Ururka Wadani Fikir Caafimaad Qaba By Mukhtar Cilmi
Asalamu calaykum waraxmatulahi wabarakato.Waxaan halkan aad uga salaamayaa bahda Shabakada Caalamiiga Cadceed.com. Somaliland waddo dheer ayay soo martay waddo aad uu xun,saami wayna ku yeeshay dhalinyaradda somaliland, wax chance ahna dhalinyaraddu may lehayeen waagaas, ururka Wadani waa mid dhalinyaradda u furan mar walba sidu aayahooda u fulin laaha iyo horumarkooda,waana shay muhiim weeye dhalinyaradda yaga ah mustaqbalka .
Wadani waa urur si weyn u taageersan xaqooqda dhalinyaradda, waxana uu ururku aaminsan yahay siddii ay dhalinyaraddu u heli lahaayeen waxa ay xaq u leeyihiin xaga siyaasada somaliland iyo aayahooda kale ba,ururka Wadani waxu xooga saaray in dhalinyaradda laga dhiso xaga waxbarashadda, caafimaadka, shaqo la,aanta, ururka wadani wuxuu aaminsan yahay in la horumariyo dhalinyaradda Somaliland.
Ururka Wadani wuxu ka qaban doono arimaha Shaqo la,aanta ee haysata muwaadiniinta Somaliland wa ariin xasaasi ah, iyo dayactirka arimaha aasaasiga xaga caafimaadka, waxbarashadda, nabadgelaydda, sidoo kale Wadani ayaa la sheegay in wuxu wax weyn ka qaban doono Ictiraaf raadinta Dalkeena Somaliland ee ilaa imika wax dal ah ku ictiraafin waana shay muddo dheer la sugayay, waa in siyaasaad cusob loogu dhaqaaqa looma baahna siyaasad sida kuwi hore.
Wuxu Wadani saaxadda siyaasadda Somaliland ku soo kordhin karaa cadaaladd,sinaan, iyo maamul wanaag kuna socda hab casri ah, oo cid walba dhadhamen doontu mustaqbalka dhow, shakhiyaadka maamulka noqon doonaa ay yihiin kuwo aan ku milmin siyaasaddihii hore ee dalka loogu maamuli jiray, waxana raacinyaa in mas’uulinta wadani ay ku leeyihiin bulshadda somaliland dhexdeeda sharaf iyo cisi .
By Mukhtar Cilmi
khadar2244@hotmail.com