|

Ururka Wadani Iyo Aayaha Togdheer By Mukhtar Cilmi

Waxaan halkan aad uga salaamayaa bahda Shabakada Caalamiiga Cadceed.com, Waxaan raaba inaan sheego gobol amba degmo walba waxaay horumar ku gaadha markay bulshadeedu doortan shakhsiyaad firfircuun ,kana soo baxana Urur wata barnaamiij casri ah oo raaba inu aayaha bulshadaas fuleyo maadama ay dayac ka muuqday moddo dheer gaadhahan Gobolka Togdheer iyo Degmooyiinkeeda.

Ururka barnaamiijka wata wa kii daawen laaha baahida degmooyinka gobolkan kaas oo ah Wadani, wa Urur goddomiyahiisu yahay nin siyaasi ah oo wadani dhab ah mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo siyaasiyiin badan isku jira xidhibaano ku jira Guurtiada iyo Wakiilada iyo aqoonyahano wadaniyiin ah.
 
Ururka Wadani waxa barnaamijkiisa ku jirta in iskuuladii iyo dhakhataradii degmooyinka oodweyne, duruqsi, balidheeg, qoryaale , waraabeye, war cimraan inu wax ka qabto oo dadkii hawshan fuleyn laaha oo soo ban dhigo markay noqoto xaga musharaxiinta wadani ee dooraashada deegaanka so dhow, rag matala aayaha deegaankooda iyo bulshadooda oo dayactirka gobolkan ka jiray degmooyinkiisa daaweya.

waxay ila tahay in reer Togdheer doortan ururka ka fakara mashaakilka bulshada iyo cabashada deegaanka barnaamiij dhisan oo ku socda wada tashi iyo wanaag kaas oo ah Barnaamiijka Ururka Wadani , inshaalaahu miidhaha barnaamiikan bulshada gobolka Togdheer iyo Somaliland oo dhan ay heli doona mustaqbalka dhow .

By Mukhtar Cilmi

khadar2244@hotmail.com

Comments are closed