sugay waraysi uu tvga caalamiga ah ee HCTV la yeeshay wasiirka madaxtooyada wasiir xirsi ali x xasan, kaas oo aan in badan xiiso u qabay in aan arko meel uu ka waramaayo, dhab ahaan waxa markaa aan eegayay facebook qornaa in ka badan 200 oo commant oo su,aalo ah wariyahana laga codsanaayo in uu waydiiyo wasiirka
Nasiib wanaag waxa aan ka qayb qaatay su,aalihii la waydiinaayay wasiirka aniga oo u soo mariyay facebook waxa ay gaadhay 8:35 saacada oslo markii aan u fadhiistay in aan dhuuxo dhagaysto qiimeeyo eegana bal su,aalahaa jawaabta uu ka bixiyo xirsi
waayo intii xukuumadan cusubi dhalatay waxa aan maqlaayay {wixii xun xirsibaa leh}
laakin wariye maxamed waxa uu bilaabay su,aalihiisii isaga oo soo qabanaaya midba mida ay ka adagtahay ama umadu is waydiinaysay dhab ahaan waan qiirooday markii aan arkay isdhuldhiga iyo sida qabow ee uu uga jawaabayo su,aalaha isaga oo aan ku kacsanayn caadifad iyo cadho toona.
waxa uu ku dadaalayay jawaabihiisa in uu ku saleeyo caqliga saliimka ah iyo diinta islaamka waxa uu in badan ku dadaalayay in uu bixiyo {the rigth answer}
taas oo ay adagtahay in inan kale bixiso.
anigu ka hor waraysigaa waxa aan u haystay xirsi in uu yahay sida dadku leyihiin madama oo anan aqoon u lahayn laakin waxa aan ogaaday in umada woxodu tahay {waa la lahaa} oo aanay qiimayn iyo aqoon toona u lahayn wasiirka,waxa aan ka jaahil baxay wax badan oo iga qarsoonaa ka hor waraysigaa aanan aaminsanaa hadii wasiir xirsi la waydiiyo in aan ana ku biiri doona groupka loo yaqaan (iska maagayaal group) oo ah koox u ban baxday cayda ay ku hayaan xukuumada siilaanyo,
gun iyo gaba gabadii waxa aan u mahad naqayaa tvga caalamiga ah ee HCTV ee suurto galiyay waraysigaa umada waxa badan u taray iyo waliba wariyaha maxamed cabdi ilig,
waxa aan aada iyo aad iyo aad ugu mahad celinayaa wasiirka madaxtooyada wasiir xirsi ali x xasan oo ah wasiir firfircoon dhalinyaro ah aqoon leh karti badan una huray in badan oo xiligiisa ka mida sidii uu dalka somaliland wax ugu qaban lahaa.
by hodon ali
hodon_oslo@hotmail.com
oslo___norway