|

Wakiilka Somaliland Ee Ingiriiska Oo La Fajacsan Safiir Kale Oo Laga Dulgeliyay

May 22, 2012 Hargeysa(Cadceed) – Wakiilkii Somaliland ee dalka Ingiriiska Md. Axmed X. Aadan X. Cumar ayaa sheegay inuu ka warhelay xilkii uu u magacawnaa ee Wakiilnimo oo mar labaad loo magacaabay masuul cusub iyada oo aan waxba laga ogaysiin.

Wakiilka Somaliland Md. Axmed Xaaji Aadan waxa uu tilmaamay inaanu ka xumayn magacaabista masuulka cusub, balse ay ka horaysay in marka hore la sameeyo xil ka qaadista Masuulka hore xilka xafiiska u hayey. “Horta xilka qaadista iyo magacaabistuba waa suneyaasha dawladnimo oo ma diidani, laakiin waxaa xaajo ugub ah oo lama filaan igu noqotay in iyadoo aan xilkii la iga qaadin cid kale la igu dul magacaabo oo aan ku war helo warqad nin sita oo xafiiskaygii iigu yimi”, sidaa waxa yidhi Wakiilkii Somaliland ee Ingiriiska Md. Axmed X. Aadan Cumar oo uu Madaxweynaha Somaliland xilka xafiiska u magacaabay badhtamihii sannadkii hore ee 2011, haseyeeshee waxa xilka Xafiiska Ingiriiska mar kale loo Magacaabay Cali Aadan Cawaale, horraantii bishan May 2012ka.

Wakiilku waxa uu intaa ku daray in markii arrintani dhacday uu ku maqnaa shaqo Qaran oo dalka debeddiisa ah, balse markii uu ku laabtay xafiiskii uu ugu tegay nin sita warqad magacaabis ah oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Dawladdu. “Illaa hadda ma jirto wax farriin ama qoraal ah oo la iigu sheegay ama la igu wargeliyey in la iga wareejiyey masuuliyaddii aan Qaranka u hayey oo ah xil uu Madaxweynaha Somaliland ii magacaabay”, ayuu ku daray Wakiilka Somaliland ee dalka Ingiriiska, isaga oo caddeeyey inuu diiday xil wareejinta xafiiska oo uu sabab uga dhigay in uu hubsanayo xaqiiqada dhabta ah ee dhacdadan oo uu ku tilmaamay inaanay waafaqsanayn sharciyadda sunaha dawladnimo iyo milgaha xafiiska uu xilkiisa ku magacaaban yahay.

Comments are closed